SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxa Qaxootiga Aduunka Antoni Gatret oo sheegay in uu ku gaaray darajada uu maanta gaarsiisanyahay wixii uu ka soo bartay intii uu magaalada Muqdisho shaqo ku joogay


20 bishaan June 2008 ayaa waxaay tahay xuska maalinta Qaxootiga Aduunka haddaba is diyaarin weyn ayaa ka socda xeryaha Qaxootiga eek u yaala Gobalka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya xeryaha 3da ah eek u yaala deegaanka dhadhaab Ifo, Dhagaxley iyo Xagardheer ayadoo xero cusub oo loogu magacdaray jubba la furay Maanta.

Saacada markeey aheyd 10:00 subaxnimo geeska afrikada bari ayuu ka soo dagay garoonka diyaarada ee magaalada dhadhaab madaxa Qaxootiga Aduunka ee Antoni Gatret, wuxuuna ku soo beegmay xili la furayay xero cusub oo qaxooti ayadoo diiwaan galin ka socoto xeradaasi waxaa safarkiisa ku wehliyay wasiirka laanta socdaalka ee Dalka Kenya Mr. Antoni Krijwa, wasiir ku xigeenka howlaha bulshada ee dalkani Kenya Aadan Sugow Axmed iyo saraakiil kale,

Marka uu hore ka yimidba wuxuu bilaabay in uu booqdo goobo aay ka mid tahay xereda cusub ee Qaxootiga Muqdisho ka soo qaxay loogu tala galay, Isbitaalka Xerada Qaxootiga Ifo, wuxuu kaloo booqday Dugsiga hoose ee ifo wuxuuna isla maanta xariga ka jiray Dugsi cusub kaas oo aay wax ka baran karaan arday gaaraysa ilaa iyo 800 oo arday.

Waxaa xerada Qaxootiga isugu yimid dhamaan Qaxootiga ku noolaa xeryaha Qaxootiga ee halkaasi ku yaala ayagoo doonaya in aay cabashadooda u gudbiyaan Mr. Antoni, waxyaabaha ugu daran aay ka cabanayaan waxaay aheyd Hablaha waqtiga aay isbitaalka ku umulayaan in ilmaha lagu qalo ayagoo raali aan la aheyn taasina aay tahay dhibka ugu badan aay ka cabanayeen ayagoo cabasho kale oo fara badan sheegay waxa aay haystaan waxaay ku tilmaameen in aay tahay waxbarasho iyo nabadgelyo oo kaliya iyo biyo yar oo si dhib ah aay ku helaan nolosha inteeda kale waxaay sheegeen in aay aad ugu liidato ayagoo tilmaamay guryaha aay ku noolyihiin in aay aad u liitaan.

Waxaa qudbad kala duwan halkaa ka jeediyay dhamaan mas’uuliyiintii halkaa isugu yimid Mr. Antoni o qudbad dheer oo meelo badan taabanaysay ka jeediyay halkaasi ayaa sheegay asagoo markii hore u mahadceliyay dowlada Dalkani Kenya oo uu ku tilmaamay in aay Qaxootiga soo dhaweysay ilaa iyo haddana diyaar u tahay in aay soo dhaweyso, wuxuu kaloo sheegay in uu aad ugu xunyahay dhibaatada dagaalada iyo waxyaabaha ka socda magaalada muqdisho asagoo sheegay in intii uu magaaalada Muqdisho joogay uu waxyaabihii uu ka bartay halkaasi aay gaarsiisay maanta in uu madax ka noqdo Qaxootiga Aduunka wuxuuna balanqaaday in uu waxwalba u Qabandoono dhamaan Qaxootiga Kenya ku sugan Magaalada Muqdishana aay wax ka qabandoonaan asagoo sheegay in jecleyn maanta in uu hadlo kuna soot ala galay in uu wax dhageysto oo kaliya.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka howlaha Dadweynaha Aadan Sugow Axmed oo laga soo doorto degaanka Faafi ayaa wuxuu sheegay in aay soomaali meel walba aay joogto aay soomaali tahay wuxuu yiri “anaga dhanka Kenya ayaan ku noolnahay adinkana dhanka soomaaliya ayaa ku nooshihiin walaalo ayaanu nahay soomaali Kenya ku nool iyo soomaali soomaaliya ku nool waa wada soomaali dan idinkuma jirto in aad halkaan Qaxooti ku ahaataan waligiin oo biyo iyo Raashin wax la idinku siiyo waa in laga shaqeeyaa sidii soomaaliya nabad u noqon laheyd oo soomaaliya aad ugu noqon laheedeyn anagana waan ka shaqeeynaynaa adinkana waa in aad ka shaqeysaan

Dadkii Soomaalida ahaa ee Qaxootiga ahaa Qudbadiisa oo meelo badan taabanaysay aad ayay u soo dhaweeyeen. Wayna u sacabtumeen.

Eng. Mohamed Isse (Malaysia) Garissa Tel: 254723834419
malesia73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS