SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

London: Mudaaharaad looga soo horjeedo BUSH

Mudaaharaad Balaaran oo looga soo horjeeda booqashada BUSH ee dalkan Britan ayaa ka dhacday kasoo horjeedka aqalka loga arimiyo dalkan Britan, halkaasoo ay isugu soo baxeen kumaankun dad ah oo ka kala yimi daafaha dunida. Dadkaas waxaa qayb ka ahaa mushtamaca Soomaalida oo ka xumaa imaanshihiisa London, maadaama uu yahay danbiile dagaal oogeystay xasuuq shacbi, bara kicin iyo shirqoolo siyaasadeed oo ay ku nafwaayeen dad fara badan oo Soomaali ah. Maadaama uu dhaqaale ku taageerayay ciidamada cadowga Ethiopia iyo dagaal oogeyaasha kumeel gaarka Soomaaliya oo ay Ethiopia wadato.

Hadaba waxaa sidoo kale halkaas isugu yimi xubno sarsare oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Britan iyo xisbiyo siyaasadeed oo uu ka mid yahay Goerge Galloway, Lendsy German. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay wakiilo ka kala socda ururada xuquuqda mushtamacaadka Iraq, Afganistan, Falastiin iyo Soomaaliya.

Dhinaca Soomaalida waxaa u hadlay Duale Isse Yusuf oo ah, gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Europe ahna gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee UK. Wuxuuna tibaaxay gaboodfalkii iyo tacadigii ay geysteen dagaalkii dhiigu ku daatay ee uu dhaqaalaha ku bixiyay BUSH isla markaasna ay garwadeenada ka ahaayeen TPLF ta Ethiopia iyo Dagaal oogeyaasha kumeel gaarka ah ee Soomaliya. Duale wuxuu tixraac usoo qaatay barnaamijkii abaalgudka muteystay ee (Warlord Next Door) iyo warbixintii Amnesty International ee ku aadanayd tacadiga iyo casuuqa shacbi ee ay gaysteen Ethiopia iyo dagaal oogeyaasheeda.


Abdullahi Ali Hiirad
Hogaanka Siyaasada iyo Xiriirka dadweynaha.
hiirad7@hotmail.com

www.somaliyouth.net
info@somaliyouth.net

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS