Taariikh nololeedkii halgamaagii sh ibraahim c/la maxamad,
gudoomiyihii hore ee ururka onlf Sh ibraahim c/laahi maax
waxa uu ku dhashay magaalada (qallaafo) oo ka mid ah
magaalooyinka taariikhiga ah ee wadanka soomaali galbeed ee
itoobiya gumaysato, sanadku markuu ahaa 1941m.
Tacliintiisii ugu horaysay, wuxuu ku qaatay tuulada
(baarguun) oo 60km hilaadii u jirta magaalada (goday), halkaasoo
uu ku bartay quraanka iyo naxwaha, iyo fiqiga shaaficiga, oo uu
iiga magac dhabay, kitaabka (alminhaaj) ee imaamu nawawi
allifay.
Culimada uu kutubtaa ka akhristay, wuxuu iyana iiga sheegay,
(sh muxumad shibli), oo ah waalidka sheekha caanka soomaaliya ka
ah (sh maxamuud sh muxumad shibli).
Sheekhu quraanka wuu xifdisanaa, mase waydiinin goortuu
xifdiyay, iyo mudada uu ku xifdiyay toona.
Kadib sheekhu wuxuu ka mid noqday raggii kontonaadkii
qarnigii hore u lugeeyay, jaziirada carabta, si ay cilmi uga
raadsadaan xajkana oogusoo gutaan.
Safar dheer kadib makka ayuu tagay, sanadku markuu ahaa 1959m
wuxuuna marti ugu noqday halkaas, (sh maxamad soomaali) oo ahaa
culimada jaziirada kuwa ugu waawayn, kana akhrin jiray, xaramka
makka cilmiga xadiithka, isagoo halkaa arday ugu noqday, kutubna
kaga akhristay uu iiga magac dhabay (saxiixul bukhaari).
Kadib, wuxuu u jeestay tacliinta nidaamiga ah, wuxuuna ka
dhameeyay sakandariga madaraso, raacsanayd (machadka cilmiga ee
riyaad).
Sanadku markuu ahaa 1970m wuxuu ka qalin jabiyay kuliyada
shareecada ee jaamacada (imam maxamad binu sucuud alislaamiya).
Kadib wuxuu ku noqday soomaaliya wuxuuna ku biiray wasaaradii
tacliinta ee jamhuuriyada dimoqraadiga soomaaliya, isagoo ka
noqday macallin dugsiyada sare ee magaalada hargaysa sanadkii
1972m .
Kadib wuxuu u jeestay dhanka siyaasada, wuxuuna ku biiray
(jabhada xorayna soomaali galbeed).
Wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii dhex maray soomaaliya iyo
itoobiya 1977m, isagoo ka mid ah jabhaddaas.
Kadib wuxuu ka mid noqday golaha dhexe ee (jxsg), wuxuuna u
noqday wakiilkeeda u jooga dalka (imaaraatka carabta) ilaa
sanadkii 1989m.
Sanadku markuu ahaa 1984m waxay isaga iyo toban xubnood oo
kale aasaaseen jabhada (onlf). Iyagoo hadafkoodu ahaa in
qaraarka xoraynta soomaali galbeed ay u madaxbanaanaadaan reer
soomaali galbeed, farahana looga bixiyo dawlada soomaaliya, oo
markaas maamulka jabhada saamayn iyo jihayn wayn ku lahayd.
Kadib waxaa si rasmi ah loogu doortay gudoomiyaha jabahda
sanadkii 1991m, wuxuuna madaxwayne ka ahaa ilaa iyo sanadkii
1998m.
1999m sh ibraahim wuxuu aasaasay markaz cilmi baadhis oo
mgaciisa la dhaho (المركز الإقليمي للأبحاث والدراسات
الإستراتيجية في القرن الأفريقي )
Wuxuuna kazoo saari jiray majalad ama joornaal magaciisa la
yidhaahdo (alqarnul carabi) oo macneheedu yahay (qeeska carabta)
wuxuuna ula jeedaa waxa caalamka loo yaqaano (geeska afrika)
isaguse waa diidanaa in geeska lagu magacaabo geeska afrika,
maxaa yeelay wuxuu aaminsanaa soomaali dhamaanteed inay ka mid
yihiin dhul iyo dadba khariidada carabta, sidaa daraadeedna
geesku uu yahay geeska carabta!!.
Sh ibraahim wuxuu ahaa qoraa, caan ka ah dunida siiba inta
wax ku akhrida afka carabiga, isagoo kutubtiisa badankeeda ku
qoray afka carabiga, islamarkaana ku lahaa joornaalada iyo
majalaadka khaliijka maqaalo aad u tira badan qaarkoodna ayba
joogta u ahaayeen!.
Kutubtuu allifay waxaa ka mid ah:
- Alhaziima athaalitha lilxabashah 1982m (jabkii saddexaad
ee xabashida).
- Tafsiiru taariikh 1992m .
- Tafsiiru nidaal 1995m (tafsiirka halganka) wuxuuna ku
qoray afka soomaaliga.
- Tuxfatul awfiyaa, limasiiratil taxriiri watacriibi
filqarnil afriiqi, wuxuuna ii sheegay sheekhu inuu kitaabka
magucuu ku allifay uu ahaa (alsiraacu baynal masjidi
walkaniisah fil qarnil afriiqi) oo macnihiisu yahay halganka
u dhexeeya masaajidka iyo kiniisada ee geeska afrika,
laakiin uu u badalay arimo siyaasadeed darteed!.
- Macarakatul kharaaid filqarnil ifriiqi (dagaalka
khariidooyinka ee geeska afrika) kaasoo uu ku odorosayo,
khariidooyinka hada ka jira geeska afrika iyo dagaalka loogu
jiro in wax laga badalo, kitaabkan sheekhu wuxuu ii sheegay
inuu dhameeyay sanadkii hore 2007m, laakiin wali daabacaad
ma helin ogaantay.
Sheekhu _alaha u naxariistee_ wuxuu guursaday saddex haweena,
ifkana wuxuu ubad kaga tagay, afar wiil iyo afar gabdhood.
Sheekhu sifaad wanaagsan oo tira badan ayuu lahaa, hadaan ka
xuso dhanka diinta wuxuu ahaa nin aad u daaco badan, aadna ugu
dadaala salaada inuu ku guto jamaacada masaajidda, mar aan
waydiiyay maxaad u joogi la,dahay yurub oo uu iqaamad kulahaa
caruurtiisa badhkoodna daganyihiin, wuxuu iigu jawaabay, ma rabo
inaan dago meel aan masaajid lagu tukado lahayn ama ayna
sahlanayn tagistiisu!!.
Wuxuu ahaa nin qur,aan akhris badan oo ay yartahay inuu ka
tago wardigiisa habeenkii, waxaase iga yaabiyay inaanan sheekha
ku arag isagoo kitaab quraana haysta, ama shandada safarka ku
wata!! Markaan arinkaa waydiiyayna wuxuu iigu jawaabay, inuu
quraanka loox ku xifdiyay, illaa hadana uusan u baahanin
musxaf!!!.
Dhanka siyaasada oo qudheedu soo hoosgalaysa diinta waxaan ka
tilmaami karaa inuu ahaa, nin aad xabishada u neceb halgan
dhinac kasta ahna u galay sidii loo jabin lahaa xabashida,
dariiqaasna aan waligii ka leexanin, kuna danbaabi mayo qofkii
yidhaahda (halgankii dartii ayuuba u naf baxay!!), hadii wax
badan laga iloobo halgankiisa waxaan marnaba soomaalidu iloobi
doonin halgankiisa xaga qalinka ee uu ka qoray taariikhda
xabashida iyo asbaabta lagaga guulaysan karo, oo ah dhaxalka ugu
muhiimsan ee uu ooga dhintay bulsha waynta soomaalyeed ee
xoriyadoonka ah, islamar ahaantaana mudan in si qota dheer loo
diraaseeyo.
Sheekhu wuxuu geeriyooday duhurnimadii axadii taariikhdu
markay ahayd 18/6/1429h, oo waafaqsan 22/6/2008m, wuxuuna ku
geeriyooday magaalada dubai
Alaha u naxariisto sh ibraahim cabdala maxamad, jana
fardawsana ha ka waraabiyo, eheladiisii iyo dhamaan umada
soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan alaha ka
siiyo.
Waxa diyaariyay/ dr: c/raxmaan sh claahi (c/raxmaan madani)
burjabis@hotmail.com