SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dilal Dad Rayid ah Oo Kala Gooni Gooni Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Labo Qof Oo Rayid ah ahaa oo Mid kamid ahi Yahay Gancsade ayaa Habeenkii Xalay ahaa Lagu diley deegaano kala duwan oo Kamid ah Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho taasoo aan La Ogayn sababta dhabta ah ee ka dambaysa Dillalkan Qorsheysan Iyo Cida disheyba .

Marxuum Ganacsadaha Ahaa Oo Ku Magac dheeraa Kaytoon oo si weyn Looga yaqaanay Suuqa weyn ee bakaaraha Gaar ahaan Kuwa ka ganacsada Magaalada kismaanyo ayaa la sheegayaa In lagu diley agagaarka Ex Suuqa Siigaale ee Degmada Hodan oo iminka Loo yaqano bermuuda kadib markii la sheegay In lagala degey Gaari Xaajiyad ah maalinimadii shalay Galab Gaabkii isagoo kusii Jeeda Gurigiisa oo ah degmada madiina .

Sida Uu saxaafada U xaqiijyey Goob jooge Magaciisa Qariyey Oo xiligaas la saarnaa Gaariga ayaa sheegay In gaariga Xaajiyada ah oo ay saarnaayeen dad xoogaa ah oo aan Tiro ahaan la cayimin Ay kala degeen marxuumka NIman Ku Hubaysan Baastoolado islamrkaana ay la aadeen Goobaha Bur Bursan ee deegaanka degmada Hodan ee bermuuda islamrkaana la sheegay In la diley Xalay saqdii Dhexe Iyadoo Meydkiisa saaka Laga Helay Aagagaarka Baar Ex- taleex.

Sidoo kale Waxaa Meydka nin kale oo rayid ah Lagu arkay Gudaha Suuqa weyn Ee bakaaraha gaar ahaan Qaybta Sariflaha Gudaha iyadoo aan La aqoonsan Cida ka dambaysa Dilalkan kala Gooni Goonida ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho .

Si kastaba ha ahaatee Maaha markii ugu Horaysay ee Sidan Oo kale Lagu dilo Dad Rayid ah magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Iyadoo Labo maalmood ka Horna Lagu Diley Duleedka suuqa Bakaaraha Gaar ahaan deegaanka Bermuuda Afhayeenkii Ganacsatada Gobolka Banaadir Cabaas maxamed Ducaale

Sekeriye Xaaji Cabdi Oo Ku Tilmaamay Madaxda Ururka Dib U Xoraynta Joogta Jabuuti Inay Khiyameyen Ururka

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Dib U Xoraynta Soomaaliya Sekeriye Xaaji Cabdi ayaa Shaaca ka Qaaday In Madaxda Ururka ee Ku sugan Jabuuti ay galeen khiyaamo Qaran waa siduu Hadalka U dhigaye islamrkaana ay ku talaabsadeen Waxyaalo aan loo baahnayn .

Sakariye Oo khadka Telefoonka Ugu waramayey TV-ga Al Carabiya ayaa ku Nuux Nuuxdsaday In ay jiraan wada Hadal Qarsoodi ah oo ay wada Galeen Safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Jabuuti iyo Madaxda Isbaheysiga gaar ahaan Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoraynta Somaliya Sh, Shariif Sh, Axmed iyo Shariif xasan Sheekh Aadan oo Labaduba Ururka Ku saameeyey Meel ka dhac aad U weyn Waa siduu hadalka U sheegaye

Sidoo kale Gudoomiye Ku xigeenka Ururka Dib U Xoraynta Soomaaliya oo Xiligan Ku sugan Asmara ayaa Intaas Ku daray In madaxdaasi ay ku xad Gudbeen dastuurka U yaala Ururka islasmarkaana Khiyaameeyeen Sharcigii u degsanaa Ururka Dib U Xoraynta soomaaliya .

Dhinaca Kale Sekeriye Xaaji Cabdi oo la weydiiyey Maxaa Cadaynaya In Masuuliyiintaasi la kulmeen Ethiopia ayaa sheegay in Ururku Helay Macluumaad Oranaya Ururka Dib U Xoraynta Oo Wadahadalo Toos ahi dhex mareen Ethiopia Taasina ay Jebinayso Dastuurka Ururka Oo Sheegaya In Ethiopia aan wax wada Hadal ah aan lala gelayn Ilaa Iyo Inta ay Ka Baxayso Dhulka soomaaliya .

Si Kastaba Ha ahaatee hadalkan guddoomiye ku xigeenka Ururka Dib U Xoraynta soomaaliya ayaa Kusoo Beegmaya Xili wakiilka QM u Qaabilsan arimaha Somaliya Axmed walad Cabdala uu sheegay in mar dhow ay Bilaabmi Doonaan Wada Hadal ay Yeeshaan Dhinacyada Isku haya Siyaasada Soomaaliya .

Yaasiin Maxamed Faytin

YaasiinFaytin@hotmail.com

Somalitalk Muqdisho

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS