SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Duqeyn Xoog leh oo loo geystey Suuqa Bakaaraha

(Jun 8,2008) - Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka bilowdey dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horheeda , dagaalkan ayaa bilwdey markii Ciidamada Itoobiya isku soo fidiyeen Aaga Geed Jacay ee wadada wadnaha iyo Aaga laba dhagax ee wadada Soddonka waxaan dagaal kaas markii hore uu ku bilowey Xabado Goos Goos ah ka dib waxaa bilowdey Madaafiic sidii roobka u dayey waxaana si aad ah loo duqeeyey Suqqa Bakaaha oo maalmahnm si aad ah u degenaa waxaana degenaanshahaas Gacan ka geystey Ganacsatada Suuqa iyo Dowladda uu hogaamiyo Nuur Cadde.

Madaafiicda ayaa lagu waramey in ay geysteen khasaarooyin isugu jira Dhimasho , Dhaawax iyo weliba Burbur haniyeed waxaana la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen ilaa 20 qof waxaana ku dhaawacmey ilaa 70 qof oo u badnaa dad rayid ah ka ganacsanyey suuqa Bakaaraha sidoo kale waxaa Khasaaro ka soo gaartey Shirkadaha Isgaarsiinta ee Telsom-Somalia iyo shirkadda Hurmuud waxaana Howada ka maqan labadaas Shirkadood iyo dadka soomaaliyeed ay si aad ah u istimaalayeen Isgaarsiintaas oo ay ka socdeen Xaaladah Jira iyo Fariimo kale.

Ilaa iyo hadda lama garanayo waxaaa keeney in si aad ah loo duqeeyo Suuqa Bakaaraha waxaana Madaafiicda Xoogooda ka soo dhacayeen Xaunta Madaxtooyada oo ku sugan yahay madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda, sidd kale wuxuu ku soo beegmeen Duqeyntaas iyadoo wadahadal uu uga socda Magaalada Jabuuti Dowlada Federaalka iyo Kooxda Mucaaradka ee fadhigeedu uu yahay Magaalada Casmara.

Duqeyntaas saakey loo geyste suuqa Bakaaraha waxay kaloo ku soo beegantey markii Kongareeska Mareykanka uu cod ku ansixiyey in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan soomaaliya waqtina ay qabsadaan waxaana si aad ah u soo dhaweyyey Goaanka Mareykanka ka soo baxay kooxaha Mucaaradka ee wada hadalka kula jira Dowladda Fedraalka oo iyagu doonayey in Marka hore la saaro Ciidamada Itoobiya.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Magalada Kismaayo, waxaa lagu dilay Allaha u naxariistee weriyihii BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga uga soo waramayey Kismaayo, Nasteex Daahir Faarax.

Dilkaasi ayaa la sheegay in ay geysteen kooxo dabley ahaa oo ku hubeysnaa hub gacmeedka loo yaqaano Bastooladaha kuwaasi oo rasaas la beegsaday weriye Nasteex Daahir.

Nasteex ayaa dhaawaciisa durbaba loola deg degay isbitaalka weyn ee magaalada halkaasi oo daqiiqado yar ka gadaal uu ku geeriyooday sida ay howl wadeenada caafimaadka isbitaalkaasi ay xaqiijiyeen.

Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG ah Nuur Xasan Xuseen iyo Wasiirka warfaafinta Axmed Cabdisalaam Aadan ayaa walaac ka muujiyay inay weli socoto ugaarsiga weriyeyaasha Somalia ee hawsha muhiimka ah haya.

Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isna tacsi u diray, isagoo ka digay dilka dadka shacabka ah.

Sidoo kale Midowga Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si caro leh u cambaareeyay dilka caawa magaaladda Kismaayo looga geystay weriye Nasteex Daahir Faarax oo sidoo kale ku xigeynkii guddoomiyaha midowga, iyada oo weriye Nasteex ay ku toogteen dabley caawa Magaaladaasi Kismaayo.

Weriye Nasteex waxaa kale uu u shaqeynayay BBCda iyo wakaaladda wararka ee Reuters waxuuna u dhintay dhaawaciisa 10 daqiiqo ka dib markii la geeyay Cisbitaalka sida ay ku warameen ilo ku sugan magaaladda Kismaayo.
Nasteex ayaa loo doortay ku xigeynka hoggaanka NUSOJ sannadkii 2005-ta mar Muqdishu lagu qabtay kal fadhiga guud ee Midowga suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Sanadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo kordhay dilalka sida tooska ah loola beegsanayo weriyaasha ka howl-gala gudaha dalka Somalia, iyada oo aysan ahayn markii ugu horeysey ee magaalada kismayo lagu dilo wariye.

Cabdikariin Maxamed Jimcaale (muxsin)
muxsin55@hotmail.com
Somalitalk-Nairobi
Tell: +254-727965067

oilWarar is Khilaafsan oo ka soo baxay Somaliland iyo Puntland oo ku Saabsan Ajaanib Laga Qabtay Aagga Laasqoray...
Somaliland:
Labada Ajnebiga ah waa Shiine iyo Carab..
Puntland: Ajaanibtaasi macdan kama baareyn Puntland..
Somaliland: Ajaanibtu jeebabka waxaa ugu jirey dhagxaan
Puntland: Waa kalluumaysato fasax haysta Puntland..
Somaliland: Ciidamo Puntland ayaa bililiqaystay Laasoqray
Puntland: Ciidamo Puntland ayaa Cayrsanayey Ajaanibta..
Somaliland: Ciidamada Puntland dad ayey laayeen...
Puntland: Ajaanibtu hub ayey Soo geliyeen Puntland...
Dadka Degaanka: Somaliland dadka waa lagu wareejiyey
Wararkaas iska-hor imanaya ka akhri halkan....

Faafin: SomaliTalk.com | June 8, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS