SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Hogaamiyayaasha IGAD oo sheegay in ay sameyn doonaan hab lagu cirib tiraayo kor u kacida sicirka Cuntada

Hogaamiyayaasha IGAD oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dalka Kiinya Mwai kibaki ayaa waxa aay ka dhawaajiyeen in aay soo dajin doonaan hab lagu xalinaayo kor u kacida sicirka cunada ayaga oo sheegay in ay sameyn doonaan wax soo saar cuno joogto ah.

arrintaani oo ay oga dhawaaqeen hogaamiyayaasha IGAD shirkii laba iyo tobnaad ee madaxda IGAD iyo dowaladahaba kaas oo lagu qabtay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa waxa ay sheegeen in caalamka ay soo wajahday cuna yari sidaasi daraadeedna ay dhamaan dowladaha IGAD diirasada saari doonaan qorshooyin wakhti dhaw ah iyo kuwaa dheerba sidii loo horumarin lahaa beerida, beeraleeydana lagu dhiira galin lahaa wax soo saar.

si kastaba ha ahaatee waxa ay isla meel dhigeen in dowladaha xubnaha ka ah IGAD ay samaystaan qorshayaal dhamaystiran taas oo ah wada shaqayn iyo sidii loo samayn lahaa qorsho la tacaalo arrimaha dag daga ah ayaga oo isug baaqay in warbixinada cunada ay isla socodsiiyaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa waxa uu shirkii madaxda ee IGAD ayaa waxa uu sheegay in dowlada wadaaga ah ee la dhisay ay guul wayn soo hooyn karto ayna diirada saarayso sidii midnimo qaran ay bulshada dhaxdeeda u samayn doonto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka soomaaliya iyo Suudaan Ka jiro waxaana uu ka codsaday wadamada Benin, Ghana iyo Nigeria in ay ciidamo u diraan soomaaliya si ay u xoojiyaan kuwa haatan joogo ee AMISOM.

Qaar ka tirsan hogaamiyayaasha Gobolka Dhexe ee Dalka Kiinya ayaa waxa ay aad oga soo horjeesteen si xoogan in Ra'iisul wasaare Raila Odinga in laga dhigo oday Qabiilka Kikuyada ka mid ah.

Garissa 14 June 2008

hogaamiyayaasha gobolka dhexe ee Dalka Kiinya ayaa waxa ay cambaarayn u soo jeediyeen kuwa hogaaminaayo arrintaasi oo ay ku tilmaameen inaay yihiin dad raadinaayo mustaqbal siyaasadeed.

Xeer ilaaliyihii hore ee Dalka Kiinya Charles Njonjo iyo Peter Kuguru ayaa ayaga u ololeeynaayo in Ra'iisul Wasaare Raila Odinga uu noqdo oday Kikuyo balse siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Dhexe ee Dalka Kiinya aay tibaaxeen in aan la isku soo darin Arrimaha siyaasada iyo kuwa dhaqanka.

hogaamiyayaasha ayaa waxa aay intaa ku dareen in dadka ku taageersan Raila arrintaasi inaay yihiin kuwa damac wayn iyo abaalmarin sugaayo sanadka labada kun iyo labada. kuwaas oo ka baqaya in uu Doorashada 2012-ka ka dhici doonta Dalka Kiinya in uu ku guulaysto Ra'iisul Wasaare Raila Odinga

Raiisul wasaare Raila Odinga ayaa maanta waxa uu joogay magaalada Nyeri asiga oo ka qayb qaatay xaflada lagu gaynaayay halkaasi Bishop Peter Kairu si uu u noqdo Archibishopka kaniisada Nyeri.

Raiiisul wasaaraha ayaanan wali xaqiijinin in xaflada looga dhigaayo duq kikuuya ah inuu ka qayb gali doono iyo in kale ayada oo la qorsheynaayo in ay dhacdo labaatanka bisha July laguna qabto magaalada Nyeri.

Eng. Mohamed Isse (Malaysia) Garissa Tel: 254723834419
malesia73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS