SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii ugu xiisaha badnaa wiigi la soo dhaafay

  • Waxaa isusoo dubaridey: Abdikarim Ahmed Huseen.

Sidii aad uga barateen sida caadada ah wararkii ugu doorka waynaa uguna xiisaha badnaa ee ka dhaca dhamaan dalka Somaliya oo ay inii soo gudbin jirtay Shabakada wararka ee Somalitalk.com ayaa maanta waxyaabaha aynu kusoo qaadan doono waxaa ka mid ah;

  • 1.Cabdullahi Yuusuf oo Jabuuti tagay, lana kulmay Ismaaciil Cumar Gelle & Cadde Muuse.
    2.Somaliland oo canbaaraysay Eritrea dagaalkii ay ku qaaday dalka Jabuuti.
    3.Isbahaysiga oo la kulmay Wakiilo ka socda beesha caalamka.
    4.Warar ku saabsan Muqdisho, oo baryahan danbe dagaalo ka dhaceen.
    5.Gole cusub oo lagaga dhawaaqay Muqdisho oo ah Golaha Guurtida Beelaha Daarood.
    6.Cabdullahi Yuusuf Axmed VS Xuseen Faarax Caydiid.

Cabdullahi Yuusuf oo Jabuuti tagay, lana kulmay Ismaaciil Cumar Gelle & Cadde Muuse.

Madaxwaynaha DFKMG Cabdullahi Yuusuf oo ku sugnaa Addis Ababa shir uga soconayay wadamada ku bahoobay IGAD ee ay Somaliyana ku jirto, ayaa ka dib markii uu soo dhamaystay shirkaas ayaa waxaa lagu soo waramaya in uu usoo kicitamaya dhinaca Muqdisho, waliba iyadoo ay galbinayaan ciidamo Itoobiyaan ahi.

Cabdullahi Yuusuf kama soo dagin Airpotka Muqdisho, ilaaladii Madaxweynaha ayaa dareemay in loo sii diyaariyay qorshe dagaal ah oo lagu qaado Madaxweynaha oo la doonayay in lagu khaarijiyo.

Xoogaga kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ah ayaana sii qorsheeyay dagaalkaas. Cabdullahi Yuusuf wuxuu codsi u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle si uu ugu soo dago Airpotka dalka Jabuuti, sidaas darteed diyaaradii siday Madaxweynaha ay u leexatay dhinaca dalka Jabuuti.

Cabdullahi Yuusuf markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha ee dalka Jabuuti, waxaa markii ugu horaysay si heer Qaran ah usoo dhaweeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

Waana markii ugu horaysey ee Ismaacil Cumar Gelle uga hor tago garoonka diyaaradaha Madaxweyne Yuusf, waxaa kaloo soo dhaweeyay siyaasiyiin badan oo ka tirsan dalka Jabuuti, iyo dhamaan Safiiradii DFKMG u fadhiyay dalka Jabuuti.

Madaxwayne Yuusuf wuxuu sheegay inay magaalooyin badan oo Soomaaliya ka mid ah shalay laga gubay calanka Dawlada Eritrea waxuuna ugu baaqay shacab weynaha Soomaaliyeed inay gubaan calanka Eritrea, maadama ay khalad ugu soo duushay Dawlada ay jaarka yihiin ee Jabuuti.

Mar uu arrinta dagaalka u dhaxeeya Eritrea iyo Jabuuti uu ka hadlaayay wuxuu yidhi (Eritrea Soomaali axsaan uma sameyn wey isku soo hubeysay weyna isku dirtay shacabka Soomaaliyeed, hadana waxey bilowday inay dagaal bareer ah kusoo qaado walaalaheen Jabuuti, hala socdaan inaan dagaalka safka ku jirno). Ayuu yidhi Mr. Yuusuf.

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in Cabdullahi Yuusuf iyo Cadde Muuse kulamo qarsoodi ah ku yeelan doonaan dalka Jabuuti, arrinta ugu wayn ay ka wada hadli doonaana ay tahay xaalada Maamul Goboleedka Puntland oo imika xaaladiisu qiilqiil ku jirto.

Cabdullahi Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in uu Maamul Goboleedka Puntland ay Dawladiisu kataageeri doono dhinac dhaqaale iyo dhinac siyaasadeedba, si ay Puntland shacabkeeda u hanato. Waxaa kaloo wararku sheegayaan in uu Cabdullahi Yuusuf u yeedhay Cadde Muuse si uu talooyin usiiyo, talooyinkaas oo u suurto galinaya Cadde Muuse in uu ka gudbo xaaladan ku cakiran Maamulka Puntland.

Waxaa kaloo dhici karta in Cabdullahi Yuusuf iyo Ismaaciil Cumar Gelle ay booqan doonan isbitaalada ay ku jiraan ciidankii kusoo dhaawacmay dagaalki ay lagaleen Dawlada Eritrea.

Dawlada Jabuuti oo Jimcihii aynu soo dhaafnay eriday Safiirkii dalka Eritrea u fadhiyay dalka Jabuuti kadib markii uu cirka isku sii shareeray khilaafkii labada dal u dhexeeya.

Cadde Muuse wuxuu kaloo ugu deeqay dalka Jabuuti xoolo badan oo uu ugu talo galay ciidanka ku dhaawacmay dagaalki ay la galeen Dawlada Eritrea, deeqdaas waxaa soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Jabuuti, iyo gaar ahaan ciidamada iyagu dagaalka ku jira.

Cabdullahi Yuusuf Axmed wuxuu soo dhaweeyay shirka Jabuuti ee ay kuwada gaadheen DFKMG iyo mucaaradak Isbahasyiguba, wuxuu Yuusuf sheegay in ay Dawladiisu diyaar u tahay wax walba oo kaga soo baxa shirka, lana sii wadi doono hadalada u dheexeeye laba Ergo, wuxuuna ku baaqay sidii loo hirgalin lahaa heshiisyada in iyadana la ansaxiyo.

Ka dib markii uu Cabdullahi Yuusuf kusoo noqday magaalada Muqdisho, waxaa isla markaa dhacay qarax xoogan oo lagu dilay Taliyihii qaybta Galbeed ee ciidanka Booliska Soomaliyeed, qaraxaas oo ahaa Miino lala beegsaday gaadhi uu saarna Taliyuhu oo marayay nawaaxiga Dugsigii 21-ka Oktobar ee Degmada Waaberi, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen isaga iyo laba ka mid ah ilaaladiisi.

Taliyahan oo lagu magacaabo Xasan Maxamed (Xasan Jiifyare) oo ku guudo jiray sidii uu wax uga qaban lahaa badbaadinta Madaxweyne Yuusuf oo isaguna isla markaa soo dagayay, ayuu qaraxani ku beegmay.

Gabi ahaan gaadhii uu saarnaa Taliyuhu wuu gubtay, waxaana arrintaas ay walwal ku keentay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf, maadama uu Taliyahaasi usoo socday wax ka qabadka amaanka madaxweynaha.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu cadaystay ama qirtay in ay ka danbeeyeen dilka Taliyahan, balse ay la beegsadeen uun gawaaridii ka qayb qaadanaysay Madaxweynaha amaankiisa.

Somaliland oo canbaaraysay Eritrea dagaalkii ay ku qaaday dalka Jabuuti.

Somaliland iyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa war saxaafdeed kasoo saaray caasimada dalka ee Somaliland, warsaxafadeedkaas arrimahiisa ugu wayni waxay ku saabsanaayeen canbaarayn ay usoo jeedinayaan Dawlada Eritrea, oo gardarro ku weerartay dalka Jabuuti oo ay aad isugu dhawyihiin.

Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in uu isaga iyo Jamhuuriyada Somaliland ka xunyaahy dagaalkaas gardarada ah ee ay kusoo qaaday Dawlada Eritrea dalka Jabuuti, wuxuu kaloo sheegay in ay shacabka reer Somaliland ay sidoo kale ka xunyihiin dagaalkaas.

Mr. Rayaale wuxuu kaloo tacsi u diraya dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ciidamada Jabuuti kuwaas oo ku jira dagaalka, kuna jira difaaca dalkooda, wuxuu kaloo u rajaynaya Dawlada Jabuuti guul, Nabad iyo Horumar.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa isaguna markii ugu horaysay ka hadlay dagaalka labada Dawladood soo kala dhex galay, waxay sidoo kale sheegeen in ay ka xunyihiin dagaalkaas xaqdarada ah ee u dhexeeya Eritrea & Jabuuti.

Mudane Keyse Xasan Cige oo ah Xooghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye ayaa isaguna baaq usoo saaray ku sheegay in ay gabi ahaan Xisbigoodu canbaarayn ka dhan ah usoo jeedinayo Dawlada Eritrea, maada ay iyadu dagaalka bilawday, ama ay iyagu weerarka kusoo qaadeen xuduudka Woqooyiga ee labada dal u dhaxeeya.

Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye wuxuu Dawlada Eritrea ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan arrinta labada dal, gaar ahaan arrinta khusaysa xuduudka u dhaxeeya.

Sidoo kale Dawlada Mareykanka ayaa cambaareysay weerarka ay Dawlada Eritrea ku soo qaaday Jamhuuriyada Jabuuti.

Baaqaas ay soo saareen Xisbiga Kulmiye wuxuu u dhignaa sidan;
Hoggaanka xisbiga KULMIYE wuxuu cambaareynayaa duulimaadka ay xukuumadda Eritriya ku soo qaaday woqooyiga Jabuuti maalintii Salaasada ee bisha Juun ahayd 10, 2008.

Waxaannu aad uga xunnahay weerarkaasi ay Eritriya ku qaaday Jabuuti oo aanu u aragno midaan loo baahnayn wakhtigan la joogo oo dadweynaha ku nool gobolkan iyo guud ahaan adduunkuba ay soo food-saareen dhaqaale xumo, sicir-barar iyo macaluul.

Waxaannu aaminsanahay in weerarada noocan ahi aanay waxba ku soo kordhineynin nolosha iyo wadciga dhabta ah ee yaal gobolkan, haseyaashee ay ku sii siyaadinayaan dhibaatooyin iyo duruufo adag oo hoos u dhiga adeegga aasaasiga ah ee nolosha bulshada ku nool labada waddan ee Jabuuti iyo Eriteriya iyo guud ahaan Gobolka Geeska.

Waxaynu ognahay inay Jabuuti ka mid tahay goobaha ugu xasiloon Gobolka Geeska Africa, sidaa daraadeed aan loo baahnayn in wax loo dhimo degenaanshahaas, kaasoo saamayn weyn ku yeelan kara nabbadda iyo xasiloonida Gobolka guud ahaan.

Waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda Eritrea inay joojiso weerarrada aan waxba soo kordhinayn, laguna dhammeeyo arrinta ka dhexaysa labada waddan ee Jabuuti iyo Ereteria wadahadal."

Dhinaca kale, madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa wuxuu wada hadalo iyo kulamo la yeeshay wafdi balaadhan oo ka socday Dawlada Britian kuwaasi oo uu hogaaminayo Wasiirul Dawlaha Xidhiidhka Dibada iyo Arrimaha Common Wealth-ka u qaabilsan Dawlada Britian Mr Kim Howello.

Kulankaas ayaa wuxuu ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaan ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan Somaliland iyo marti sharaf kale, labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka Diblomaasiyadeed iyo ka dhaqaaleba ee ka dhaxeeye Somaliland iyo Britian.

Mr. Kim Howello wuxuu sheegay in uu wafdigiisu u yimi si uu u indha-indheeyo baahida ay Somaliland u qabto aqoonsiga, wuxuu kaloo intaa ku daray in uu Jamhuuriyada Somaliland ugu hanbaliyeeynayo hormarka ay ka gaadheen nabad galyada iyo dhaqaalaha, wuxuuna sheegay in uu waxqabadkaas ay Somaliland ku dhaqaaqday uu aad ugu faraxsanyahay.

Madaxweyne Rayaale wuxuu wafdiga kala hadlay sidii aqoonsi degdeg ah loogu heli lahaa Jamhuuriyada Somaliland, maadama ay dhibaatooyin fara badan lasoo tacaashay, oo aanay wax caawimo ah ka helin caalamka kale, arrintaasna ay sabab u tahay aqoonsi la,aanta ka jirta Somaliland.

Qudbado badan ka dib oo ay soo kala jeediyeen dhamaan Wasiiradii ku sugnaa Qasriga Madaxtooyada, ugu danbayntii wuxuu Mr. Kim Howello u balan qaaday Somaliland, in uu Dawlada Brtitian marka uu ku noqdo ka dhaadhicin doono nidaamka soo jiidashada leh ee ay samaysatay Somaliland

Isbahaysiga oo la kulmay Wakiilo ka socda beesha caalamka.

Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya ayaa u kicitimay dalka Kenya gaar ahaan caasimada dalkaasi ee Nairobi, si ay kulamo ula yeeshaan Midawga Yurub oo isaguna halkaas kusii diyaar ahaa.

Isbahaysiga oo ka baxay magaalada Jabuuti, ayaa markii ay baxayeen, sababaha ay u baxayaan aan saxaafada u sheegeen, balse laba ayaamod kadib, shaaciyay in ay kulamo la yeelan doonan Midawga ka socda wadamada Yurub.

Kulankan ayaa waxay labada qoloba (M/Yurub & ISBAHAYSIGA) ka wada hadli doonaan heshiiska ay ku wada gaadheeh Jabuuti DFKMG iyo Isbahaysiga uu hor kacayo Sheekh Shariif.

Isbahaysigan ku sugan Nairobi ayaa shabakada wararka ee IRIN u sheegay in ay magaalada Muqdisho oo ah caasimada Somaliya oo iyadu faraha kaii baxday, ay iyadana qaban doonan ayaamaha soo socda, maada ay go,aamiyeen in ay qabtaan markii ay heshiiyeen DFKMG iyo Isbahaysiguba.

Qoladan ka tirsan iyaguna Isbahaysiga ee ku sugan Asmara ee uu hor kacay Daahir Aweys ayaa iyagu tilmaamay in ay weerar ku qaadi doonaan hadii uu Sheekh Shariif tago magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ku xigeenka Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo isagu jooga Asmara ayaa sheegay in uu Sheekh Shariif kusii jeedo Muqdisho uuna seexan doono Xarunta Villa Somaliya oo ah meesha uu ka dagan yahay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf.

(Kooxaha Isbaheysiga taageersan Sheekh Shariif waxey u arkaan calooshiis u shaqeyste cusub oo siyaasada Soomaaliya kusoo biiray sidaas darteed waxaa laga yaaba xitaa inay weeraraan ku qaadan meesha uu dago, ama marka uu kasoo dagayo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade.

Wuxuu kaloo sheegay in ay Sheekh Shariif ilaalin doonan ciidamada Amizon ee ku sugan Muqdisho, wax kulamo ahna aanu la yeelan doonin kooxaha ka dagaalamaya Muqdisho.

Isbahaysiga ayaa kulamo kale oo xasaasi ah la yeeshay Danjiraha Dawlada Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliya ee ka hawl gala caasimada Kenya ee Nairobi laguna magacaabo Ambassador John Yates.

Arrimaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah sidii ay Dawlada Maraykank, ay u taageeri lahayd qodobadii lagu gaadhay dalka Jabuuti ayna ku heshiiyeen DFKMG iyo mucaaradka hubaysan ee lamagac baxay Isbahaysiga sib u xoraynta Somaliya.

Waxay kaloo ay ka wada hadleen sidii dalka looga hirgalin lahaa qodobka ah in xabad joojin waarta laga sameeyo dhamaan dalka Somaliya.

Warar ku saabsan Muqdisho, oo baryahan danbe dagaalo ka dhaceen.

Caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho ayaa ayaamahan danbe u muuqata in ay noqotay goob dagaal oo ay ku dagaalamaan kooxo xaq u dirir ah iyo kooxo danbi u dirir ah iyo kooxo aan la garanayn waxay doonayaan.

Waxaa mar kaliyah ka soo buuxsamay Isbitaalada Muqdisho dhaawacyo ku dhaawacmay dagaaladi ay iskaga hor yimaadeen ciidamada Itoobiyaanka iyo qolyahan kasoo hor jeeda, wiigi aynu soo dhafnay.

Xoogaga hubaysan ee kasoo hor jeeda siyaasada Dawlada Federalka iyo joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ayaa iyagu mar kasta u sabab ah dhibaatooyinka ka dhex aloosan magaalada Muqdisho, wolow heshiis xabad joojin ah lagu gaadhay dalka Jabuuti, heshiiskaas lagu gaadhay dalka Jabuuti ee ah xabad joojinta dalka Somaliya, fulinteeda waxaa laga rabaa Sheekh Shariif iyo ragga uu wato, balse Sheekhu BBCda wuxu ka yidhi (Ciidamada Itoobiyaanka ahi in ay ka baxaan dalka Somaliya, anigu fulinteeda ma lihi).

In ka badan saddex qarax ayaa maalin kaliyah ka wada dhacay magaalada Muqdisho, wolow rasaasta iyo hoobiya yaashu ay caado ka noqdeen. Muqdishana ay noqotay goob dagaal, ama goob ay Mooryaani ka taliso.

Degmooyinka kala ah Huriwaa, Yaaqshiid, Hodan, iyo warshada baastada ayaa iyagu ah meesha xudunta u ah dagaalada badana ka dhaca Muqdisho, meelahaasna waxaa badana fariisimo ka samaysta ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Muqdisho.

Ciidamadan kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa iyagu ganafka ku dhuftay heshiiskii dhawayd ee ay ku kala saxiixdeen DFKMG iyo Isbahaysiga, xoogagan dagaalada ka wada Muqdisho kana soo hor jeeda Itoobiyaanka ayaa iyagu ku celceliyay in aysan marnaba joojin doonin dagaalada ka dhanka ahee ay ka wadaan Muqdisho, inta ciidamada Itoobiyaanka ahi dalka xoog uga baxayaan, arrintaasina waxay u eg tahay arrin lagu xalinayo qori caaradii.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa iyagu gubay skool dhan ka dib markii ay ganjeelkii skoolka ay soo jabiyeen, iyagoo macalimiintii ku sugnaa skoolkana ay jir dil ku sameeyeen, iyo iyagoo galaasyada qaar badan dab qabad siiyay, iyagoon u aabo yeelin haba yaraate wixii meesha dhex yaalay.

Roobab ka da,ay magaalada Muqdisho ayaa iyaguna sababy in sixir bararkii suuqyada Muqdisho uu cirka ku shareero, maadama uu gaadiidkii soo gurayay khudaarta uu safri kari waayay dhiiqo iyo roobab ka da,ay awgeed.

Afhayeenka Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Suuley ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay in ay gacanta ku hayaan xarunta Guulwadayaasha, halkaasina ay ku dileen 10 askari oo ah kuwa Koobiga ee Itoobiya lagu soo tababaray, islamarkaana ay uga sii gudbeen xarunta ciidamada Itoobiya ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Maalintii Jimcaha ahayd ee aynu soo dhaafnay ayaa iyaguna dagaalo xoogani ka dhaceen qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho, dagaalkaas oo u dhexeeyayay ciidamo Komoondooz ah oo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga iyo ciidamada Itoobiyaanka ah. Weerarka ayaa waxaa soo qaaday markii hore ciidamada Komoodoozka ah, waxaanay kusoo qaadeen ciidamo fariisimo kulahaa xerooyinka guul wadayaasha iyo gaashaan dhiga.

Dagaalkan dhex maray ciidamada Itoobiyaanka ah iyo ciidamada Komoondoozka ah ee ka tirsan Maxakamadaha, ayaa isagu noqday kii ugu darnaa ee wiigi lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa Muqdisho ku dhaawacmay wiigii lasoo dhaafay in gaadhaysa 85 ruux, inta geeriyootayna ay tahay ugu dhawaan 27 ruux, balse aragti gaar ah lagama hayo, maadama ay dagaaladu si joogto ah u dhacayaan.

Gole cusub oo lagaga dhawaaqay Muqdisho oo ah Golaha Guurtida Beelaha Daarood.

Magaalo madaxda Somaliya ee Muqdisho ayaa iyaga oo ay ku sugnaayeen Gole hore oo la yidhaah Golaha Midnimada Beelaha Hawiye, ayaa waxaa ka dhismay Gole kale oo ay ku bahoobeen Beelaha Daarood ee ku sugan caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho, looguna magac daray Golaha Guurtida ee Beelaha Daarood, hadafkooduna uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Golahaas ayaa soo saaray baaqyo ay ugu baaqayaan shacabka Soomaliyeed oo ay ku baahaiyeen dhamaan warbaahinta Soomaliyeed ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

1.Goluhu waxa uu ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada Puntland iyo soomaaliland inay joojiyaan falalka foosha xun oo ay cadowga itoobiya ugu gacan galiyaan Wallaalaha S/Galbeed, islamarkaana golohu wuxuu amaanayaa dadaalada ay wadaan Isimada iyo wax garadka Maamulka Goboleedka Puntland dhinaca kalana wuxuu golaha u soo jeedinayaa guurtida iyo wax garadka Soomaaliland in ay talaabo wax ku oll ah ka qaadaan arimahaas foosha xun ee ay ku kacayaan maamul gobaleedka Soomaaliland.

2.Sidoo kale goluhu waxa uu aad iyo aad uga xun yahay khilaafaadka soo kala dhex galay walaalaha isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya wuxuuna ugu baaqayaa in lagu xaliyo khilaafadkaas wadahadal waafaqsan kitabka alle iyo sunada Nabiga NNKH wuxuuna golahu kula talinayaa in lajoojiyo canbaaraynta iyo dacaayadaha laysku marinayo warbaahinta lagana digtoonaado farax galinta Cadowga Dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

3.Golaha guurtida ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Beelaha Daarood waxa uu taageerayaa halganka hubaysan oo lagaga soo horjeedo gumaysiga ku soo duulay dalka iyo dadka Soomaaliyed badayna dhibaatooyinka Baaxada weyn ee leh naf iyo maalba.

Xafladii ay samaysteen Golaha cusbi, waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ee Maxamed Xasan Xaad wuxuuna ka jeediyay hadalo dhiirigalinaya Beelaha Darood, sidoo kale wuu ugu hanbaliyeeyay Golahooda cusub ee ay kaga dhawaaqeen magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Yuusuf Axmed VS Xuseen Faarax Caydiid.

Madaxweynaha Dawlada Federalka ee Somaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed, iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Isbahaysiga Inj Xuseen Faarax Caydiid ayaa hadalo is waydaarsaday, hadaladaas oo ku saabsana soo dhawayntooda. Cabdullahi Yuusuf wuxuu la yaabay Dawlada Eritrea, halka Xuseen Caydiid la yaabay Dawlada Jabuuti.

Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa si aad ah ula yaabay Dawlada Eritrea, ka dib markii ay soo dhawayn heer sare ah u samaysay Inj Xuseen Caydiid ka dib markii uu kasoo laabtay kulamo badan oo uu laso kala yeeshay Dalalka caalamka, waxaa la sheegay in ay Dawlada Erirea ay u soo dhawaysay Inj Xuseen Caydiid sidii madaxweyne oo kale markii uu kasoo dagayay garoonka diyaaradaha ee Asmara, iyada oo u dhigtay rooga cas ama Red Carpet oo loo dhigo madaxwaynayaasha oo kaliyah.

(Dowlada Eritrea maxaa ka qaldan waa la yaabe,waxaan ku ogayn inay dagaalo ka hurin Geeska Afrika hadana Xuseen Caydiid ayey u dhigtay Red Carpet oo sidii madaxweyne ugu garaacday astaanta Qaranka Somaliya,oo ma hada ayuu nin cusub ku noqday mise waxay doonayaan inay dalkooda Madaxweyne uga dhigaan). Sidaa waxaa yiri madaxweyne Cabdullahi Yuusuf.

Inj. Xuseen Faarax Caydiid ayaa isagan si aad ah kula yaabay Dawlada Jabuuti soo dhawayntii balaadhnayd ee ay u sameesay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf markii uu soo booqday dalka Jabuuti, iyadoo madaaficda qaarna riday.

(Cabdullahi Yuusuf ma hada ayuu Jabuuti u noqday madaxweyne heer Qaran ah? Maalin walba ayuu tegayay oo labo todobaad ka hor waa kii tegay ,weligiisna madfac looma tuurin,garoona loogama hortegin!). Sidaa waxaa yidhi Inj.

Xuseen Faarax Caydiid, mar la waydiiyay sababta uu u eedaynayo Cabdullahi Yuusuf wuxuu ku jawaabay (Ummadda Soomaaliyeed way la yaabtay in Jamhuuriyadda Jabuuti madaafiic u rido soo dhaweyn hogaamiye dagaal Dhiigyacaba ah, laakiin waxay muujineysaa sida Jabuuti looga maamulaayo Addis Ababa).

Abdikarim Ahmed Huseen.
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockhlom

Faafin: SomaliTalk.com | June 21, 2008
 

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS