SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ergadii Isbahaysiga oo ka baxay shirkii Jabuuti.

Ergadii ka socotay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya si ay kulamo ula yeeshaan QM iyo DFKMG ayaa ayaamahan shir u joogay magaaladaasi Jabuuti ee wadanka Jabuuti.

Iyagoo ilaa 3 shir ku qabtay balse natiijadoodi la gaadhi waayay, ayaa shir maanta (June 4, 2008) lagu balansanaa oo la is lahaa labada dhinac iskaga hor keena, ayaa isagu fashilmay maanta ka dib markii uu soo fadhiistay Safiirka Ethiopia u jooga dalka Jabuuti.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu ah madaxa kooxda Isbahaysiga ee joogta Jabuuti ayaa isagu ku andacooday in Safiirka laga saaro Shirka si wada hadaladu usii socdaan, balse arrintaasi way suurtoobi wayday maadama ay QM hoosta ku wadato Ethiopia. Cabdiraxmaan wuxuu kaloo intaa ku daray in uu shirkani fashilmay.

Safiirkaas Itoobiyaanka ah ayaa waxaa lagu tilmaami karaa in uu isagu ka masuulka yahay qaska iyo jahwareerka meesha ka dhacay, maadama ay Isbahaysigu sheegeen in aysan meesha u iman in ay isa soo hor fadhiistaan Saraakiil Itoobiyaan ah, oo aanay u dulqaadan karin in uu goobta shirka soo fadhiisto.

Ahmadou Ould-Abdalla ayaa ugu baaqay Isbahaysiga in ay xaalada dajiyaan oo ay kusoo noqdaan madasha shirka, balse Isbahaysigu arrintaas ma suurto galin in laga dhaadhiciyo, waxay si xun u canbaareeyeen Safiirkaas Itoobiyaanka ah waxaanay sheegeen in aysan waligood wada fadhiisan doonin Safiir Itoobiyaan ah, maadama ay Itoobiya ka wado xasuuq iyo barakicin dalka Somaliya.

Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil oo isagu ka mid ah kooxda ka socota DFKMG ayaa ku tilmaamay in Isbahaysigu aanu nabad iyo xasilooni dalka ka dhacda u diyaar ahayn, sidaas darteedna aysan u diyaar ahayn shir iyo wada hadal ay nala sameeyaan, hadaanu nahay DFKMG. Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil wuxuu kaloo taageeray Safiirka Itoobiyaanka ah ka dib markii uu soo fadhiistay madasha shirka.

Wafdi tiro yar ka kooban oo uu hogaaminayo Ahmadou Ould-Abdalla ayaa kusii jeeda Hotelka ay Isbahaysigu degen yihiin, si ay ula soo hadlaan wixii dhibaato ahna laga xaal mariyo.

Hotelkan oo ay kuwada jiraan dhamaan Ergada Isbahasyiga iyo DFKMG, ayaa waxaa lasoo xaqiijiyay in uu Cabdilaahi Yuusuf lasoo dajiyay qolal (rooms) u dhaw qolalka ay ku jiraan Isbahaysigu, ka dib markii ay ogaadeen in qolalka ku xigaa uu degen yahay Cabdilaahi Yuusuf, ay goosteen in ay Hotelka iska guuraan, balse qolal kale oo ku yaalay Hotelka meel kale looga raadiyay, halkasna ay imika ku nool yihiin. Halkaa waxaa ka cad in aysan haba yaraate wax saaxiibtinimo ahi aysan ka dhaxayn Dawlada.

DFKMG oo iyadu xidhan shaadh Itoobiyaan ah, iyo Itoobiyaan xidhan shaadh QM ayaa ah meesha kaliyah ee wali la isku maandhaafsan yahay maadama uu Cabdillahi Yuusuf sheegay in hadii ay ciidamada Itoobiyaanka ahi baxaan, ay Dawladiisu dhacayso.

Abdikarim Ahmed Huseen.
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom

Faafin: SomaliTalk.com | June 4, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS