SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxamed Dheere oo sheegey in la jabiyey Heshiiskii Xabad joojinta

Maxamed Cumar Xabeeb oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo u waramaey Bahda warfaafinta ayaa caddeeyey in xabad joojintii lagu heshiiyey shirkii jabuuti ay jabiyeen Isbahaysiga Dib u xoreynta ka dib markii ay weerraro ka geysteen goobo ku yaal Magaalada Muqdisho wuxuu kaloo uu sheegay in ay hoobiyayaal ku garaaceen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka dhoofayey Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf “Haddii aydaan qaadi Karin masuuliyada Xabad joojinta maxaad u saxiixdeen” ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegeyn in Dowlada Federaalka ay war cad ka soo saari doonto isagoo sheegay in ay sii wadayaan wadahadalada ay la leeyihiin Mucaaradka “waa iska warqabaan kuwa ku sugan dalka iyo kuwa dibada joogo waayo way cambaareyn lahayeen Cidda jebisey Xabad joojinta”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in dowlada ay ka go’an tahay in ay is difaacdo.

Maxamed Dheere wuxuu kaloo sheegay isbahaysiga uusan marnaba dooneyn in dalka ay ka dhalato nabad iyo dib u heshiisiin isagoo sheegey in ay doonayaan in soomaliya ay ku sii jirto dhibaatada iyo fowdada wuxuu u soo jeediyey shacabka soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan kuwa ka soo horjeeda nabada iyo Dowladmimada

Dhinaca kale kooxaha ka dagaalamaya gudaha soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka Ilaa laga saaro Ciidamada Itoobiya “ Wixii xoog wax ku keena xoog baa loo adeegsadaa marka Itoobiya Baryo kuma imaan ee waxay ku timid Xoog marka waa in aynu xoog ku bixinaa “ayuu yiri afhayeen Xarakada Al- Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur wuxuu intaas sii raaciyey”waxaan go’aansaney in aanu ciidamada Itoobiya ku weerarno Gudaha Itoobiya waayo igaba si gardaro ah ayey ugu soo duuleen Dalkeenna wuxuuna Abuu Mansuur sheegey in aysan aqoonsaneyn wixii ka soo baxay Shirkii Jabuuti oo uu ku tilmaamey shirqool la dooneyey in looga hortago Jihaadka ka socda Dalka Shiikh Shariif oo ah gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta ayaa wax laga weydiiyey bal in ay bilaabatey heshiiskii Xabad Joojinta wuxuu sheegey in Xabad joojinta ay bilaabaneyso marka la sameyeeyo Jadwalka ay ku baxayaan Ciidamada Itoobiya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS