SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOLAHA MIDNIMADA SOOMALI WEYN
London-UK, 9/06/2008

UJ: CANBAAREYN DUQAYNTII SUUQA BAKAARAHA & XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED EE ITOOBIYA


KU: Xoghayaha Qaramida Midoobay Ban ki-moon
KU: Dhammaan ururada caalamiga ah iyo gobaleedka ee UN’ta, EU,AU, Arab League, OIC,-----,--
KU: Dhammaan dowladaha iyo diblomaasiyiinta aduunka
KU: Dhammaan hay’adaha xuquuqul-Insaanka & qalabka warbaahinta dunida.

Golaha Midnimada Soomaliweyn wuxuu si kulul u canbaareynayaa duqayntii ciidamada Itoobiya ay u gaysteen suuqa weyn ee Bakaaraha, isla markaana ay ku xasuuqeen shacab rayad ah oo halkaas ku sugnaa 8/6/08. Sida laga warqabo waxaa ku geeriyooday falkan cadowtinimada ah dad kor u dhaafaya 20 ruux, isla markaana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 100 ruux oo isugu jira caruur, dumar, waayeel iyo dad rayad ah oon waxba galabsanin. Falalkan waxshinimada ah ee ay kula kaceen ciidamada Itoobiya dadka Soomaaliyeed waa mid joogta ah tan iyo dhamaadkii 2006 oo ay ciidamadaasi soo galeen magaalo madaxda dalka, isla markaana ay dileen dad lagu qiyaasayo 10,000 oo ruux, dhaawaceena intaas 4-5 jibaarkeeda, barakiciyeena in ka badan 1,500000 oo ruux.

Haddaba Golaha Midnimada Soomaaliweyn wuxuu si adag u canbaareynayaa xasuuqan ka dhacay suuqa Bakaaraha oo halbowla u ah nolasha dadweynaha Soomaaliyeed, isla markaana goluhu wuxuu u tacsiyaynayaa eheladii & asaxaabtii ay dadkaasi ka geeriyoodeen iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii wuxuu goluhu ka codsanayaa UN’ta , ururada caalamiga ah, dowladaha iyo hay’adaha kor ku xusan in la canbaareeyo xasuuqa Itoobiya ay ku hayso dadka Soomaaliyeed, isla markaana si deg deg ah looga saaro ciidamadeeda dalka Soomaaliya.


XAFIISKA WARBAAHINTA & QORAALADA GOLAHA MIDNIMADA SOOMAALI WEYN, LONDON-UK, 09/06/08

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2008

Duqeyn Xoog leh oo loo Geystey Suuqa Bakaaraha

Munaasabad Tacsi loogu dhigay wariye Nasteex Dahir oo ay wariyaasha dibad jooga ah ee Magaalada Nairobi ku sugan ay Hotel Barakaat isugu yimaadeen.. Akhri..

Meydadka dad rayid ah ayaa Axadii daadsanaa xaafadaha lagu dagaalamayo - Jun 8

oilWarar is Khilaafsan oo ka soo baxay Somaliland iyo Puntland oo ku Saabsan Ajaanib Laga Qabtay Aagga Laasqoray...

C/Shakuur Cali Mire oo Cambaareeyey Dilka Weriye Naxteex Daahir Faarax.

 

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS