SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Saxafi cabdinaasir saxansoxo iyo 16 Soomaali ah oo  maxkamad South Africa ku taala xabsiga kasiideysey kadib markii dacwadii loo heystey laga noqdey.

Kadib 13 maalmood oo eey xabsiga ku jireen 17 rag soomaaliyeed ah oo uu ka mid yahay saxafi Cabdinaasir Saxansoxo ayaa June 3, 2008 maxkamad ku taala magaalada Johannesburg xabsiga kasii deeysey kadib markii laga noqdey dacwadii loo heystey oo galkeeda la laabay.

Abaaro 11:30 ayuu xaakim koonfur afrikaan ah maxkamada kaga dhawaaqay in dawlada eey ka noqotey dacwadii loo heystey raggan soomaalida ah ee uu kaa midka yahay faalo qore Cabdinaasir axmed Sh. Bashiir, kana howlgala dhowr ka mid ah qalabka warbaahinta soomaaliya. Ragani Soomaalida ayaa laga qabtay xaafada Soomaalida u baddantahay ee Johannesburg Mayfair, 22 May, goortaas oo eey ka dhaceen rabshado dhagax tuur ah oo Soomaalidu ka samaysay goobta, waxaana ku burburey gaari Police, nin ciidan ahna waa uu ku dhaawacmay, waxyar kadibna waxaa meesha yimid boqolaal ciidan ah ah oo qabqabtay cid kasta oo aaga ka dhaweyd.

Wariye saxansoxo oo aan dabeecad ahaan jecleyn soo duwashada dareenka dadweynaha, badanaana ka fogaada in fagaarayaasha magaciisa lagu hadal hayo, ayaa kalmado kooban kusoo kooban mar wax laga weeydiiyey waxa eey meesha kula kulmeen, wuxuuna yiri “Runtii dhibaato baddan illaah nama tusin, mana jirin wax jir dil ah oo naloo geystey, hase yeeshee dhagahaygu hadalo baddan oo eey dhibsadaan ayay maqlayeen, oo cid kasta ayaa nagu dhago hadlaysay, oo na lahayd “maad dalkiinii aadaan, dalkeena maxaad ka heysaan?. Iyo waxyaalo la mid ah”.

Mudane Cali Saciid oo ka mid ahaa ragii xirnaa ayaa u mahad celiyey doorka ururka jaaliyada soomaalida dalkani (SASA) iyo culumada magaalada iyo dadweynaha soomaaliyeed ee Johannesburg ku dhaqan eey ka qaateen soodeyntooda, wuxuu talaabo soomaalinimo ah ku tilmaamay guddi loo saaray soodeytooda kaas oo howlaha fududeeyey.

Saxafi saxansoxo qalabka warbaahinta soomaaliya ee uu ka howlgalo waxaa ka mid ah, Radio Codka Nabadda, Somalitalk.com, Kismaayonews.com iyo warbaahinta kale ee Soomaaliya oo uu sawiro iyo warbixino siiyo mararka qaar, markii lasoo daayay ayuu sheegey in howlihiisa saxaafadeed durba dib u bilaabi doono, wallow uu sheegey in waxyaalo baddan oo muhiim ahh eey seegeyn intii uu xidhnaa, wuxuu u mahadceliyey dhamaan saxafiyiintii isku howshay soo deyntiisa amaba kana murugootay, waxaa ka mid ah Cumar Teacher (radio codka nabadda),C/qaadir Dhaqane Axad (Radio Shabelle), Xaaji Tahriib (Radio Horn Afrik), C/laahi Xaaji Xuduu (Waagacusub), C/laahi Xuseen Maaryaa (Maaryaa.net), Xassan Yeey (Calanka.com), Maxamed Ismaaciil (Jarati.net),Maxamed Cali (somalitalk.com), Haruun Macruuf (VOA), Cabdirizaaq Xaaji Catoosh (BBC), Ismaaciil Cabdi Taxte (Reuters), Xadith Xaaji Aadan (Kismaayonews.com), iyo asxaab kale oo farabaddan oo aan halkaan magacyadooda lagu soo koobi Karin..

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS