SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo
29 July 2008.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Dhexe iyo Taliska Qaybta Duufaan
Mucaaradka Soomaaliya oo sii kala fogaaday.
Falanqaynta riwaayad cusub(Damane yaa wax usheega) oo ay soo wadaan-

ururka isku xidhka dhalinyarada Ogadenya ee magaalada Sandiego ee U.S.A


======================

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha


Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala duwan iyo dhac u gaystay dadwayne rayad ah oo ku kala sugan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, sida uu noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya.

25/07/08 magaalada Yucub waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 40 Neef oo Adhi ah oo dadwaynuhu lahaa.

20/07/08 magaalada Qorile waxay ciidammada gumaysigu ka soo qaqabteen oo Dannood ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Muraayad Xuseen Malow
2- Yuusuf Baynax Cabdille
3- Deeq Baynax Cabdille
4- Xiis Yuusuf Baynax
5- Cabdi-Baashe Yuusuf Baynax
6- Foos Maxamed Cabdi iyo
7- MutayeJaamac-Dheere

Isla 20/07/08 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale ku xidhxidheen dad badan oo ay ka mid yihiin;
1- C/llaahi Daahir
2- Xasan Maxamed Askar
3- C/rashiid Xasan iyo
4- Saafi Kaamil.

18/07/08 magaalada Dannood waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxaamed Kaabe iyo
2- Salaad oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

17/07/08 Qorrati, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil iyo dhac ugu gaysteen dadka kala ah;
1- Yuusuf Daahir Xasan oo ay 1 Qori ka dhaceen
2- Mukhtaar Daahri Xasan oo ay isagana 1 Qori ka dhaceen
3- Qorane Xaashi Cabdi Geeddi oo ay isagana 1 Qori ka dhaceen
4- Sh Mukhtaar Maxamed Boore oo isagana ay 1 Qori ka dhaceen
5- Irshaad Cabdi Cumar Guuleed oo 1 Qori iyo 2500 oo Bir ay ka dhaceen
6- Shukri Sagal Bayr oo 1 Qori 17000 oo Bir ay ka dhaceen iyo
7- Maxamed Nadiir oo isagana ay ka dhaceen hanti aanaan tirakoobkeeda haynin.

16/07/08 magaalada Caado waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Irshaad Guuleed
2- Khadra Maxamed
3- Mukhtaar Xasan Qaarey
4- C/nuur Macalin Carab
5- Cali C/llaahi Weerar iyo
6- C/llaahi Maxamuud Dacay.
10/07/08 Boodhley, oo degmada Sagag ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu hanti kala duwan kaga dhaceen dadwayne rayad ah oo kala ah;
1- Axmed Maxamed oo 300 oo Bir ay ka dhaceen iyo
2- Halab Aaden oo isagana ay 40000 oo Bir ka dhaceen.

Kulan ay yeesheen xubnaha Golaha Dhexe iyo Taliska Qaybta Duufaan


Intii u dhaxaysay 27 – 28/07/08 waxaa kulan yeeshay xubnaha Golaha Dhexe ee dalka gudihiisa ka hawlgala iyo Taliska Qaybta Duufaan ee CWXO, waxaana kulankaas lagu qaadaa-dhigay arrimo badan oo khuseeya halganka Ogaadeenya.

Kulankan waxaa warbixin tifatiran lagaga dhagaystay Taliska Qaybta Duufaan, kaasoo mudanayaasha siiyay warbixin ballaadhan oo la xidhiidha hawlgallada ay Qaybtu fuliso iyo himilooyinka ay higsanayso.

Kulankan waxaa lagu dejiyay qorshayaal millatari oo lagu dar-dar galinayo hawlgallada millatari ee Qaybta Duufaan ay ka fuliso aagga ay ka hawlgasho, iyadoo la isla qiray in guulo waawayn laga soo hoyiyay ciidammada nafaysan ee gumaysiga Itoobiya, balse loo baahan yahay in hawlgallada la sii kordhiyo, si loo soo dedejiyo guulaha la higsanayo.

Kulankan, oo ka mid ahaa kulammada ay sida joogtada xubnaha Golaha Dhexe ula qaataan Talisyada Qaybaha, ayaa guul ku dhammaaday, isla markaana xaqiijiyay ujeeddooyinkii loo qabtay.

Mucaaradka Soomaaliya oo sii kala fogaaday.


Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya ayaa u muuqda inuu kala fogaaday, isla markaana ay adag tahay inuu dib isugu soo noqdo, iyadoo khilaafka u dhexeeya uu gaadhay heer ay sheegaan inaanay dib denbe u wadahadli doonin.

Guddoomiyaha garabka Asamara ee Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya Sh Daahir Aways ayaa isniintii sheegay in garabkiisu aanuu marna la xaajoon doonin garabka heshiiska la galay dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.

Wadaxaajoodku wuu fiicnaan lahaa, laakiin annaga iyo kooxda Jabuuti waxaanu gaadhnay meel aan ka soo laabasho lahayn, sidaas waxaa yidhi Sha Aways oo isniintii warramayay wakaalada wararka ee Reuters. Wuxuu kaloo intaas ku daray in kooxda Jabuuti ayna marna ku soo laaban doonin, si ay Isbahaysiga ugu biiraan.

Sh Daahir Aways ayaa toddobaadkii hore loo doortay inuu guddoomiye ka noqdo Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya, ka dib markii la sheegay in guddoomiyanimadii Isbahaysiga laga eryay Sh Shariif Sh Axmed oo horkacayay garabkii saxiixay heshiiskii Jabuuti, hase yeeshee Sh Shariif ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna sheegay inuu isagu yahay guddoomiyaha sharciga ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmed Ould Cabdalla ayaa isaguna ku gacan saydhay in Shariifka la eryay, isla markaana sheegay in Sh Shariif uu yahay guddoomiyaha ay aqoonsan yihiin
29 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  July 30, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS