SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Loogu hadal haynta Badnaa Toddobaadka...

Shirkii Jabuuti oo qodobo xasaasi ah lagu gaadhay.

Shirkii uga soconayay Soomalida magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa waxaa la kala saxiixday go,aamo ay labada dhinacba ay isku waafaqeen ka dib markii ay shirar badan ku galeen magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Shirkan oo lagu tilmaami karo mid ka wanaagsan kuwii hore ee ay hore u yeesheen ayaa wuxuu aakhir keenay in ay Isbahaysigii iyo DFKMG markii ugu horaysay ay wax isla meel dhigaan.

Xafladii heshiiska oo ka dhacday Hotelka Kempinski ee ay degan yihiin dhamaan wufuuda labada qoloba ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra,isul wasaaraha DFKMG iyo wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somaliya, iyo wufuud kale oo ka socotay beesha caalamka, sida USA iyo England iyo qaar kale.

Qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mid ah;

1)In ciidamada Itoobiyaanka ahi ay ka baxaan dalka Somaliya Afar Bilood gudahood.

2)In la dhaqan galiyo heshiiska ay wada saxiixdeen DFKMG iyo Isbahaysigu, 30 maalmood gudahood.

3)In xabad joojin waarta laga sameeya dhamaan dalka Somaliya, 90 maalmood gudahood.

4)In si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadeynta waddanka Soomaaliya.

5)In la dhiso guddi ka kooban 15 xubnoo oo ay labada dhinacba ka socda oo la socda dhaqan galinta xabad joojinta dalka.

6)In isna la dhiso guddi ka kooban 15 xubnood oo ay hogaanka u hayso QM kana shaqayn doona arrimaha siyaasda iyo dib u heshiisiinta. Iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Waxaa ku saxiixan shirka magaca DFKMG iyo magaca Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya iyo Wakiilka arrimaha Soomaliya u qaabilsan QM ee Ahmedou-wala Abdalla.

Qodobada ay labada dhinac wada saxiixeen waxaa kaloo ku jira in ay labada qoloba ay beesha caalamka ka codsadeen in hirgalinta heshiiskan iyo in lagu taageero dhamaan heshiisyada ay isla meel dhigeen, sidii looga dhaqan galin lahaa dhamaan dalka Somaliya.

Isbahaysigu wuxuu kaloo codsaday in si degdeg ah loo keeno ciidamo ka socda QM oo badala kuwan Itoobiyaanka ah.

Isbahaysigu wuxuu ka digay in ciidamada la keeni doono aysan ku jirin dalalka la dariska Somaliya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna ka hadlay xaflada ayaa taageeray heshiiskan, wuxuuna u mahad celiyay Wakiilka Qaramada Midoobay Ahmadu Ould Abdallah oo dhabarka u xirtay sidii loo heli lahaa heshiis kama danbeys ah, oo xal looga gaadho arrimaha Somaliya.

Saxiixa xafladan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wakiilo Matalayey dalalka USA, England, Sacuudi Carabiya, Ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay.

Heshiiskan oo ah mid ay soo dhoweeyeen beesha caalamka iyo dhamaan xubnihii ka qeybgalay shirkaasi ayaa waxaa ka hadlay hoggaamiyeyaasha wafdiga, oo hadaladoodi halkan aan lagu soo koobi karayn.

Axmed Cabdi Salaam oo dhinaca dowladda u saxiixay heshiiska ayaa waxaa uu ka sheegay xafladda in ay aad ugu faraxsan yihiin heshiiska caawa ay wada gaareen iyaga iyo Isbahaysiga, isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii loo hirgelin lahaa.

Sidoo kale C/raxmaan Shukri oo isna u saxiixay dhinaca Isbaheysiga ayaa soo dhoweeyay isagoo u mahad celiyay dhamaan wafuudii caalamiga aheyd ee ka soo shaqeysay in heshiis xal u ah umadda Soomaliyeed la wada gaadho.

Axmed Cabdisalaan ayaa wuxuu sheegay in ay ka midha dhalin doonan heshiisyadan ay caawa kala saxiixdeen, oo ay nabada Somaliya ay ka go,antahay xagooda, oo ay mar kasta ka shaqayn doonaan.

Heshiiskaan waxaa qalinka ku duugay Madaxda Ergada DFKMG Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo Madaxa ergada Isbaheysiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Marka loo fiirsado dhinacyadaan heshiiyay caawa ayaa u ekaa kuwa isku faraxsan iyadoo qaarkood la arkayay iyagoo garbaha is heysta oo kaftamaya, taasoo niyad wanaag ka muujiyeen wafuuda kala duwan ee heshiiskaan kasoo qeyb galay.

Xafladii ka dhacday madasha shirka ayaa waxay u ekeyd mid uu qof kastaaba ka miijiyay aragti wanaagsan oo u dhalan doonta shacabka Soomaaliyeed, dhamaan Ergooyinka ka socda DFKMG iyo Isbahaysiguba si wacan oo daacad ah ayeey usoo badhigeen heshiisyada ay wada gaadheen oo runtii wax ku ool ah.

Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya iyo DGKMG ayaa u kicitami doona dalka Sucuudiga, sii loogu soo xaqiijiyo heshiiska ay ku gaadheen dalka Jabuuti, codsigaas oo ka yimi Safiiro ka tirsan jaamacada Carabta oo sheegay in ay wanaagsan tahay in lagu soo saxiixo magaalada Maka-Al-Mukarama.

Midawga Yurub, Jaamacada Carabta, Qaramada Midoobay, Dawlada Maraykanka, Jaaliyada Sweden, Jaaliyada Norway, Jaaliyada Holland, Dawlada Canada, iyo qaar kale oo badan, wuxuba way soo dhaweeyeen heshiiski lagu kala saxiixday dalka Jabuuti ee u dhexeeyay Isbahaysiga iyo DFKMG.

SomaliLand iyo Mucaaradka oo heshiisyo wada gaadhay

Somaliland iyo mucaaradkeeda oo baryahan danbe jahwareer iyo dhibaato ku wajahan doorashada dalkaasi lasoo daristay ayaa iyaguna gaadhay heshiiskii ugu danbaynta ahaa ka dib markii ay soo jiitantay dhibaatada ka dhex aloosantay mucaaradka iyo Somaliland.

Heshiiska oo si rasmi ah u saxiixeen mas'uuliyiin ka socday dhinacyada Dowladda Somaliland iyo labadda xisbi ee mucaaradka kalana ah Kulmiye iyo Ucid ayaa waxa uu ku saabsan yahay sideed qodob oo uu ugu muhiimsan yahay xilliga la qabanayo doorashooyinka deegaanada hoose iyo kuwa madaxtinimada oo ay horey isugu khilaafsanaayeen Dowladda iyo mucaaradka.

Hotel Mansoor ayaana lagu qabtay xaflada ay ku heshiiyeen mucaaradka iyo Somaliland, waxaana isugu yimi dhamaan xisbiyada Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka, iyo aqoonyahano kale oo ku sugnaa caasimada Hargeysa.

Dadkii lagu sharfay xafladan ee ka soo qayb galay waxaa ka mid ahaa; Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, wefti ka socda safaaradaha Ingiriisku ku leeyahay Itoobiya, Kiiniya iyo Yemen oo booqasho dalka ku joogay iyaguna, Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ku sugan, Masuuliyiin kale oo ka tirsan saddexda xisbi qaran iyo martisharaf kale oo caan ka ah dalka Somaliland.

Heshiiski lakala saxiixday, dhinaca xisbiga Udub waxaa u saxiixay Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Udub ee la yidhaah Axmed Yuusuf Yaasin, ahna madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Dhinaca xibiga Kulmiyana waxaa u saxiixay Gudoomiye ku xigeenka Muuse Biixi Cabdi. Dhianaca xibiga Ucidna waxaa u saxiixay Guddomiyaha rasmiga ah ee Eng. Faysal Cali Waraabe. Dhinaca Guddiga Doorashooyinka oo iyagu markhaati ahaan u fadhiyay meeshana waxa u saxiixay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maxamed Ismaacil (Kabaweyne). Doorashada soo socota ee Somaliland ayaa waxay ku beegan tahay bisha March ee sanadka 2009ka.

Eritrea oo dagaal ku qaaday Jabuuti

Dagaal ka dhex qarxay labada Dawladood ee Jabuuti iyo Eritrea oo afar maalmood socday, ayaa waxaa lagu soo waramaya in uu bilawday dagaalku ka dib markii ay Dawlada Eritrea kusoo xad gudubtay Dawlada Jabuuti.

Dawlada Jabuuti oo iyaduna is difaacaysay, iyadoo kaashanaysa Dawlada ay saaxiibka yihiin ee Frace ayaa waxaa la sheegay in ay soo qabqabatay askar fara badan oo ilaa ku dhawaad 200 oo askari ah oo ka tirsan Dawlada ay isku kacsan yihiin ee Eritrea.
Dadaalo fara badan ayay Dowlada Jabuuti waday taasoo beesha caalamka iyo QM kaga codsaneysay inay wax ka qabato arrintan xadka labada dal ka dhex aloosan, iyadoo Eritrea ay iska dhaga tirtay ka jawaabista eedeynta Jabuuti ugu imaaneysay.

Dawlada Eritrea ayaa lagu soo warinaya in ay rasaasta bilawday, iyaduu marmarsiiyo ka dhigatay in ay rasaasaynaysay ciidamo kale oo Eritriyaan ah oo kasoo baxsaday Dawladooda.

Ciidamada Dawlada Jabuuti inta ku naf wayday waxaa la sheegaya in ay yihiin 10 askari, halka dhaawucu yahay in ka badan lixdan, laakin iyaguna waxaa jira askar kale oo tiro badan oo usu soo dhiibaya ciidamada Jabuuti.

Jabuuti ayaa ku tilmaamtay in ay Eritrea wado daandaasi, balse Dawlada Jabuuti waxay sheegtay in ay la dagaalami doonto Ertrea, hadii aysan joojin daandaasigan ay ku wado.
Waxaa kaloo la tilmaamay in ay Dawladaha France, iyo USA ay soo garab istaagi doonaan Jabuuti, maada ay ku leeyihiin halkaas saldhigyo iyaga u gaar ah.

Meles Zenewi ayaa isaguna sheegay in uu hadii dagaalku sii xoogaysto uu soo garab istaagi doono walaalahooda Jabuuti, maada ay Dawlada Itoobiya ciil u qabto Eritrea, waa suurto gal in ay Itoobiyana dagaalka kasoo qayb gasho, iyadoo soo garab istaagaysa Jabuuti.

Labada Dawladood Jabuuti iyo Eritrea ayaa markii ugu horreysay tan iyo dirirtii dhexmartay 1966kii uu dagaal culus ka dhex qarxay gelinkii dambe ee Salaasadii, kadib markii ciidammada labada dal oo isku horfadhiyey xuduudka u dhexeeya ay xiisad colaadeed oo kulul ka dhex aloosantay waqti hadda laga joogo laba bilood.
Diblomaasi Mareykan ah oo QM u jooga Aleyandro Walff ayaa sheegay Eritrea in ay diiday dadaal dhexdhexaadin ah oo laga dhex sameeyo labada Dawladood (Eritrea & Jabuuti).

Madaxweynaha Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa subaxnimadii hore ee shalay uu booqday qaar ka tirsan ciidammadiisa ku dhaawacmay dagaalka labada maalmood socday oo la geeyey cusbitaal ku yaal caasimadda Jabuuti, waxaana ku daawaynayay dhakhaatiirta Franceska e ku sugan Jabuuti oo iyagu dawr wayn ka qaatay badbaadinta ciidamada kusoo dhaawacmay dagaalka.

"Haba yaraatee ma jiro wax dagaal ama weerar ah oo ciidammadayadu ku qaadeen kuwa Jabuuti, qorshaha daandaansiga ah ee Dawladda Jabuuti u qorshaynayso Eritrea-na waa mid dunida oo dhammi ka wada warqabto." Sidaa waxaa tidhi Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Eritrea.

QM ayaa canbaarayn xoog leh usoo jeediyay Dawlada Eritrea, ka dib markii ay si badheeh leh dagaal gaadmo ah ugu qaaday Dawlada la dariska ah ee Jabuuti.

Muqdisho oo dagaalo xoogani ka dhaceen

Heshiiski ay gaadheen DFKMG iyo Isbahaysigu ka dib, waxaa isla markiiba la duqeeyay suuqa Muqdisho ugu wayn ee Bakaaaraha, ilaa 6 qof way ku naf waayeen, dhaawucuna 30 qof wuu gaadhayay.

Hadana shalay ayaa wariyayaasha ku sugan Muqdisho sheegayan in uu dagaal xoogani ka bilawday meelo ka mid ah Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyle Bariise oo ka tirsan caasimada oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, khasaaro, naf iyo maalba lagu waayay.

Dagaalkan oo madaafiicda iyo rasaasta la isugu adeegsanayo laga maqlayay xaafado ka fog halka ay ka dhacayeen iska hor imaadyadu ayaa waxaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac isu adeegsanayaan ay waxyeello u geysteen dad rayid ah oo aan ahayn labada dhinac ee uu dagaalka dhexmaray.

Dagaalkan oo ay iskaga soo horjeedaan kooxaha ku kacsan joogitaanka ciidamad Itoobiyaanka ah iyo DFKMG oo kaashanaysa ciidamada Itoobiya, ayaa lagu soo waramaya in uu burbur u gaystay skool isagu u dhawaa meesha dagaalku ka socday, balse ardaydii halkaas ku sugna wax dhibaato ah may soo gaadhin.
Muqdisho oo colaad saxiib laheyd ayaa la dhihi karaa dagaaladii bilaawday 2006 in ay yihiin kuwii ugu xumaa ee soomara ebed iyadoona Muqdisho intabadan laga qaxay dadkiina ay ku hoos nool yihiin sidii Dugaagii Geedo hoostood.

Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaceen madaafiic loo qaybinayey magaaladda Xamar, waloow aan la ogeyn qasaaraha uu sababay, mana jirto cid sheegatey mas’uuliyadda dagaalka galabta ka dhacay deegaanadaas kala duwan.

Sidoo kale manta ayaa dagaal kan la mid ah lagu qaaday, ciidamada Itoobiyaanka ee deggan deegaanada manta uu ka dhacay dagaalka, inkastoo dagaalkaas ay sheegteen ineey ka danbeeyeen maxkamadaha islaamiga.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ku eedeeyay Isbahasyiga in ay jabiyeen qodobkii ahaa xabad joojinta ee ay ku saxiixeen dalka Jabuuti wuxuuna yidhi Maxamed Dheere ;Kuwa Isbaheysiga isku sheegaya xabad joojintii ay Jabuuti ku saxiixeen waa jebiyeen, weli waa sii wadaan.

Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS