SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


WARARKII UGU DAMBEEYAY EE SHIRKII JABUUTI

Iyadoo aysan weli si rasmi ah isku horfariisan DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ayaa haddana waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ay qaarkood sheegayaan in weli la isku afgaran la’yahay qaabka ay isku horfariisanayaan labada dhinac.

Siminaar la doonayay in loo furo Dowladda federaalka, Bulshada Rayidka iyo Isbahaysiga dib u xogeynta Somalia ayaa waxaa ka baxay shirkaas mucaaradka, kaddib markii ay sheegeen inaysan u imaan jabuuti inay ka qaybgalaan shirka, waxaase dhacday in kooxihii ka socday bulshada rayidka ay iyaguna ka baxaan shirkaas, kaddib markii iyaguna ay sheegeen inaysan hal dhinac ka fariisanayn.

      Arrintaan ayaa waxay walwal ku abuurtay guddiga qabanqaabada Qaramada Midoobay ee shirkaas ee uu horkacayo Axmed Colaad Cabdalla, wuxuuna sheegay mar uu qabtay shir jara’id in dhinacooda uu ka yimid khaladka waxaana la isku afgartay in siminaarka dib la isugu soo laabto lagana hadlo tacadiya Ethiopia ay ka geysatay Somalia.

      Hase ahaatee, waxaa laga yabaa in Dowladda federaalka ay iyaduna markeeda ka baxdo shirkaas, oo iyagu diidan inaanba la soo hadal qaadin waxa ay geysteen ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha dalka Somalia, waana caqabadii koowaad ee shirkaas soo wajahda.

      Sidoo kale wararka ka imaanaya Jabuuti waxay sheegayaan in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ay boorsooyinkooda ka qaateen Hotelkii ay daganaayeen kaddib markii hoteelkaas lasoo dajiyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, taasoo ay si weyn uga caroodeen labada Shariif kuna tilmaameen in Qarammada Midoobay weli ay waddo caqabadaha uu ku burburi karo shirka dib u heshiisiinta, waxaana labada Shariif ay dageen Hotelka Imperial oo ay horay u daganaayeen kana raqiisisan hotelka Campesi.

      Dalka Jabuuti ayaa waxaa gaaray wafdigii ka socday Qarmmada Midoobay oo ahaa wafdi si aad ah loo sugayay ayna hoggaaminayeen safiirrada England iyo South Africa u fadhiya UN-ka, waxayna markiiba shir la galeen wafdiga uu hoggaaminayo C/llaahi Yuusuf Axmed, kaasoo looga hadlay arrimo la xiriira gargaarka Qarammada Midoobay iyo shirka dib u heshiisiinta iyo mowqifka DFKMG ah ee shikaas.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay la kulmaan dhanka kale ee uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha Isbahaysiga, waxayna u gudbin doonaan wafdiga mowqifkooda ku aaddan shirka dib u heshiisiinta.

      Wafdiga QM ayaa waxay sidoo kale la kulmi doonaan bulshada rayidka oo ka kala yimid gobollada dalka Somalia oo iyaguna laga dhageysan doono sida ay u arkaan shirka dib u heshiisiinta iyo xaaladaha aadamnimo ee Somalia, waxaaan afhayeen u hadlay Bulshada rayidka uu sheegay inay xoogga saari doonaan sidii maxkamad loo soo taagi lahaa shaqsiyaadkii dambiyada dagaal ka galay Somalia, ha noqoto DFKMG ah, Ciidamada Ethiopia iyo kooxaha kasoo horjeeda.

      Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur ayaa shirkaas ku tilmaamay mid aan khuseyn ururkooda, isla markaana uu yahay mid ay isugu tageen cadowga ALLE iyo cadowga Somalia.

      “Culummada ka qaybgalaysa shirka waa kuwo doonaya inay raalligeliyaan gaalada, isal markaana aan loogu yeerin magaca argagaxiso” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar oo sheegay inay sii wadayaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada Ethiopia iyo kooxaha dabadhilifka u ah.

      Ragga siyaasadda u kuurgala ayaa ayaa waxay rajo xumo ka muujinayaan shirkaas, waayo Sheekh Shariif iyo kooxdiisa waxay doonayaan inay marka hore meel la saaro ciidamada Ethiopia inay ka baxaan Somalia, in maxkamad lasoo taago dadkii tacadiyada ka geystay Somalia iyo in Somalia loo madaxbanaaneeyo arrimahooda.

      Kooxda DFKMG ah ayaa iyaguna waxay wataan shuruudo ay ka mid yihiin: in la raaco dastuurka u dagsan Dowladda laguna soo dhisay shirkii Mbagathi, in ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ay noqdaan kuwo badala ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, sidoo kalena ciidamada iyaguna ay qayb ka qaataan ciidamada Koofiyad Buluugta ee Qarammada Midoobay, inaan laga gorgortami Karin jagooyinka sarsare ee dowladda sida Madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, balse wixii kale ay Dowladdu diyaar u tahay aqbalaadooda.

      Isku soo wada duuboo, waxaan ogaan doonnaan halka uu ku dambeeyo shirkaas oo socoda doona muddo 15-casho ah, iyadoo wafdiga QM ka socda iyana ay wataan qorshayaal ah in labada dhinac lagu cadaadiyo inay qaataan wixii go’aanno ah ee ay gaaraan.

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2


Nin Soomali ah oo Minnesota laga la’aa oo meydkiisii laga helay webiga Mississippi, USA....

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS