SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Siminaar Caafimaad oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda WHO oo lagu soo gabagabeeyay Isbitaalka Marka


Siminaar socday muddo affar maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeyay holka tababarada ee Marxuum Istarliin Cabdi Caruush oo ku yaala isbitaalka Degmada Marka.

Siminaarkan waxaa soo qaban qaabiyay Laanta caafimaadka adduunka ee Qaramada middobay WHO ee fadhigeedu yahay magaalada marka waxaana gacan ka geystay Hay’adda COSV iyo wasaradda caafimaadka ee dowlada federaalka soomaaliya waxaana ka qayb galay 47 ruux oo ka kala yimid goobo kala duwan sida MCH yada xarumaha caafimaadka ee sida gaarka loo leeyahay iyo isbitaalada gobolka oo dhan.

ka qayb galeyaasha ee siminaarkan waxay kaga faa’ideysteen ogaanshaha iyo ka jawaabida cudurada guud ee gobolka ka jira ( Early warning and responding) iyadoo oo isugu jira qaybo qoraalo ah iyo baraatiko.

Siminaarkan ayaa dhinaca daruusta bixinaayay quburo caafimaad oo aqoon durugsan uleh howlaha caafimaadka dhalashadooduna ka soo jeeda Dalalka Masar, Sirilanka iyo Soomaaliya.

Gabaabdii siminaarka waxaa ka hadlay Dr. Sheekh Xasan Maxamuud oo ah wakiila hay’adda WHO ee gobolka iyo Dr. Maxamed Cali Fuji oo sheegay inay ay wadi donaan siminaarada caafimaad ee lagu kordhinaayo aqoonta kalkaaliyasha caafimaadka, madaama gobolada soomaaliya aysan lahayn kuliyad caafimaad marka laga reebo magaalo madaxda soomaaliya ee Mogadishu.

Sidoo kale waxaa gabagabadii ka hadlay guddomiyaha gobolka Dr. C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur oo u mahadceliyay qabiirada daruusta bixinayay iyo Hayadda WHO aqoonta ay ku kordhiyeen kalkaaliyasha caafimaadka wuxuuna ku booriyay in ay gaarsiyaan waxyaabihii ay kaga faa’ideysteen siminaarkan ay gaarsiyaan bulshada soomaaliyeed oo ay baahiweyn ay u qabaan siminaarkan ayaa wuxuu qayb ka yahay kor u qaadista caafimaadka bulshada soomaaliyeed ee masiibadu dhibaateysay.


Waxaa soo diyaariyay Wariye Cusmaan Amrika
Email: osmanameriko@hotmail.com

qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2


Nin Soomali ah oo Minnesota laga la’aa oo meydkiisii laga helay webiga Mississippi, USA....

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS