SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkada Is Gaarsiinta ee Golis ayaa soo bandhigay Adeeg Cas


Bosaso:-Shirkan jaraa’id oo ay qabteen Masuuliyiinta ugu sareysa Shirkada Isgaarsiinta Ee Golis ayeey ku faah faahiyeen adeegyo hor leh oo ay shirkadu ku soo kordhisay adeegyadii ay hore u qaban jirtay Sida Adeeg Loogu Magac daray ku Mushaax( Roaming mobile System) Oo ah Adeeg Macmiilka u suurta galinaya in uu Simcardka shirkada Golis Ku isticmaali karo meel kasta oo Somalia ka mid ah , hadana lagu sii bilaabay gobolada Somaliland sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis Aadan Sheekhdoon Cali.


Maamulka Guud ee Golis

Mr. Aadan Sh Doon Waxa uu sheegay in adeega isgaarsiineed ee golis dhawaan la gaarsiin doono Deegaano kale Oo hor leh oo ku yaala bariga Somalia sida Hurdiya, Xaafuun iyo Iskushuban , dhanka Nugaalna Sunijiif, Godobjiran, Kalabayr, Xasbahale, awrculus iyo meelo kale , iyadoo dhinaca Soolna la furi doono dhowaan deegaano balaaran oo ay ugu horayso Caasimadda gobolkka Sool ee Laascaanood & Sarmaanyo



Farax Xaaji Mire oo ah madaxa Xiriirka dadweynaha & Dawladda (public Relations ) ee Shirkada Golis ayaa isna dhiniciisa tilmaamay in shirkadu ay kala qayb qaadan Doonto Dowlada hoose Ee Bosaso Daminta dababka iyo hawlaha amniga, wuxuuna xusay in magaalada Bosaso la gelin doono layman leh adeegyo dheeraad ah oo lagala xiriiro hawlaha amniga , sidoo kalena ciidanka Booliska , dabdamiska iyo d/hooseba hawlahaas laga kaalmayn doono lana siin doono lambaro gaagaaban oo kuwa caalamka oo kale ah


Qaar ka mid ah Maamulka Degmada

Cumar Ciise Maxamed (Faaruuq ) oo ah madaxa Ganacsiga & Suuqgeynta Shirkadda Golis ayaa isna tibaaxay In shirkada isgaarsiinta ee golis Magaalooyinka qaarkood ay ugu dartay Adeeg Ah koronto Hadh Iyo habeen ah , sidoo kale wuxuu sheegay in adeegga Xogmaal lagu kordhiayay waxyaabo hor leh sida in laga isticmaali karo Mobilka dirista Email-da.


Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Golis

Duqa Degmada Bosaso oo goob jog ka ahaa shirkaasi ja’raaid ee ay qabsadeen Madaxda Shirkada Isgaarsiinta ee Golis Ayaa ku amaanay shirkada Golis sida wacan ee ay u gacan qabanayso Maamulka Degmada Isaga oo si gaar ah ugu soo qaatay Qaabka ay golis shaqaalaheedu ay uga qayb qaadanayaan Daminta Dabka kaca oo ay dhinac socon doonaan shaqaalaha Dowlada Hose ee Bosaso ee Arimahaasi hore u qaba jiray


qaar ka mid ah shaqaalaha Golis

Xildhibaan C.xakiin Xaaji Mahamed Dhobadaareed ayaa isna dhiniciisa ku amaanay Golis dadaalkeeda Ku aadan Horumarka Iyo Caawinaada Lacag la’aanta ah ee ay Ka geysanayso arimaha Horumarka degaanka.



Meel Bosaso u jirta 15 KM ayaa waxa uu mudooyinkii dambe tababar halkaasi uga socday Shaqaale hoos tagi doona golis kuwaasi oo ka qayb qaadanaya Daminta Dababka Bosaso ka kaca Oo ay Dowlada Hoose ka caawin doonaan Arinkaasi Iyada oo goobta tababarku ka socdayna ay maanta booqdeen Madaxda Shirkada Golis Iyo Maamulka Degmada Bosaso Halkaasi oo Shaqaalaha tababarku uga socday ay ku soo bandhigeen Wixii Ay Barteen

Jaamac Ayaanle Feyte
Feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 20, 2008
 

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS