SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Deeq Lacageed Oo Lasoo Gaarsiiyey Caruurta Agoonta Ee Imaamu Shaafici Iyo Qaxcootiga Oromada Ee Muqdisho Ku Dhaqan.

Sawirada halkan ka daawo .....

Deeq Lacageed Oo gaaraysa 600$ ayaa waxaa maanta lasoo gaarsiiyey caruurta agoonta ah Ee Dugsiga Imaamu shaafici ee Degmada xamar-weyne iyo Qaxootiga Oromada ee degmada madiino gaar ahaan xaafada Buulo-xuubey halkaasoo ay Ku Gudoonsiiyeen masuuliyiin ka socotey shirkada xawaalada Amal-Expresse ee magaalada Muqdisho iyadoo ay deeqdan usoo dhiibeen dadkan tabaalaysan gabdhaha Dugsiga Al-Nuur- zurich ee dalka Isiwissir-land .

Lacagtan deeqda ah Ee caruurta Agoonta iyo Qaxootiga Qowmiyada Oromada ah ayaa waxaa Loosoo marsiiyey Shirkada Xawaalada Amal Qaybteeda Muqdisho taasoo ay maamulka shirkadaasi ay kala Gudoonsiiyeen Labada Qaybood ee kala ah caruurta Agoonta ah Oo ay Gudoonsiiyeen 300$ Halka Qaxootigaasna ay gudoonsiiyeen 300$ Doollar .

Sidoo kale Maamulka Agoonta Imaamu shaafici axmed jaamac aadan oo U Gudoomay lacagtaasi Ardayda agoonta ah ayaa Mahad U Celiyey gabdhaha ardayda ah ee Dugsiga Al-Nuur Zurich ee dalka Iswisirland isagoo Alle Uga baryey In Ajar Iyo xasanaad ALLE ka siiyo .

Dhinaca kale Gudoomiye Ku xigeenka Qaxootiga Qowmiyada Oromada ee xaafada buulo-xuubey Ruqiyo Cabdilaahi Abuukar oo U Gudoontay Lacagtaasi ka Koobnayd 300$ ee la siiyey dadkaasi Tabaalaysan ayaa sheegtay Inay mahad balaaran U celinayso dadka usoo dhiibay deeqdan islamrkaana Xustay inay tahay Xili ay Aad ugu baahnaayeen.

Si Kastaba Ha ahaatee Ardayda Dhigata Dugsiga Al-Nuur Zurich ee dalka Iswisiland ayaa Deeqdan Lacageed ee ka koobnayd 600$ Dollar waxay Usoo Dhiibeen Agoonta Soomaaliyeed ee Dugsiga Imaamu shaafici Xamar weyne Iyo Qaxootiga Qowmiyada Oromada Ee Ku tabaalasyan magaalada Muqdisho oo ay Halakeeyeen Dhibaatada amaan daro iyagoo usoo mariyey maamulka Shirkada xawaalada Amal Expresse ee Qaybteeda Muqdisho

Yaasiin Maxammed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
+2521-5580916

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS