SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Fatwo Qiimo Badan oo uu soo saaray Sheekh Dr. Cumar Iimaan Abuubakar. 
 

Talaada 17 Jun 2008

Fatwo Qiimo badan oo aad u dheer ayuu Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar markii ugu horreysay ka soo saaray Heshiiska la sheegayo in lala galay Kooxda Cadawga Dabadhilifka u ah, Ciidamada laga keenayo UNka oo lagu soo wado Dalka Soomaaliya, Iyo Weliba Waxa Mujaahiddiinta la gudboon, Fatwada Sheekha oo Maqal ahayd ayaa qaar ka mid ah Mujaahiddiintu ay qoraal ka dhigeen noona soo gudbiyeen, Iyadoo u qoran sidatan:-


Sheekhoow sida aad ogtahay waxaa ka socda Jabuti maalmahan la soo dhaafay shir, shirkaasna Soomaalida guud ahaan dalka ha joogto ama dibada ha joogto wuxuu galiyay runtii khal-khal fara badan, waxyaabaha ka soo yeeraya oo aysan runtii ku faraxsanayn darteed, arinkaas wuxuu u baahday in diin ahaan loo cadeeyo, marka mas’aladaasi waxay nala noqotay caawa insha allaahu Tacaalaa in aan wax kaa weydiino. 

Waxaan rabnaa marka su’aalo la xiriira Barnaamijkaas inaan ku weydiino, maxaa yeelay ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ah waxay u baahantahay haddii arinkeeda uu culays soo galo inay ku xalisato insha allaahu tacaalaa diinteeda iyo waxa illaahay u baneeyay si qof waliba u nabad galo oo uu u ogaado waxa diintu u ubanaysay iyo waxa ay ka reebtay, marka su’aalahaas su’aasha u horeysa waxa weeye waxaan ognahay hadal haynta jabuti ka soo yeeraysa inay ka mid tahay ciidamo UN ah ayaa la keenayaa marka su’aashu waxa ay tahay ciidamo UN ah oo hubaysan in dalka loo ogolaado oo loo saxiixo inay yimaadaan maxay shareecadu ka qabtaa?, haddii ay yimaadaanse maxaa ku waajib ah Mujaahidiinta cadowga kula jira dagaalka?. 

Sheekh Dr. Cumar Iimaan:- بسم الله الرحمن الرحيم، الحمد الله رب العالمين وصلى الله وسلم على نبينا مممد وعلى آله وصحبه أجمعين inta meesha fadhisa ee hadalkayga dhagaysanaysa dhamaantiin waxaan leeyahay Assalaamu Calaykum Waraxmatulaah, waadna ku mahadsantihiin su’aashaas muhiimka ah ummadda Soomaaliyeed ee muslimka ahna si gaar ah u taabanayso in qof kasta uu ka ogaado xukunka uu sharciga islaamku ka qabo sidaa daraadeed waxaa weeyaan in badan waa la iweydiiyay horeyna waan ugu jawaabay, meelo badana waa lagu duubay hadana waxaan leeyahay iyada oo la sii adkaynayo arintaasi inaan ka jawaabo ayaan rabaan insha allaahu tacaalaa, mas’alada madkhalka laga gali karo waxay tahay:- in ciidamo UN ah oo gaalo ah iyo waxa dabo dhilifka u ah ee dabo socdo in wadanka la keeno Mujaahidiinta hubka loogaga dhigo, macnaheedu waxaa weeye (al-isticaanatu bil Kufaari calaa muxaarabatil muslimiina-al-mujaahidiin) in gaaladii la kaalmeysto loo kaalmeysto dad muslimiin ah hubkana loogaga dhigo ka dibna dowladaan camiilada ah ee dabo dhilifka ah la hoos geeyo midkii kalana maraykan loo dhiibo, sidaas illaahay diintiisa iyo dalka qiimihiisa iyo wadankii oo dhan lagula wareego ula jeedadu intaas weeyaan. 

Tan kale waxaan u malaynayaa in nin kasta oo muslim ah uusan u baahnayn maanta wax badan oo cilmi ah haddii aysan muslimiintii fuqahadda isku khilaafeen “nin gaal ah ma la kaalmeysan karaan gaal kale in lagula dagaalamo” oo dad badan ay diideen oo la yiri gaal hadaan la dagaalamayno gaal kale u kaalmeysan mayno oo nabiga hadalkiisa u daliishadeen “إنا لا نستعين بمشرك inaa laa nastaciinu bi mushrik”nin mushrik ah oo gaal ah anagu kaalmeysan mayno markii nabiga (scw) qazwatu u xud uu u socday ……, sababtana ay leeyihiin nin gaal ah lagama aamin noqon karo calooshaada iyo sirtaada wuu ogaanayaa, hadhow markii dagaalkii uu bilowdana inay xaga ka soo jeestaan dhici karo kuligood khayaanadaas ayaa lagu yaqaanaa maadaama ay saas dhici karto oo ay diideen culimo qaarkood, kuwa baneeyayba xaataa waxay yiraahdeen “haddii gaaladu dad yar ay yihiin kalsoonida lagu qabo, haddii xaataa xaga ka soo jeestaan dhib muslimiinta u gaysan karin oo laga awood badan yahay saas ayaa loo kaalmeysan karaa” laakiin waxaa khilaaf ka jirin in gaal ay dad muslim ah in dagaalkiis loo soo kaalmeysan karin” haddii markii hore aynu ku eedaynaynay dowladaan dabo dhilifka ah in ay itoobiya soo kaalmeysatay si wadanka gumeysi ay gacanta u galiso, waxaa ka sii xumaan badan in Maxaakiimtii islaamiga ahayd iyo saxwadii islaamka ahayd in maanta codsi sameeyo ee gaaladii gaalo kale hadana uu ku badalo wadankii oo dhan oo hadda wada xoroobay kuligiis hadana gumeysi kale gadaal loogu celiyo Taas baa ka sii xumaan badan, marka mas’alada ah nin muslim ah in gaal loo soo kaxeysto wax muslim ah oo isku khilaafsan maba jirtaba.illaahayna waxa uu leeyahay “ولن يجعل الله للكافرين على المؤمنين سبيلا” illaahay ma yeelayo mana ogolaanayo nin kaafir ah in gacanta muslim ah galiyo gacantiisana sarre noqdo oo awoodii isaga la wareego illaahay diintiisa ma ogola, sharcigiisana ma ogola, marka waxa weeye arintaasi waa arin aad iskaga muuqato, dad badan baa waxaa laga yaabaa dadka caamada ah inay ku qalbi jilicsadaan in labadaanba waa 2 shar in ciidamo shisheeye la keeno waa shar, Itoobiya wadanka in ay sii joogtana waa shar, laakiin labadooda waxaa shar fudud in ciidamo shisheeye la keenaa shartooda ay yartahay dad baa sidaa dadka ku beer jilicsanaya, arintaas xaqiiqada way ka fogtahay, sharcigana way ka fogtahay. 
 

Amaa waaqica marka la yiraahdo Itoobiya baa ka shar yar oo ay leeyihiin Itoobiya damac bay ka leedahay wadankaan waxayna doonaysaa in ay gumeysato, ciidamo shisheeyana damac kama laha sidaas daraadeed bay nooga fiicanyihiin sidaasi bay leeyihiin, nuqdadaasi horta waxay khalad ku tahay Itoobiya wadankaan ma gumeysan karto, dadkiinana waad ka warqabtaan maanta sidii ay ku bixi lahayd baa ku adag, arintaan hadda laga shaqeynaayo Jabuti waa sidii loogu salixi lahaa Jidkii ay ku bixi lahayd iyo in guul ay ku baxday loo tusiyo awgeed baa calamka oo dhan hadda u gurmanayaa, maadaama ay Jabtay waxaa kaloo caalamka diidayaa iyada oo qori dabada looga wado in ay wadanka ka baxdo oo waligeed Haziimada ku bilaabatay ay sidaas ku sii socoto, marka in la badbaadiyo baa uun loogu talo galay, marka idinkana waxaad ogtihiin in anaguna aan ognahay caalamkuna ogyahay in Itoobiya ay jabtay, wadankaana aysan haysan Karin, maantana sidii ay ku bixi lahayd ay mushkilad ka haysato, biyihii ay cabi lahayd ay xaataa waysantahay marka in la yiraahdo Itoobiya damac gumeysi baa ku jira ciidamo shisheeyana gumeysi kuma jiraan, caqliga waa diidayaa. 

Midda labaadna waxaa weeyaan wadankaan waa la soo gumeystay Itoobiya ma ahayn dadkii gumeystay, ingiriis oo waqooyi gumeystay, talyaaniga oo konfurta gumeystay, Boortaqiiska oo xeebaha soomaaliya gumeystay, faransiis oo Jabuti gumeystay, kuligood dad cadaan ah bay ahaayeen, dadkii shalay ku gumeystay damacii ay shalay kugu gumeysteen sidii buu ugu jiraa, marka inay wadanka yimaadaan maanta oo ay awoodii la wareegaan, Puntland gooni u gooyaan, Somaliland ay gooyaan oo cadowgooda u kala qeybiyaan sidii ingiriiska horey gobolka 5-aad Itoobiya u siiyay mida kale ee soomaalida NFD uu u siiyay Kenya, maanta labadaas gobol iyo wixii la mid ah la qeybiyay Rubuc ka mid ah ma kuu imaan karaa, marka in la yiraahdo damac gumeysi kuma jiro ee danuuba noogu yimid waa arin aad iyo aad waaqici uga fog, Itoobiya oo aan maanta ka adkaanay oo aad wada ogtihiin meesha ay maanta joogto xaafado yar-yar oo aanay ka bixi Karin habeen iyo maalin lagu garaacayo iyo magaalooyinka sida:- Baydhabo iyo Baladweyne oo cararkii uu diyaar u yahay oo kaliya inay ka soo carartay baa la wada ogyahay, marka iyada sidaas ku jooto oo wadankii oo dhan laga xoreeyay, dhiig badan oo mujaahidiin ah uu ku baxay, ciidamo UN ah oo Boqolaal kun ah markii maanta la keeno wixii naf iyo maal lagu bixiyay hal sano marka Raas kanbooni illaa iyo gaalkacyo ciidamo lagu daadiyo, diyaarado sidii Shinbiraha kugu kor wareegaya lagu kordhigo arintaas iyada ah Itoobiyay ka fududahay dadka dhahaya waa dad aan illaahay ka cabsanayn (SW), sababtana waxaa weeyaan wadankii oo gumeysi dib loogu celiyo, dadkii mujaahidiinta oo hubkii laga dhigo, iyada oo dowladaas Camiilada ah loo dhiibo wixii gadmayana Maraykanka laga gado haday arintaasi ka fududahay Itoobiya maanta oon ognahay xamar oo dhan lagu tamashlaynayo oo jidkii Maka Al-Mukarama kaliya uu u furanyahay oo air porkii ku aadi waayeen oo Tobanaan howl-gal maalin kasta ay la kulmayaan ninkii doonaya in awoodii dowlad ku sheegta inuu baahiyo oo meeshaas geeyo oo runtii ku magacaabo maslaxad ummadd baan xaqiijinayaa waa arin runtii aad iyo aad looga murugoodo, waxaana u baahanahay inaan gumeysiga macnihiisa aan fahano, xurmadii iyo awoodii oo lagaala wareego waa, haddii Itoobiya maanta shacabigii meelo badan ka badax banaan yihiin, marka ciidamo shisheeye la keeno ma adigaa xukumaysid mise iyagaa ku xukumaya?, markii dalka milatari xoog leh ku soo dago wixii adiga lagaa rabo ayaa lagugu sameysanayaa, gabadhaada waa la kufsanayaa adiga waa lagu dilayaa, istaag baa lagu leeyahay jidadka baa laguu istaagayaa marka, kaas gumeysi ma aha miyaa? Mise xoriyad waaye?, marka Gumeysiga macnihiisa ayaa waxa uu u baahanyahay in la isfahamsiiyo, marka aniga arintaasi aad baan ula jaabsanahay.


Mida kale ee aan rabo inaan u sheego waxaa weeyaan:- xaga imkaaniyada iyo awooda waa kala badanyihiin, Itoobiya oo jabtay iyo ciidamo car-cartooda qaba oo markii 5 sano iyo 6 sano ku haystaan hadana intii ay ka baxaan Itoobiya ay kugu soo noqoto, lama dhihi karo marka tanaa “ أخف ضررين Akhafu Dararayn” ah lama dhihi karo. 

Mida kale Ciidamadan shisheeye sharciyo diimo uu yahay ayay wataan, waxaa weeye waxay kaa rabaan bay kaa sameysanayaan, hadaad hadalkooda diidid ama qori aad ku tuurtid bani aadam ayaa tahay waa lagula dagaalamayaa nin canbaareysan ayaad tahay oo sharciyada dowliga buriyay, halka Itoobiya caalamka waxa uu nooga garaabayaa inay tahay dowlad gumeysi u timiday, oo nagu soo xad gudubtay wax kasta oo aan ku sameyno cid ka dabo hadlaysa inaysan lahayn ogow. 

Mida kale waxaa weeyaan ciidamadaan hadda maanta imaanaya waxay aaminsanyihiin in dowlad sharciyeed dalka ka jirto, oo C/laahi yuusuf madax u yahay ula jeedada laga leeyahayna in awooda wadanka lagu baahiyo inay tahay, marka in xukuumadii maanta labada xaafadood daganayd lagula dhaqmi waayo, markii wadanka oo dhan loo gacan galiyo, dhibka ka imaan kara haddii aan iraahdo Itoobiya waxa ay nagu haysuu ka fudud yahay, waxa weeyaan waa dhib aan waaqica ku dhaweyn,mandiqa iyo maslaxada sharciga islaamkana aad uga fog weeyaan. 

Midda Saddexaad waxaa la rabaa “فاعتبرو يا ألوالأبصار” ciidamo shisheeye caalamka waxa ay ka qabtaan fiiriya, Ciraaq maxay ku sameeyaan?, Af-Qaanistaan maxay ku sameeyaan?, Lubnaan maxay ku sameeyaan?, meel kasta oo ay tagaan wax may hagaajiyaan mise waxbay fasahaadiyaan? Marka waxaa la rabaa anaga maxay nagu sameeyeen 1993, waxa ay sameeyeen waa la ogyahay, waxay ummadda baabi’iyeen mooyaane wax ay u qabteen ma jirto, marka maanta inaan niraahno Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka dhib yar ciidamo shisheeye inaan sidaas ku hadalno, runtii waa arin aad iyo aad xaqiiqada uga fog, ilaahayna in looga cabsado ay tahay, marka waxaan leenahay arintaas iyada ah in maanta aan niraahno anaga Itoobiya ha naga baxdo ka dib ciidamo shisheeye ha noo yimaadiin iyaga ha na xukumeen, macnaha waxaa weeye haddii aan nahay shacab soomaaliyeed oo muslim ah anaga arimahaanaga gaarka ah ma xalisan karno, shacbigii oo meel looga dhacay weeyaan, anagana waxaan leenahay war dadka mushkilada keenay waa Itoobiya, haday naga baxdo anaga ayaa arimaheena xalisanayno, shalayba markii Maxaakiimta bilowdeen sidaad arkayseen waxaa weeye wadankeenii nabad iyo barwaaqo ayuu ku soo noqday iyada oo cidna nagu saacidin, wax dowlad ah oo noo yimid oo gacan nagu siiyayna aysan jirin, ummaddana waxaa weeye nabad iyo amni bay ku naalootay, marka maanta inaan ni raahno anaga waxba ma qabsan karee ha naloo yimaado, inaan shacbi hamaji ah waxna aan kala ogayn in iyaga la maamulo mooyaane aan soconayn baan tusinaynaa caalamkii, illaahayna aan markhaati uga dhigaynaa. 

Mid kale ee aan rabo inaan arintaasi ku soo dhameystiro illaahay markii guul na siiyay, shalay markii Itoobiya soo galaysay sidaan ahayn waad ogaydeen, maanta shacbiga oo dhan waa na soo garab istaageen, illaahayna guul ayuu na siiyay, ummaddii oo dhana ay farxad iyo rayn rayn ay ku soo wada jeesatay itoobiyana inay iska celiso ay go’aan noqotay, dhulkeediina ay ka xoreysatay, halkii illaahay inaan ku mahdino nalaga rabay inaan niraahno gaalooy noo kaalaya oo idinka gar-gaar na siiya illaahay agtiisa noogama qalanto arintaa iyada ah, illaahayoow adiga ayaa guushaas na siiyay inaan ku mahdino ayay ahayd,asaga ayaa maanta anaga oo mustadcafiin ah illaahay awoodaas na siiyay, marka waxaa weeyaan, mandiqa iyo caqliga iyo shareecadda islaamka maqaasideedaba wax maslaxo ah oo ku jira waxa maanta Jabuti laga wado haba yaraatee ma jirto, cid dhag jalaq u siinaysa Ma lahan. 

Su’aasha Qeybteeda labaad haddii ciidamadaasi sidaas ku yimaadiin anaga oo og oo ah Muqaawamada Gudaha iyo Siyaasiyiinta Dibada kuligeen isku waafaqeen inaanu ogolayn ciidamo shisheeye haday yimaadaana waxay noola mid yihiin kuwa itoobiyaanka ah, hadaf ayayna noqonayaan, sidii ugandiiska loola dagaalamay ayaa loola dagaalamayaa, sababtoo ah waxay ku yimaadeen dulmi iyo dowlad dabo dhilif ah gacan siinteeda ayay ku yimaadeen, marka mujaahidiinta waxaa la gudboon inay illaahay talo saartaan cadowgoodana ay dhinac ka noqdaan aysan u ogolaanin wadankeena in uu noqdo meelo lagu ciyaar ciyaaro oo marba cidii la rabo la keeno, sidaa daraadeed baan leeyahay sax ma aha. 

 Hal noqdo oo aan ku baraarujiyo ayaan doonayaa inaan ku daro dad badan ayaa waxaa lagu beer jilicsanayaa Ciidamada shisheeye ee imaanaya haday dal carab iyo muslimiin ka yimaadaan waa la aqbali karaa, arintaas laftirkeeda waxaan leeyahay waa “Oraah” kuligeedna waxaa waaye khayaano…..(lama garan erayada halkan ku jira) … sababtoo ah Caalamka Dowliga ah waa midka noo diiday anaga inaan nafteena aan is xalino, markii aan dadka waraysanay wufuuda reer galbeedka ah(waxay yiraahdeen)waxaan u rabnaa ciidamo shisheeye shalay idinka oo aan meesha idinka saarnay inaad soo noqotaan idinka oo barax tiran ayaan doonayna, waxaan rabnaa in la idiin barxo dadka la idinku daro ma ogolaan karno inaad kaligiin soo noqotaan, marka dadka anaga saas noo diiday inaan nafteena is xukuno in ciidamo kale oo islaamiyiin ah inta laguu keeno in laguu naxariisto wax dhacaaya ma aha, wax xukun lagu dhisayana ma aha waa mid. 

 Mida labaad ciidamda lagu leeyahay Dalalka Islaamkaa laga keenayaa iyo carabta kuwa iyaga dhibka muslimiinta dalalkoodii jooga lagu gumaado waaye, dal kasta oo muslim ah maanta waxa dhibaato ay Afqaanistaanka ku hayaan Paakistaanka, Paakistaan dhaxdeeda shacabka Pakistaan waxa masaajidada ku duminaya waa ciidamadii Pakistaan waaye, ciidamadaas marka laguu keeno magaca islaamkii ay ahaan jireen muxuu kuu taraysaa waxa loo tarbiyeeyayba waa in lagula dagaalamo Saxwada Islaamka waaye, marka in magacooda islaam ahaan jiray ama ay dowlad islaam ah ka yimaadeen wax weyn oo ay kuu kordhinayso ma lahan. 

 Mida saddexaad waxaa weeyaan haddii ay yimaadaan dowalado gaalo ah iyo kuwa Muslimiinta ah meelahaas ayaa la iska da dajinayaa iyaga kuwanaa howsha qabanaya, markii 1993 anaga nala gumaadayay ciidamo oo sucuudi ah iyo Pakistaan ah iyo qeyrkood iyo marooko way joogeen, bal waxaan ognahay in Pakistaanka loo adeegsan jiray shacabka soomaaliya in lagu gumaado, in ciidanka maraykanka uu ka dhigtay difaac uu bambaanada kaga fakado ayaa uu dhihi jiray naga hor mara oo shacbiga lagu gumaadi jiray, marka dadkaas iyaga ah in lagu dhiso xukun oo la yiraahdo wax bay tarayaan waxaa weeyaan wax aad u qaab daran, illaahayna waxa uu leeyahay “لا تتخدو بطانة من دونكم لا يألونكم خبالاودو ما عنتم قد بدت التغضاء من أفواههم وما تخفي صدورهم أكبر قد بينا لكم الآيات إنكنتم تعقلون” aayadaas waxaa weeyaan ha ka yeelanina ayuu illaahay na leeyahay dad wadaag hoosaad ah oo dadka muslimiinta ah aad ka soo dhaweysataan oo gaalada dabo la gashaan ha yeelin, maxaa yeelay gaalada wax fasaad ah oo ay qaban karto ma jiraan oo idinka dabarayso ma lahan, dbibkiinana way jecelyihiin, caradoodana afkooda ayay ka soo muuqataa miyaysan na necbayn Maraykan iyo Ingiriis iyo faransiis miyaysan na necbayn, inta ay afka ka sheeganayaan iyo inta ay waraaqaha ku qorayaan waxaa ka badan inta qalbigooda ku jirta baa uu illaahay leeyahay,hadaad mu’miniin tihiin aayaadkaas waan idiin cadaynay, ee garta dadkaas wax ha ka raadinina, isku tashta, illaahay ku xirnaada intaas ayaad guul ku gaaraysaan micnaheeda saas waaye, marka sidaas daraadeed waxaan leeyahay su’aashaas waarid ma aha in gaalo maanta aan niraahno xal bay wadankeena ka keenaysaa nin muslim ah wax uu ku hadlo ma aha, dadka muqaawamada ahna horey bay mowqifkooda u cadeysteen anagana sidaas baan ku ayidaynaa shareecadda islaamkana sidaasay ka qabtaa. 

 Su’aasha 2-aad: Kooxda Daba-dhilifka ah ee Camiiladda ah ee C/laahi uu hogaamiyo aan ognahay in ay ayagu wadanka cadawga keeneen ayna meel walba la tagan yihiin in ay ayagu u yeerteen, wax malala Qaybsan karaa, ma laga mid noqon karaa maamulkooda iyo waxa ay ayagu rabaan, in wax lala qaybsaadase maxay shareecadu ka Qabtaa?. 

Jawaabta Sheekha: Waa su’aal muhim ah meeshana ku jirta dadka waxaa rabaa inaan u sheego hadda waxa loo ololaynaayo in ciidamo shisheeye wadanka la keeno waxaa ka horeeya in marka hore Dawladaas Dabadhilifka ah aad wax la qaybsataan, markaad labadiina wax isku darsataan adinka’oo wada jiro oo iswaafaqsan ciidamo shisheeye la’idiin keeno, horta sidaas weeyaan, marka ciidama shisheeye kaligood iska imaan maayaan ilaa dawladda la aqoonsado, marka waxaad arki doontaa Wareega soosocda in laga hadli doono awooda sida loo qaybsan doono, marka dawladaan waxaa lagu magacaabayo dawlad waa Camiilad wadankeedii cadaw Gacanta u galisay, waxay qabatay baan rabaa in aan horta idiinka sheego si ay noogu soo baxdo horta wax malagu darsan karaa, ninka ku darsadaase muxuu noqon karaa. Waxaan leenahay dawladaasi dabadhilifka ah waxyaalaha ay ummada Soomaaliyeed ku samaysay waxaa hormuud u ah oo ugu horeeya in ay wadankii gumaysi gacanta u galisay, waa koow, midaas danbigeeda keli ah hadii lagu qaado cid kasta oo arrintaas ku lugleh shareecada Islaamka waa camiil ninkaas in la dilo wax aan ahayn uu astaahilo maleh , Nin dal muslim ah oo madax banaan oo dad muslimiin ah ay ku nool yiohiin in loo sacyiyo in gaalo gacanta loo geliyo oo cadaw weligeedba la ahaan jirtay, waxaa weeye qof bani-aadam ah danbi Bacda Shirk Bilaahi uu samayn lahaa oo ka wayn majirto, Koow. 

 Midda 2-aad waxay gaysatay Xasuuq oo hadda adinka aad ka war qabtaanoo ummaddii Soomaaliyeed mid la dilay mid la barakiciyay dugsi la dumiyay ummadii oo dhimashadeeda 20,000 lagu tirinayo, Xamar Malyanka iyo dhawrka laga Qixiyay wixii guri Xamar ku yaalayna dhulka la dhigay ummadii mid la kufsaday iyo mid Jiis ah gala laga soo reebay hadii la yiraahdo dadkaas danbiga ay galeen halagu qaado inta la Dilo ayaa la Salbinayaa maxaa yeelay dunuubta ay galeen waa mudaacaf (laban-laab). 

 Midda 3-aad waxaa weeyaan waa Dawlad dabadhilif ah oo Fashlantay waxay Ummad u qabata iska daaye dhibkeeda uun baa meesha yaala marka waa Fashilatay ee wax la taageero ama wax lagu darsadoba malaha. 

 Mida 4-aad Wakhtigeedii waa dhamaaday oo in dawlad sidaas oo kale ah oo Gumaysi Wadanka Gacanta U Galisay Xasuuqna Gaysatay, Fashilantay, Wakhtigeedii dhacay in wax lagu darsado macnaheedu waxay ka dhigan tahay Dawlad ilaahay uu ku xukumay dil in aad tiraahdo waa soo Noolaynayaa waa danbi sidiisaba inay arrintaas danbi tahay waxaa kuugu daliil ah markii shacbiga Soomaaliyeed ay waxay ku samaysay arkeen waxay go’aansadeen in lala Jihaado markaad Jihaad ku qaadayo macnaheedu waxaa weeyaan dadkaas in ladilo ayay astaahilaa, Jihaadku wuxuu ka bilawday in muqaawamada lala galo nimankaas in ay danbiilayaal yihiin baa Jihaadka lagu bilaabay, marka dadkii shalay aan halka ka taagnaa maanta in aan wax ku darsado oo aan miis lasoo fariisto macnaheedu waxaa weeye nin ilaahay uu dilay ayaan soo noolaynayaa waaye taas waa koow,, midda 2aad Dawlad cimrigeedii dhacay oo baaba’day baad hadana waxaad rabtaa mushkiladii inaad Ummadii ku soo haysid, dadbaa waxay sheeganayaa heshiiskaan waxaan u galnay in dhibaatadii ummada aan ka qaadno, war dhibaato miyaad kordhisay- in Dawladda C/lahi Yuusuf wakhti kale loogu daro oo ay sii jirto- ma dhibaataad sii kordhisay mise waxbaad fududaysay Ummaddii hadda way ka xorowday wax yarbaa u dhimane hadda ayey dadka dhib ku heysaayee, 5 sano oo kale hadaad ugu darted maxey kula tahey. 

 midda sadexaad waxaa weeyaan wixii Jihad lala galay, wixii dad walaala ah nooga shihiiday kuligeed waxaa waaye hal bacad lagu lisay, maxaa ka soo baxaya dadkii lala jihaadayay oo wadanka in laga bixiyo la rabay waxaad leedahay maanta waa dawlad oo difaacadeedaba loo fadhiyaa.  

waxaa weeye arrintaas mid aad iyo aad u culus.  

Miida kale waxaa weeyaan in dadkii lahaa dhiiga bay qabaan, dawlad maaha waa Dabadhilif dagaalbaa naga dhaxeeya la fariisan mayno ninkii shalay lahaa afkooda in ay maanta ku yiraahdaan ayagaan hadana hor fariisanaynaa waxbaan la qayb sanaynaa misdaaqiyad in aysan lahayn dadkaas ayay daliil u taahy Ummada dadka waxay u sheegayeen ba ayada oon wax is badalay jirin bay caksigooda ku dhaceen, wax aad loola yaabo ayay noqotay arrintaasi, sidaa darteed in dadkaa wax lagu darsado macnaheedu waxay tahay siday ayagu yihiin baad adiguna noqonaysaa, dadkii xumaa oo lala dagaalamayay Dil unbay mudan yihiin dagaalkiina waa lagu wadayaa ninkii ayaga ku darsoomayna ayaguu la mid yahay ilaahay waxuu leeyahay ( ومن يتولهم منكم فانه منهم ان الله لا يهدى القوم الظالمين) ninkii dadkaas ka wali yeesha ee gaalada iyo gaalada kuwa la socda soo dhawaysta oo saaxiib iyo sadaaqo la yeesha ayagaasuu ka mid yahay xukunkooduu qaadanayaa sida loola dagaalo ayaa loola dagaalamayaa ilaahayna waxaa uu aayad kale ku leeyahay ياءيها الذين أمنو لا تتخذو الكافرين اوليأ من دون المؤمنين)) dadka Mu’miniinta ahaw gaalada haka yeelanina kuwo wali ah adinka oo ka soo soka marsanaya dadka Mu’miniinta ah oo gaaladii baad soo dhawaysanaysaan iyo kuwii gaala raaca ahaa Mu’miniintana waa iska fogaynaysiin oo waxad leedahay Ninkii xabad ku rida Gaalada bari baan ka nahay waa canbaraynaynaa Irhaabkaan la dagaalamaynaa ayaad leedahay, macnaha gaaladii iyo kuwii gala raaca ahaa ayaad saf la noqotay Mu’miniintana safbaad ka noqotay taasna ilaahay wuxuu ka leeyahay ( ومن يفعل ذالك فليس من الله في شئ) ninkii arrintaas sameeya ilahay agtiisa wuxuu ka yahay malaha, marka waxaa weeyaan aniga dadka walaalahay ah waxaan ugu nasiixaynayaa wali arrintoodu ma talax tagine ilaahay naftooda ha’uga Cabsadeen Nafaqaas Mudlimka ah (Godkaas Mugdiga ah) ha ka soo noqdaan, dadkaasna dad ilaahay dilay weeyaan marnaba noolaan maayaan, adinkuna sumcadiina haku baabi’inina, wanaagiina iyo Jihaadkiinana Haburinina, dadka walaalihiin ah oo gudaha iyo dibadda jooga la mawqif noqda waxay qabaana la qaata sidaas ayaan anigu u soo jeedinayaa intaas ayaan Su’aashaas ku soo koobayaa. 

 Su’aasha 3-aad: waxaan ognahay Jibuuti waxa ka socda waxaa wada dad mas’uuliyad runtii sheeganaya oo hawsha maanta socota mas’uuliyad ku lahaa waxa ay meeshaas u joogaana waxaa su’aashii aan horay uga soo hadalnay ay tilmaamaysa iyo waxyabo kale oo qarsoon marka dadkaas ku qanca in wax lala qaybsado kooxdaas daba dhilifka ah oo camiilka ah maxay noqonaysaa Mas’uuliyadoodu. 

Jawaabta Shiikha: baaraka-alahu Fiikum Su’aashaas waa muhiim meeshyna ku jirtaa jawaabteeduna aad ayay u sahlan tahay, haddi aan isku waafaqno wixii aan horay uga soo hadalnay in ciidama shisheeye dalkaan hormuud loogu noqdo oo adigu afkaaga aad ku dalabtid in ay macsi tahay hadaan isku waafaqno saan u soo cadaynay in dawladaas Dabadhilifka ah oo Murtadda-da ah ( Gaalawday) hadii in wax lagu darsado ay macsi tahay aan isku waafaqsanahay in ninkii labadaas shay amrayo ama dalbanayo in aan lagu adeecayn waa iska waadix ninkii macsidaas dad ugu yeera lagu adeeci maayo maxaa yeelay Nabigu SCW wuxuu leeyayay ( لا طاعة لمخلوق في معصية الخالق) Makhluuq la’abuuray lagu adeeci maayo Allaha abuuray Macsidiisa Haduu mas’uulkaagu ku yiraahdo waxaas xun samey laga yeeli maayo Qofku wuxuu madax u yahay oo mas’uul u yahay in uu ummadda Shareecada Islaamaka waxa ay ogoshahey uu ku hogaamiyo hadii macsi uu dadkii ugu yeero waa la diidayaa, marka taa waa mid mida kale nabigu SCW wuxuu yiri (انما الطاعة في معروف) waxa la’isku adeecayo waa waxa macruufka ah ee ay shareecadu ogoshahay marka ninkii la yimaada anigu mas’uulbaan ahay Baadil baan kugu hogaaminayaa igu soo raac Sheercada Islaamku way ka dayrisay mana ogola ilaahay wuxuu tilmaamay dadka baadida Madaxda ku raaca Hadhow (Aakhiro) ku calaacali doonaan ( ربنا انا اطعنا سادتنا وكبراءنا فأضلونا السبيل ربنا أتهم ضعفين من العذاب ) ilaahayoow waxaan adeecnay dadkii Saadada iyo madaxda noo ahaa ayaan daba kacnay ayaga ayaa wadadii naga dhumiyeen marka adigana waa lagu cadaabaya ayagana waa la cadaabayaa— marka waxaa leeyahay arrintaas ayada ah cid lagu adeecayo maleh, Shareecada Islaamkuna ma ogola, kuligeena adoomo ilaahey baanu nahey waxa uu nagu adoonsadey waxay sharecada islaamka ogoshahey in aan annagu raacno arrinta aan rabo in aan ku daro waxaa weeyaan hadii aan niraahno dawladaas ayaan wax ku darsanaynaa ama ciidama shisheeyaan aqbalaynaa Jihaadkii aan ku jirnay Muqaawamadu Wujuubnimadeedu maxay ahayd ilaahay nabigiisu markii lawaydiiyay ilaahey rasuulkiisiiyow ninkii anaga naga mid ah oo u dagaalamaa maal, ama mansib in uu raadiyo ama in la dhaho geesi la yiraahdo, kee jidkii ilaahey ku taagan baa lawaydiiyay markaasuu nabigu SCW wuxuu yiri ((من قاتل لتكون كلمة الله هي العليا فهو في سبيل الله ninkii u dagaalamo in ay kalimada ilaahay kor noqoto ninkaas baa mujaahid ah ayuu ilaahay Nabigiisu SCW yiri. 

 Ilaahay ayaan idinku dhaariyaya ninkii yiraahda Jihaadkii oo dhan in uu ku dhamaado ciidamo UN ah marki ay yimaadaan Hubkii aan wareejino in Jihaadkii UN ku dhamaado ma’ilaahay diintiisa Koryeelideeda miyaa? Taas waxan rabaa qof kasta in uu ogaado sifadaas oo kale in jihaadkii aan soo marnay oon adoomankaas cadawga ah aan kula dagaalamaynay in uu ku dhamaado kuway ayagu ka amarqaadanayeen oo sidii Gabre shirku loogu yeeray xamarna uu nagu maamulo, in uu ku dhamaado in dawladaas aan la dagaalamaynay aan ku biirno ma ilaahay in diintiisa la kor yeelo ayay arrintaasu ku jirtaa? mise waxaa weeyaan ninkii maanta diyaar u ah in uu dawladaas ku biiro ee Mujaahid hadana sheeganayo ama hubkayga ciidamo shisheeye ayaan ku wareejinaya ayagaa Qalab ii keenaya ninkii aaminsan ninkaas Jihaad uma jeedo dana kale ayuuna ka lahaa maantana waa maalintii lakala baxayoo (علي ما أنتم عليه حتي يميز الخبيث من الطيب ( ما كان الله ليذرالمؤمنين ilaahay wuxuu leeyhay Mu’miniinta Isku jirka uga tagimayo ilaa aan kala bixiyo midka xun iyo kan fiican waxa lagu kala bixinayana Mawaaqiftaan oo kale waaye ilaahay Jihaadka wuxuu kuu faray anaga oo gurigeena joogna guul waa na siin karay lakin wuxuu u jideeyay waxaa weeyaan in ninka Dhabta ah oo iimaanka iyo Caqiidada leh iyo ninka sheeganaya in ay kala baxaan (ولنبلونكم حتي نعلم المجاهدين منكم والصابرين ونبلو اخباركم ) ilaahay wuxuu leeyahay waan idin imtixaamaynaa si aan u ogaado ilaahay wuu ogyahay lakin khalqigiisa uu oagaysiiyo ninka mujaahidka ah oo dhabta ah Jihaadkiisana ku sabrayo iyo ninka kale oo dan gooni ah kaleh, marka maanta waa maalintii lakala baxayay haddi ilaahay dartiis Jihaadkaas naga ahaa Nimankaas iyo gaalada waxay wataan oo ay isku wafaqeen wax lidkooda ah in aan samayno weeye oo niraahno waan diidnay anagu teena waa naqaana sidaan wax u xalisanayno cid aan u baahanahay in ay nala xalisona majiraan, dawladasna wax ku darsan mayno danbiga ay gashay dil maahee wax kalena ma istaahisho in aan jidkaas ku istaagno ayaa loo baahanyahay hadii maanta ay dana kale nala gasho kursi ku raadsasho dadkii shuhadada dhiigoodi iyo maslaxo gaar ah iyo qabiilkaygaa meeshaan u badan oon iska raacaa haday maanta naga noqoto waxaad ogaataan maalintaan maalin aan ahayn ayaan ilaahay ishortaagi doonaa ilaahayna waa nala xisaabtamayaa waxaan horay mawaaqif u qaadanay iyo waxaan anagu sababteena intaan jihad gelinay ay shuhado badan ku baxeen in aan maanta meeshaas ku dhamays tirno ilaahay agtiisa wax looga badbaadayo maaha ilaahay waxaan ka baryayaa in uu kuligeen ( ان يرينا الحق حقا ويرزقنل اتباعه والباطل باطلا ويرزقنا اجتنابه انه ولي ذالك والقادر عليه وصلي وسلم علي نبينا محمد). 

المسألة الثالثة ما تسبب على التفاوض من اختلاف الكلمة

       إن توحيد الصف واتفاق الكلمة أصل من أصول الدين، وفريضة من فرائض الإسلام، وبدونه لا يتم أمر الإسلام، وكثيرمن واجبات الإسلام كالجهاد والجمعة والجماعات تتوقف عليه، وتركه مع القدرة عليه كبيرة من كبائر الذنوب، ويترتب على التفريط فيه فشل في بلوغ الأهداف في الدنيا وعذاب عظيم في الآخرة.

       ولأهميته لا سيما في هذا الوقت الحرج الذي نمر به ألفت فيه كتابا سميته " عز الأمة في اجتماع الكلمة ".

      فالاختلاف _ وإن كان ممنوعاً شرعاً بين المسلمين _ واقع لا محالة لأسباب معروفة، والنهي عن الاختلاف يعني النهي عن تعاطي أسبابه.

       وما يجري في هذه الأيام من تباين في المواقف بين أعضاء التحالف، بل وبين مسؤولي مجلس المحاكم الإسلامية، قد أضر بالقضية واستاء منه الشعب الصومالي برمته، وعلينا أن نتساءل عن أسبابه: أقول: لا يختلف اثنان أن سبب هذا الاختلاف هو هذا التفاوض الذي ترعاه الأمم المتحدة في جيبوتي: يرى فريق أن هذا التفاوض يجري خارج الأطر النظامية وبدون ضوابط معلومة في أهدافه ومراميه، ويخشى أن يتمخض منه في نهاية المطاف ما يخل بثوابت الأمة من إحلال العلمانية مكان الإسلام، وذلك بالدخول في اتفاقية مع الحكومة العميلة التي مكَّنت العدو من احتلال البلد، ثم بتقاسم السلطة معها،على أن يسبق ذلك وقف لإطلاق النار مع العدو الإثيوبي المحتل، ثم السعي إلى استقدام قوات دولية من أجل الاحتماء بها من ضربات المقاومة، وقد حدث شيء من هذا، وبهذا تدخل الصومال صراعاً جديداً لا تعرف عواقبه إلى أين تتجه.

      في حين يرى الفريق الآخر أن هذا التفاوض يجري على حسب اللوائح  للتحالف وأنه حصل على التفويض من المجلسين ـ التنفيذي والمركزي ـ ويرى أنه قادر على أن يحقق بهذا التفاوض ما لا يقدر أن يحقق بالقتال، وأن المجتمع الدولي في هذا الوقت مهتم بالقضية الصومالية، وأن المقاومة ليست هي الحل، وإنما هي طريق إلى الحل، وأننا قد حققنا بالمقاومة مكاسب يمكن التفاوض عليها، وقد آن الأوان أن ندخل في التفاوض في الوقت الذي نحن الأقوى في الساحة.

      وفي نظري كانت هذه وجهات نظر قابلة للأخذ والرد لكنها تجاوزت إلى الإخلال بثوابت الأمة بعد التوقيع على الاتفاقية الاستسلامية، والجلوس مع الحكومة العميلة، ووقف إطلاق النار مع العدو المحتل، وطلب القوات الدولية لتمكين حكومة عبد الله يوسف من السيطرة على جميع البلاد.

      هذا الاختلاف لمصلحة من ؟

      لا يختلف اثنان أن هذا الاختلاف بين أعضاء التحالف لمصلحة أعداء الصومال، ويأتي في مقدمتهم العدو المحتل الإثيوبي لأن الاختلاف بين أعضاء التحالف يُضعف التحالف، وينسحب ذلك على المقاومة، وذلك هو عين الخسارة، وهو ما ينص عليه القرآن الكريم ( ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم واصبروا إن الله مع الصابرين )  كما أن هذا الاختلاف يصب في خانة الحكومة العميلة لا سيما إذا تم تقاسم السلطة معها فإن ذلك يبرئها من جميع الجرائم التي ارتَكبت في حق الشعب، ويُطوِّل عمرها، ويلمِّع صورتها في العالم لا نضمام رجال معروفين سابقا بالنـزاهة والموافقة.

      الواقع

      ليس هناك أيٌّ من الطرفين يقدر عل تحقيق نجاح بمفرده في مشروعه، فلا الذين ذهبوا إلى التفاوض قادرون على تحقيق مكاسب من خلاله إذا عارضه الطرف الآخر، ومعه معظم المقاومة، فتكون هذه الاتفاقية حبراً على ورق، مثلها مثل المصالحة التي عُقدت في مقديشو برئاسة علي مهدي محمد، وتم التوقيع عليها في مكة، ولم ير لها أيُّ أثر بعد ذلك لأنها لم تكن تلقى تأييدا من الشعب ناهيك عن المقاومة كما أن الطرف الثاني المعارض لهذا التفاوض على هذه الطريقة سيتضرر كثيراً بانسحاب طرف مهم من التحالف، ويمكن أن يكون معه قسم من المقاومة، فإذا كانت المقاومة _ وهي متفقة_  تلقى صعوبات جمة في مواجهة العدو الثلاثي، فكيف يكون حالها إذا انقسمت فيما بينها ـ لا قدر الله _.

      كيف الطريق إلى الحل

      بما أن هذا الاختلاف نشب بسبب هذا التفاوض، وأن الاستمرار على هذه الطريقة يوسع الهُوَّة بين الطرفين، ويوصل الخلاف إلى نقطة لا عودة منها مع أنني أعتقد أن المرحلة التي وصل إليها  التفاوض يصعب الرجوع منها بعد التوقيع على تلك البنود بين الطرفين، فلا الطرف الموقع عليها يملك الرجوع منها بعد التوقيع عليها بحضور المجتمع الدولي كما لا يمكن للطرف الثاني القبول بها  لأنها في نظره تخل بالثوابت والأهداف التي من أجله قامت المقاومة.

      ومهما يكن من أمر فإن وحدة الصف الداخلي أهم من كل شيء ومقدم على غيره، إذ بدونه لا يتحقق لطرف مطلبٌ مع ما يَلحق الطرف المتسبب للخلاف من التبعات الدنيوية والأخروية.

       وعليه فالواجب على الجميع إيقاف هذا التفاوض الذي هو السبب في الخلاف ووقف كل الأنشطة التصعيدية والجلوس على مائدة مستديرة للتباحث حول جميع المسائل المختلف فيها، فما كان منها شرعيّاً فيترك للشرع امتثالا لقول الله تعالى ( فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذلك خيروأحسن تأويلا ) وما كان منها من مسائل الاجتهاد تتأرجح بين المصالح والمفاسد، فتُخضع للبحث والدراسة والتشاور إلى أن يتم الاتفاق على رأي منها بإذن الله.

      فهذا هو الرأي المأمور به شرعاً في قوله تعالى ( فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين )  وفي قوله تعالى ( إنما المؤمنون إخوة فأصلحوا بين أخويكم واتقوا الله لعلكم ترحمون ).

        وسر تكرر لفظة التقوى في الآيتين له مغزًى، ذلكم أن المتصف بها هو المتغلب على نفسه القادر على حملها على قبول الحق والرجوع من الباطل بعد التبين، فالرجوع إلى الحق فضيلة.

      كل يوم يمر يزداد الخلاف اتساعا

      كان الخلاف في بدايته محصورا في نطاق محدود، وفي مجالسه الخاصة به، وكان بالإمكان القضاء عليه في مهده لو توفرت الإرادة  الصادقة لكن بكل أسف تمت المزايدة عليه، فما زالت الأطراف تتجاذبه في كل الأصعدة حتى طفح كيله، فدخلت فيه أطراف أخرى _ محلية ودولية_ فلم يعد الخلاف مقصورا على الطرفين، وقد لا يكون بمرور الزمن بوُسْع الأطراف أن تقرر ما تراه أنسب لظروفها بسبب تدويل القضية وتعقيداتها.

      شبهة وإجابة عنها

      قد يصل بالبعض الحرص على الاتفاق إلى درجة يتمنى أن يتفق الجميع، ولو على الباطل وعلى حساب الثوابت، وهذا خطأ فلا يجوز ترك الحق من أجل الاتفاق على الباطل ، فالحق أحق أن يتبع، وعلى صاحبه أن يثبت عليه، ولو كان وحده فلا يتأتى الاجتماع والاتفاق إلا على الحق، فالحق يَجمع، والباطل يُفرِّق، فلو أن أحدا خرج بالقضية عن الحق إلى الباطل فلا يجوز المتابعة عليه أيا كان رئيسا أومرؤوسا بل يجب مخالفته إذ " لا طاعة لمخلوق في معصية الخالق " وهذا فيه مصلحة للسائر على  الباطل لأن مخالفة الآخرين له ردع له عن الباطل.

       وقد ضرب النبي صلى الله عليه وسلم في الثبات على الحق أر وع الأمثلة ـ وهو القدوة ـ فقال ـ معتزا بالحق الذي أنزل عليه ورافضا لكل المغريات ـ قولته المشهورة " والله لو وضعوا الشمس في يميني، والقمر في يساري على أن أترك هذا الأمر حتى يظهره الله أوأهلك ما تركته" كيف وقد قال الله له في تنـزيله ( لقد جاءك الحق من ربك فلا تكونن من الممترين ).

       وهذا خليفته في أمته من بعده أبو بكر الصديق ـ رضي الله عنه وأرضاه ـ حينما مات النبي صلى الله عليه وسلم، وارتد من ارتد من العرب، ومنع منهم من منع الزكاة، وعزم على قتال الجميع، وتردد كثير من الصحابة في قتالهم بحجة أنهم  يقرون بالشهادتين قال في لهجة المتحدي " والله لو منعوني عقالا كانوا يؤدونه إلى رسول الله لقاتلتهم على منعه، والله لأقاتلن من فرق بين الصلاة والزكاة " .

      والنصر آتٍ بإذن الله لكن بالثبات على الحق والصبر على المكاره لا بالاستسلام والقبول بالإملاءات ( أم حسبتم أن تدخلوا الجنة ولما يأتكم مثل الذين خلوا من قبلكم مستهم البأساء والضراء وزلزلوا حتى يقول الرسول والذين آمنوا معه متى نصر الله ألا إن نصر الله قريب " .

      وقد أخبر النبي صلى الله عليه وسلم أن من كان قبلكم كان أحدهم يوضع المنشار على مفرق رأسه، فيخلص إلى قدميه لا يصرفه ذلك عن دينه، ويمشط بأمشاط الحديد ما بين لحمه وعظمه لا يصرفه ذلك عن دينه "

      وقد ربى النبي صلى الله عليه وسلم جيلا، كل منهم يعدل ألفاً في الثبات على الحق ورباطة الجأش ، وقد أثناهم الله على ذلك بقوله ( من المؤمنين رجال صدقوا ما عاهدوا الله عليه فمنهم من قضى نحبه ومنهم من ينتظر وما بدلوا تبديلا ) . 
 

      اللهم أرنا الحق حقا وارزقنا اتباعه وأرنا الباطل وارزقنا اجتنابه 
 

      كتبه وحرره فضيلة الشيخ الدكتور / عمر إيمان أبوبكر 
 

 
 
 Mas’alada saddexaad 
 

Wadahadaladu Waxa ay sababaan oo in lays khilaafa ah: 
 

Midaynta sufuufta iyo kalimada dadka muslimiinta ah asal weeye kamid ah usuusha diinta, waana waajib islaamka dhexdiisa , la’aantiisna madhamays tirmo arin ay leeyihiin musliintu, inbadan oo kamid ah waajibaadka islaamka sida jihaadka, jumcada iyo jamaacada ayaa dartii loo joojiyaa, in laga tago iyadoo la awoodana waxay kamid tahay danbiyada waawayn, in lakala tagana waxaa ka ratibma in lagaari waayo ahdaaftii lalahaa aduunyaday iyo cadaab wayn oo aakhirada ah.

Ahmiyada uu leeyahay gaar ahaan waqtigaan adag ee aan marayno darteed ayaan u alifay kitaab aan ugu magic daray (cizada muslimiintua waxay ku jirtaa wada jirka kalimadooda) .

Khilaafka- haba ahaado wax mamnuuc ah muslimiinta dhexdooda- waaqic weeye aan meel looga leexdo jirin asbaabo jira dartood.

Waxa socda maalmahan oo ah kala tagsanaanta mawaaqifta xubnaha isbahaysiga , iyo mas‘uuliyiinta maxaakimta islaamiga ah dhabtii waxay dhibaato galisay qadiyada , waxaana ka xumaaday shacabka soomaaliyeed oo dhan , waana inaan isweydiinaa asbaabtiisa:

Waxaan leeyahay waxaaney labo isku khilaafsanayn in sababka khilaafku tahay wada hadalada qaramada midoobay qaban qaabisay ee kasocda jabuuti,  qaybi waxay u aragtaa wada hadalka socda inay kabaxsan yihiin nidaamka , aysana lahayn dawaabid iyo ahdaaf laysla ogyahay oo la ilaaliyo waxaanay kabaqayaan in ugu danbaynta uu baabi’iyo thawaabidii umadu lehayd oo ah in cilmaaniyadu gasho booska islaamka , arinkaasina waxaa weeye in heshiis lala galo xukuumada daba dhilifkaa ee usuura gelisa cadawga inuu dalka qabsado, dabadeedna lala qaybsado xukunka, waana inay ka horaysaa xabad joojin lala galo cadawga gumaystaha ah ee ithoobiya, dabadeedna waa in laraadiyo in la adeegsado ciidamo shisheeye oo looga gol leeyahay in lagu baabi’iyo muqaawamada, waxaana dhacay arinkaa waxa kamid ah, waxayna soomaaliya gelinaysaa dagaal cusub oo aanay cidna garanayn halka uu kudanbay doono.

Halka qaybkalana ay u aragto in wada hadalkaan uu u socdo siwaafaqsan nidaamka isbahaysiga  uuna ogolaasho kahaysto labada gole( golaha fulinta iyo golaha dhexe) waxayna u arkaan in wada hadalka lagu xaqiijinkaro wax aan lagu xaqiijin Karin muqaawamada iyo dagaalka, iyo in beesha caalamku waqtigan ay danaynayso arimaha soomaliya waxaayna leeyihiin muqaawamadu xal maahan ee xal ayaa lagu gaarayaa waxaanan  ku xaqiijinay muqaawamada. wax lagu wada hadli karo waana inaan galnaa  wadahadalada waqtiga  aan ku xooganahay saaxada.

Aragtidayda ku aadan arinkaa waxaa weeye aragtiyadaa kala duwan in lana aqbali karo lana diidi karo laakiin waxay ugudubtay thawaabidii umada kadib heshiiskii isdhiibka ee jabuuti, iyo lafariisiga xukuumada daba dhilifka ah iyo xabad joojin cadawga gumaystaha ah iyo codsigii ciidamada shisheeye si gacanta loogu geliyo xukuumada Cabdilaahi yuusuf dalka oo dhan .

Hadaba khilaafkan yuu dan u yahya?

Waxaaney laba isku diidanayn khilaafkan soo kala dhexgalay xubnaha isbahaysiga inuu dan uyahay cadawga soomaaliyeed maxaa yeelay wuxuu daciifinayaa isbahaysiga waxaana suura gal ah inuu ugudbo muqaawamada , waana qasaarada dhabta ah ee arinkaas waana waxa uu kawaramay qur’aanka kariimka ah

{ولا تنازعوا فتفشلوا وتذهب ريحكم واصبروا إن الله  مع الصابرين} 
 

Wuxuuna buuxinayaa qaanada xukuumada daba dhilifka ah ulamana jirto hadii ay dhacdo in lala qaybsado kooxda c/laahi xukunka maxaa yeelay wuxuu ka beri yeelayaa arinkaas danbiyadii ay ka galeen shacabka soomaaliyeed,wuxuuna siinayaa cimri dherer waxaana hagaagaysa aragtida uu caalamku ka qabo kadib marka ay kubiiraan xubno horay loogu yaqaanay mawaaqif wanaagsan. 
 

Waaqica dhabta ha 
 

Majirto qayb kamid ah labada qaybood oo kaligeed guul gaari karta kuwa wada hadalka galay ayaan awoodin inay wax lataaban karo ku xaqiijiyaan wada hadalka,  iyadoo ay diidan tahay qaybta kale oo ay wada socdaan inta badan muqaawamada, heshiis kasta oo lagalaana wuxuu noqonayaa qad ku dulqoran warqad , wuxuuna lamid noqonayaa shirkii dib uheshiisiinta oo lagu qabtay muqdisho oo cali mahdi gudoominayay , laguna kala saxiixday maka (sacuudiga)

Lamana arag wax raad uu leeyahay markaa kadib maxaa yeelay kama helin wax taageera ah shacabka iskaba daa muqaawamada’e .

Halka qaybta labaad ee diidan wada hadalka ku socda wadadaas uu kasoo gaari doono kabixida qayb kamid ah isbahaysiga ayna suurta gal tahay inay raacdo qayb kamid ah muqaawamada, iyadoo ay muqaawamadu wada jirto ayaa waxay dhib wayn kala kulmaysay inay ka hortagto cadawga sadex geesood ka ah bal ka waran hadii ay sii kala qaybsanto Ilaahay maqadaree.

Dariiqa xalka waa sidee:

Iyadoo ay jirto in khilaafkan uu kadhashay wada hadalka inuu sii socdana ay sii xoojinayso oo kaliya faraqa udhexeeya labada qaybood, iyo in uu gaaro khilaafku  meel aan laga soo laaban Karin anigoo aaminsan in marxalada uu gaaray wada hadalku ay adagtahay in laga soo laabto kadib saxiixii hashiiskii labada qaybood ee jabuuti , qaybta saxiixday oo aan awoodin inay kasoo laabato heshiis ay wax ka ogayd beesh caalamka ,halka qaybta kalana aysan suurtagal u ahayn inay aqabasho maxaa yeelay sida ay u aragto waxaa labaabi’iyay thawaabidii iyo ahdaaftii ay lahayd muqaawamadu.

Sikasta oo ay ahaataba wada jirka gudaha ayaa kamuhiimsan oo ka horeeya wax badan taasoo la aantiis aysan suurta gal ahayn inay qaybi xaqiijiso waxa ay doonayso sababta oo ah dhibka kasoo gaaraysa khilaafka oo aad u wayn awgiis.

Jawaabtu waxay noqonaysaa in lajoojiyo wada hadalka iyo dhamaan dhaq dhaqaayada sababay khilaafka iyo in la fariisto miiska wada hadalka wixii sharci ahna loo daayo sharciga iyadoo loo hogaansamayo qowlka Alle(s.w)

{فإن  تنازعتم فيشيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذالك خير وأحسن تأويلا}

Wixii masaa’il ijtihaadi ahna waxaa lagu kala rajaxayaa masaalixda iyo mafaasida ka ratibmaysa , waxayna ulaabanaysaa baxthi iyo daaraasad iyo wada tashi ilaa laysku waafaqo mid kamid aragtiyada laysku hayo insha Allaah.

Ra,yigaasina waa mid lays amray sharci ahaan oo ALLE (s.w) uu yiri

{ فاتقوا الله وأصلحوا ذات بينكم وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين}وفى قوله تعالى { إنما المؤمنون إخوة فأصلحوا بين أخويكم واتقوا الله لعلكم ترحمون}

In lagusoo celceliyo erayga Alla kacabsiga labadaa aayadood macnuhu waxaa weeye qofka ku sufooba sifaadkaas inuu yahay qof awoodi kara inuu aqbalo xaqa uuna kalaabto baadilka marka uu u cadaado kadib ,( xaqa oo loo laabtaa waa fadli iyo wanaag) .

Hadii aan u soo laabto mawduucii Maalin walba oo inasoomara waxaa kordhaya khilaafka .

Khilaafkuna bilowgii wuxuu ahaa mid ku eg waxyaabo kooban oo looga hadlo fadhiyo gaar gaar ah, waxaana suura gal ahaayd in la dhameeyo bilaawgiiba hadii laheli lahaa doonis dhab ah, laakiin nasiib daro waa uu waynaaday kamana suulin qaybuhu inay kor usii wadaan ilaa tala fara kabaxday oo ay kasoo galaan qayba kale oo gudaha iyo dibada ah . 
 

Shubhooyinka iyo jawaabahooda:

Waxaa dhici karta in dadka qaar ay kudadaalaan in lays waafaqo oo kaliya ah oo dadka oo dhami meel iskugu yimaadaan hadii ay doonto baadil iyo thawaabida oo laga tagaba ha ahaateed, arinkaasin waa khalad mana banana in laga tago xaqa si laysugu waafaqo baadil( xaqa ayaa u xaqleh in laraaco) qofka usaaxiibka ahna waxaa laga rabaa inuu kusugnaado , haduu doono kaligii ha ahaado. mana keenaan wada jirku iyo is afgaradku in xaqa lacadeeyo oo loo laabto mooyaane , xaqa ayaa lagu kulmaa baadilkana waa lagu kala tagaa , hadii ruux uu kalabaxo qadiyada xaqa oo uu la aado baadil ma banana in lagu raaco wuxuu doono ha ahaadee mid madax ah iyo mid madax looyahay mid kuu doono ha ahaado’e  waxaabase waajib ah in lakhilaafo haduu xaqa ka leexdo diidana in uu u soo laabto.

Qofna lagu adeeci mayo macsida Alle Nabigu wuxuu u jideeyay (s.c.w.) in lagu sugnaado xaqa miithaal kan ugu quruxda badan waana midka lagu daydo , wuxuuna ku  yiri hadalkiisii caanka ahaa.

{ والله لو وضعوا الشمس فى يميني والقمر فى يساري على أن أترك هذا الأمر حتى يظهره الله أو أهلك ماتركته}

Allaan ku dhaartaye haday saaraan qoraxda midigtayda dayaxana bidixdayda inaan katago arinkaan ilaa Alle uu kamuujiyo ama aan ku halaagsamo kategimaayo , waana sida Alle uu u yiri (s.w)

{ لقد جاءك الحق من ربك  فلا تكونن من الممترين}

Kanina waa Abuu baker khaliifkii umadiisa uga danbeeyey (R.c) goortii ay ridoobeen intii badnayd carab , oo ay diideen intii badnayd inay bixiyaan zakada  wuxuu goostay inuu ladiriro dhamaantood waqti ay laba labeeyeen in badan oo kamid ah saxaabada ladagaalanka dad afka kasheeganay toowxiidka wuxuuna  u yiri si adag Abuu baker (  Allaan ku dhaartee hadii ay ii diidaan dabar ay sii jireen nabig(s.c.w)waan la dirirayaa waana dilaayaa qofkii kala saaro salaada iyo sakada). 
 

Guushuna waa imaanaay saa Alle idankii: lakiin waxay ku imaanaysaa in lagu sugnaado xaqa laguna sabro dhibta ee ku iman mayso in lays dhiibo

{ أم حسبتم أن تدخلوا الجنة ولما يأتكم مثل الذين خلوا من قبلكم مستهم البأساء والضراء وزلزلوا حتى يقول الرسول والذين آمنوا معه متى نصر الله آلا إن نصرالله قريب }.

Nabigu wuxuu kawaramay in dadkii naga horeeyay lasaari jiray madaxiisa kala badhkiis miishaar oo lagu kala goyn jiray ilaa lugihiisa arinkaan kama saari jirin diinkiisa ,waxaa kaloo shanlo birana lagu kala saari jiray hilibkiisa iyo lafahiisa waxna kama badali jirin

. { من كان قبلكم كان أحدهم يوضع المنشار على مفرق  رأسه, فيخلص إلى قدميه لا يصرفه ذالك عن دينه , ويمشط بأمشاط الحديد ما بين لحمه وعظمه لا يصرفه ذالك عن دينه}

Nabigu (s.c.w ) soo saaray jiil mid kasta uu u dhigmo kun 1000 marka loo eego ku dhaganaantooda xaqa Allan waa ku amaanay arinkaas isagoo yiri.

من المؤمنين رحال صدقوا ما عاهدوا الله عليه فمنهم من قضى ومنهم من يتظر وما بدلوا تبد يلا "

Allahayow inoo tusi xaqa xaq inuguna irzaaq inaan raacno baadilkana inuu baadil yahay inoo tusi naguna irzaaq inaan ka fogaano . 
 

اللهم أرنا الحق حقا وارزقنا اتباعه وأرنا الباطل باطلا وارزقنا اجتنابه 
 

Waxaana qoray oo tafaftiray 
 
fadiilatu al-shaykh Dr. Cumar iimaan Abuu bakar 
 

كتبه وحرره الشيخ الدكتور/ عمر إيمان أبو بكر

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2008
 

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS