SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaaji Muuse Weheliye Geedi" Baaburtayda Waxa Haysta Dhalinyaro aan garaneyn Wanaaga iyo Xiriirka ka dhexeeya Dadka Soomaliyeed"

Gobolada Mudug iyo Hiiraan waxa mudooyinkii danbe ka jiray Muran Dhinaca Ganacsiga ah oo u dhexeeya Qaar ka mid ah Ganacsato ka soo jeeda Labada Gobol,murankaasi ayaa salka ku haya hanti ama dhaqaale Haweenay Ganacsato ah ay u sheegaynayso nin Ganacsade ah oo ka soo jeeda Degaanka Baladweyn ee Gobolka Hiiraan.

Khilaafkaasi ku saabsan Ganacsiga ayaa saameyay Shakhsiyaad kale oo dhacdadan aan warqabin kadib markii Baabur ay qabsadeen garabka lacagta ku sheeganaya dhinaca kale.

Xaaji Muuse Weheliye Geedi waxa uu ka mid yahay Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaliyeed ee sida weyn loo ixtiraamo.

Muuse Weheliyo oo aan waraysi la yeelanay ayaa sheegay in Labo Baabur oo uu leeyahay lagu haysto Degaanka Buurtinle ee Gobolka Nugaal, Baaburtasi oo loo haysto murano dad kale u dhexeeya balse xaajiga wax lug ah uusan ku lahayn.

Xaaji Muuse Weheliye oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri" Baaburtaasi waxa haysta Dhalinyaro aan fahansaneyn Xiriirka iyo wanaaga ka dhexeeya soomalida gaar ahaan xiriirka labada Gobol ee Mudug iyo Hiiraan'' ayuu yiri xaajigu.

Xaajiga waxa uu sheegay in shakhsi waxa uu qabo aysan saameyn karin dadyow kale sidaasi darteed isaga oo ku hadlaya Magaca labada Gobol ayuu codsaday in arrintaasi la dhameyo oo la siidaayo labada Baabur.

Muuse Weheliyo Geedi waxa uu sheegay in xiriiro kala duwan ay la sameyeen Maamulka Puntland ee Gobolka Mudug iyo Dowlada Federaalka oo dhamaantood ay ka codsadeen in khilaafkan la xaliyo.

Xaaji Muuse waxa uu tilmaamay in Baaburtan ay u shaqeeyn jireen Qoysas dan yar ah islamarkaasna uu ka codsanayo Culimada,Isimada,Waxgaradka iyo Dowlada Puntland in sida ugu macquulsan Baaburtaasi loo siidaayo.

Labada Gobol ee Hiiraan iyo Mudug waxa dega dad walaalo ah oo soomaliyeed oo in badan Ganacsi iyo wada shaqeyn ka dhexeysay sidaasi waxa yiri Mr. Weheliye.

Khilaafka u dhexeeya Labada Ganacsato ee ka soo kala jeeda Mudug iyo Hiiraan ayaa mudooyinkii danbe ka taagnaa Labada Gobol, mana aha markii ugu horeeysay ee dhacdo noocan oo kale ah ay ka dhacdo Degaanada Soomalida.

Cawaale Jaamac
Garoowe,Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS