SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maalinta iskaashiga & Midnimadda Soomaalida Leicester

(Leicester Somali Solidarity Day) 
 

Maalinimadii Sabtida 14/06/08, waxaa ka dhacay hallka weyn ee Shirarka Xaafadda St.Matthews ee magaalada Leicester, shir aad iyo aad u ballaaran, oo ay si wadajir ah u soo wada qaban qaabiyeen dhammaan waxgaradka, aqoonyahanada, odayaasha iyo ururada haweenka ee magaalada Leicester, kaasoo si wadajir ah loogu cambaareynayey Barnaamijkii uu soo daayey Channel Four 25/05/08, looguna magac daray   (Despatch – warlord Next Door ). 

Dhammaan dadka reer Leicester ayaa u arkayey barnaamijkaas inuu yahay mid dhinac u xaglinaya, kana fog xaqiiqda. Sidoo kale waxey aad iyo ugu nuux nuuxsadeen in dhibaatada ka jirta Soomaaliya, aanay aheyn mid hadda bilaabatay, ee ay tahay mid soo jiitameysay illaa iyo bilowgii sagaashankii. Waxey kaloo dadka reer Leicester ka digeen in laga taxadiro qatarta ay keeni karto in lasoo raro dhibta ka jirta Soomaaliya, oo la keeno Leicester. Waxaa sidoo kale aad iyo aad loo dhaleeceeyay weerarkii uu TV-gu ku qaaday guryihii caa’iladaha aan iyagu wax shaqo ah ku laheyn, waxa ka dhacaya Soomaaliya. 

Xafladdaas waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka socotay golaha deegaanka magaalada Leicester, saraakiil ka socotay ciidamada booliiska magaalada. Waxaa sidoo kale kaalin aad iyo aad u fir fircoon ka qaatay shirkii shalay ururka ( Somali Peace Council ) oo ka yimid magaalada London. 

Xafladdaas dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa  Aadan Guureeye Kaarshe,,Maxamuud Axmed Dalab,, Shiikh Axmed Mataan, Aadan Shire oo dhammaantood kawada tirsan xubnaha sare ee ururka Somali Peace Council, , Cabdixakiim Jaamac Jooje oo ah Gudoomiyaha hay’adda Somali Advice and Information Centre, Suldaan Cabdulraxmaan Aadan Dude oo ka mid ah waxgaradka Magaalada Leicester,  Embassador/ Sureer Abshir, Ambassador Xooshow, Ubax Maxamed Warsame Darwiish, Sucaad Ceeygaag. Waxaa iyaduna kaalin lama ilaabaan ah kaga qeyb qaadatay xagga Suugaanta Muna Abdalla oo ka socotay ururka Somali Peace Council. 

Waxaa maalinti Sabtida shirkaa xiriirinayey gudoominayeyna Advocate Daahir Xassan, Cabdikeyf Bashiir Faarax oo ah Gudoomiyaha Somali Community Parent association (SOCOPA) iyo Cabdixakiim Jaamac Jooje. Guud ahaan shirku wuxuu kusoo gabagaboobay jawi aad iyo aad ay ugu dheehan tahay Soomaalinimo iyo iyagoo dadku ay dareenkooda ku muujiyeen inay aad iyo aad uga xun yihiin waxa ka dhacaya Soomaaliya, ayna Allaah ugu baryeen sidii ay Soomaali mid u noqon laheyd. Waxaa kaloo halkaasi lagu taageeray Heshiiskii qiimaha lahaa ee ay gaareen DFKG ah ee Soomaaliyeed iyo Mucaaradka, kuna kala saxiixdeen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti. 

Cabdi Jooje
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS