SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Afhayeen u hadlay Golaha Maxkamadaha Islaamka oo shaaca ka qaaday in Sarkaal Xigeen Itoobiyaan ah iyo sidoo kale Ciidamo ka soo goostay Dowladda FKMG iyo Gawaari dagaal ay ku soo biireen xoogagooda...



Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley ayaa Arbaca (Jun 11, 2008) sheegay in askari ka tirsan ciidanka Ethiopia iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah iyo Gaadiid dagaal ay isu soo dhiibeen dhinaca Maxkamadaha islaamka.

Sheekh Maxamuud Sheekh Ibraahim Suuley Af-hayeenka oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay khadka taleefanka ayaa shaaca ka qaaday in Askariga Itoobiyaanka ah ee dhankooda isu soo dhiibay uu yahay Sarkaal xigeen ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee ka howlgali jiray gudaha Soomaaliya.



Sidoo kale Afhayeenka Maxkamadaha ayaa in sababaha sarkaal xigeenkaas uu dhankooda isu soo dhiibay ay tahay, isagoo u dul qaadan waayay dhibaatada loo geysanayo Ciidamada Itoobiyaanka waa sida uu hadalka u dhigaye, sidoo kale wuxuu sheegay askarigaasi inuu u ka danqaday dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyed .



Afhayeenku waxuu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa si wata in Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo wata gaadiid dagaal ay ku soo bireen , isla markaana si weyn ay u soo dhoweeyeen, isagoo sheegay inay kafaala qaadi doonaan askartii isu soo dhiibto ayna ula dhaqmi doonaan si wanaagsan.

Majiraan dhanka ciidamada dowlada FKMG iyo kuwa Ethiopia wax war ah oo ku saabsan arinta askarigaa oo ka soo baxay iyo sheegashada Maxkamadaha ee ku aadan ciidamo ka goostay oo u galay Dhinaca Maxkamadaha.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS