SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

21 Jun 2008.

 

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Dagaallada Afrika iyo Aasiya oo kordhiya qoxootiga adduunka.

Hawlgalkii GULUF oo taageero iyo riyaaq lagaga soo dhaweeyey dacalada aduunka.

Jaaliyadaha Ogadenya ee Waqooyiga America oo hambalyo iyt bogaadin ku aadan hawlgalkii GULUF hawada u marinaya ciidanka qalabka sida ee ogadenya.

 

======================           

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

 

Shan maalmood gudohood dagaallo kala duwan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 29 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 20 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

 

19/06/08 ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay meesha lagu magacaabo Carbadhis, oo Dhagaxbuur ka tirsan, ayaa weerar lagu qaaday, waxaana weerarkaas lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

17/06/08 weerar lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Far-dhiig, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

16 iyo 13/06/08 dagaallo ka dhacay Darida, oo ka tirsan degmada Xamaro, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

15/06/08 labo dagaal oo ka kala dhacay Dhoofa iyo Haar-Dhagax, oo Dundumo-Cadka ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 11 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Isla 15/06/08 dagaal isaguna ka dhacay Shabeeley, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

 

Dhinaca kale ciidammo cusub oo la keenay degmada Haar-cad, ka dib markii toddobaad ka hor ay CWXO cagta mariyeen ciidammadii halkaas joogay, ayaa baxsad billaabay iyagoo ka baqaya in CWXO ay mar kale ku soo rugaal celiyaan. Waxaa iyaguna baxsad midkaas la mid ah billaabay malleeshiyooyin Dabaqoodhi ah oo ku sugnaa meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Qorraxey, kuwaasoo goʼaansaday inay xeryaha banneeyaan intayna CWXO ku soo kadinin.

 

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha

 

Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah. Waxay sidoo kale meelo kala duwan ku xidhxidheen dad rayad ah oo aan waxba galabsanin.

 

Marki ay taariikhdu ahayd 16/06/08 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen meesha lagu magacabo Tawulane, oo Dhagaxbuur ka tirsan, nin shacab ah oo lagu magacaabo Abshir Xuseen Cali.

 

14/06/08 Qurqura, oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, waxay ciidammada gumaysigu hal Qori kaga dhaceen nin shacab ah oo lagu magacaabo Macalin Nuur.

 

18 iyo 12/06/08 magaalada Shaygoosh waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-      Sh Ismaaciil Xuseen Sugul

2-      Cabdi-Madoobe Sh Xasan

3-      Nuur Cartan

4-      Tamaan C/llaahi Cumar

5-      C/wahaab Sulub iyo

6-      Ina Xasan Axmed oo magaciisa hore aanaan haynin

 

16/06/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah oo aan magacyadooda ka helnay;

1-      Xubi Cabdi Guud-cadde

2-      Shugriya oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin

3-      Sahra-Kiin Sh Bashiir iyo

4-      Ruqiya Xuseen

 

12/06/08 magaalada Jigjiga waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad shacab ah oo badan, waxaana ka mid ah;

1-      Maxamuud C/samad

2-      Libaax Cabdi Xoosh

3-      Axmed Xasan Khaliif

4-      Shariif Anwar iyo

5-      Axmed Xubi Sh Cali

 

08/06/08 Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-      Xaliimo Mahad

2-      Aamina Maxamed Dakharre iyo

3-      Jawhar Axmed Yuusuf

 

Dhinaca kale cunaqabataynta ay ciidammada Itoobiya ku hayaan dalka Ogaadeenya muddo sannad ka badan iyo roobabkii Guga oo aan si fiican uga diʼin guud ahaanba gobollada Ogaadeenya, ayaa laga yaabaa inay horseedaan dhibaatooyin baʼan oo dadwaynaha la soo gudboonaada. Waxaa laga cabsi qabaa in dalka ay ka dhacdo abaar si wayn u waxyeellaysa dadka duunyada labadaba.

 

Dagaallada Afrika iyo Aasiya oo kordhiya qoxootiga adduunka

 

Dagaallada ka socda qaybo ka mid ah qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa horseeda inay si siyaado ah kor ugu kacdo tirsada qoxootiga adduunka, sidaas waxaa khamiistii daboolka qaaday Hayʼada Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

 

Hayʼadda UNHCR waxay sheegtay in dagaallada ka socda meelaha ay ka midka yihiin Soomaaliya, Darfur, Chad, Congo, Ciraaq, Afganistan iyo Lubnaan ay si aad ah u kordhiyaan tirade qoxootiga adduunka, isla markaana ay wiiqaan dadaalka ay ururada samafalka ahi ugu jiraan gacan qabashada dadka dunida ku tabaalaysan.

 

Madaxa ugu sarreeya Hayʼadda UNHCR Antonio Guterres ayaa mar uu khamiistii booqasho ku tagay xerada Qoxootiga ee Dhadhaab, wuxuu sheegay in Hayʼadda uu madaxda ka yahay ay baahi ballaadhan u qabto dhaqaale saaʼid ah. Wuxuu kaloo intaas ku daray in sannadkii hore ee 2007 qoxootinimo loo aqoonsaday dad ay tiradoodu gaadhayso 11.4 milyan oo qof, halkii sannadkii ka horreeyay ee 2006 qoxootinimo loo aqoonsaday 9.9 milyan oo qof.

 

Shalay oo jimce ahayd waxay ku aaddanayd Maalinta Qoxootiga Adduunka, sidaas darted ayuu Mr Guterres u booqday xerada qoxootiga ee Dhadhaab, si uu beesha caalamka ugu baraarujiyo dadka ka soo qaxay dagaallada ka socda gobolka Geeska Afrika ee halkaas qoxootiga ku ah.

 

Ugu yaraan 1 milyan oo qof oo ka soo qaxat dagaallada Soomaaliya ka socda ayaa ku sugan xeryaha qoxootiga ee Kenya. Hayʼadda UNHCR ayaa sheegtay in bil walba ay Kenya qoxootinimo u yimaadaan 4000 oo Soomaali ah, taasoo horseeday in qoxootiga Dhadhaab ku sugan, oo markii hore ahaa 20,000 ay sannadkan gudihiisa noqdaan 200,000.

 

Bilihii ugu denbeeyay waxaa sidoo kale xeryaha qoxootiga ee Kenya ku soo qulqulayay dad ka soo qaxay xasuuqa ay ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya. Qoxootiga Ogaadeenya ee bilihii u denbeeyay tegay xeryaha qoxootiga ee Kenya ayaa la rumaysan yahay inay aad u badan, in kastoo aan wali si dhab ah loo tirakoobin.

21 Jun 2008

 

Axmed Gaal-Eri

 

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  5:00PM – 5:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS