SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddomiyaha gobolka hiiraan oo sheegay in itobiya ay gobolkaas ka gesatay xasuuq

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Maxed Axmed oo kumagac dheer (Dhaga-weyne)ayaa maanta shir jaraa’id uu kuqabtay magaalda Nairobi ee dalka Kenya ku eedeeyey ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Hiiraan in ay xasuuqeen haween iyo carruur ayna ku qasbeen kumaan kun oo qof in ay isaga cararaan gobolka Hiiraan .

Dhaga weyne waxa uu intaas kudaray in ilaa iyo hadda uu socdo xasuuqa loo gaysanayo shacabka kudhaqan gobolka Hiiraan halka isaga uu kamid yahay dadkii ka soo baxsaday xasuuqaas waa suu hadalka u dhigee.

Waana markii ugu horeysay ee guddomiyaha gobolka hiiraan uu ku eedenayo ciidamada Ethiopia in ay xasuuq ka geesteen tani iyo intii uu ka soo baxsaday gobolka Hiiraan.

Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamada Ethiopia lagu eedeenayo in xasuuq kageesteen gudaha Somalia .

24 Bishii April ee la soo dhaafay Hay’adda Amnesty International bayaan ay ka soo saartey xaaladaha dagaal ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan dilkii loo geystey dad rayid ah oo ay ku jireen wadaado ka tirsanaa Jameecada Tabliiqa ku eedeysay ciidamada Ethiopia in ay kulugu lahaayeen, waxayna ka dalbatey Xukuumada Itoobiya iyo Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya inay xaqiijiyaan helitaanka gudi madaxbanaan oo baara dilkaasi, isla markaana askari kasta oo ka mid ah ciidamada Itoobiya oo lagu helo dilkaasi ay tahay in si cad bulshada caalamka hortooda loogu qaado ciqaabta uu mudan yahay.

Laakiin xukuumada Itoobiya ayaa si adag carabka ugu dhufatey warka soo yeeray Amnesty oo ku aadan in ciidamada Itoobiya ay ku lug lahaayeen falkaasi lagu laayey dadka rayidka ah.

Maalmahanba waxaa socday Qorshayaal lagu doonayay in xilka looga qaado Gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb, Maxamed dheere.

Sida caawa uu noo xaqiijiyey ku xigeenka Duqa magaaladda Muqdisho xagga arrimaha nabad galyadda waxaa xilkii laga qaaday Guddoomihii gobolka banaadir isla markaana ahaa duqa magaalada Muqdisho,
Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in xilkaas uu siku meel gaar ah u hayn doono Guddoomiye ku xigeenkii duqaas ee xagga arrimaha bulshada Maxamed cusmaan cali dhagaxtuur,

Xilkaqaadista Duqa magaaladda Muqdisho ayaa ka danbeeysay wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Nuur Cadde,

Waxaa jira Xubno isku soo sharaxay qabashada xilka Max'ed Dheere uu hayo kadib marka ay dhacaan doorashooyinka ay sameeyn doonaan golaha deegaanka ee la dhisi doono maadaama ay hada socodaan qorshayaal xilka looga qaadayo Max'ed Dheere.

Horay ayaa waxaa ay xukuumada Ra'isul wasaare Nuur Cadde u shaacisay in ay dhisi doonato golo deegaan oo ay yeeshaan beelaha dega goboka Banaadir sida uu bilo ka hor uu ku waramay Ra'isul wasaare Ku xigeenka Axmed C/salaan Xaaji Aadan.

Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere Ayaa waxaa uu ka mid ahaa xubnaha ugu fir fircoon ee dowlada KMG Soomaaliya waxaana horay dhor masuul oo ka tirsanaa dowlada KMG Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaatay dagaalo fara badan oo ay dowlada la gashay xoogaga Mucaaradka looga qaaday xilalkii ay hayeen

Waxana la sheegeeyaaa in maxamed dheere loo magacaabi doono safiirka soomaliya u fadhiya dalka Mareykanka.

Ciidamada dowlada KMG,kuwa Ethiopia iyo Ciidamada AMISOM oo saakay xiray isgoyska KM4


ciidamada dowlada KMG kuwa itoobiya iyo kuwa AMISOM ayaa saakay waxa ay xireen wadooyinka soo gala KM 4 ayaa baaritaana ka sameeyay wadada dheer ee isku xirta kilo KM 4 iyo madaxtooyada,

ayaa Saakey waaberigii ayaa ciidamada ka tirsan dowlada KGM iyo kuwa itoobiya iyo qaar katrsa ciidamada AMISOM ay xireen wadooyinka soo gala isgooyska KM 4 ee is, ku xira garoonka diyaaradah iyo wadada makh Almukaramah ee aada xarunta Madxtooyada ,

dadka deegaanka,waxaana goobaha ay ciidamadu howlaha miina baarista ka wadeen laga maqlayay Rasaas tel tel ah taasi oo Cabsi galisay dadka ku dhaqan goobaha ay ciidamadu baaritaanka kawadeen ,

Inta badan xiliyada ay Ciidamadu xiraan wadooyinka soo gala KM4 ayaa lagu yiqiinay in Mas’uul ka tirsan dowlada KMG uu baxo ama uu dalka dib ugu soo laabto balse xaaladu saakay waxa ay aheyd howl galo miino baaris ah.

Ciidamadaani ayaa lasheegay ineey ku howlanyiin eloborka Magaalada Muqdisho ilaa iyo madaxtooyada kuwaas oo lasheegay in ay ka wadaan howl miina baaris ah wadooyinkaasi ,waxaana xiranaa howlihii ganacsiga ahaa ee meeshaas,

Howl galada ay sameeyaan ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Ethiopia ayaa saameyn waxa ay ku yeelataan dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Bilka ah ee isaga kala goosha qeybo ka mid ah isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Q/M ayaa sheektay in ku dhawaad 200 oo kun ah oo caruur ah ay qarka usaaran yihiihn in gaajo iyo macluul ay ugu dhintaan soomaaliya ,


Hay’ada UNECEF ee u qaabilsan xaga caruurta barnaamijkeeda ayaa waxa ay sheektay in howla heeda xaga nafaqeenta ay sara u qaaday isla markaasna caruur aad u farabadan ay nafaqadari qaraka u saaranyihiin kuwaas oo ay Hay’adu kutilmaamtay in ku dhawaad 5000 oo carur ah oo dadu 5 sana kayar ay dhibaatooyin haystaan sida warbixin dhawaan ay soosaartay Hay’adu ay ku sheektay waxa ay tilmaamtay in 6 bilood oo lasodhafay
Heerka caruurta dhafaqadarida ay haasana ay sara u kaceen 100 ki iyo 12

Wakiilka Hay’ada UNECEF ee soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay heleen taageero xaga gargaarka caruurta loo fidinayo asigoo tilmaamay in caruur aad u farabadan ay iminka u bahanyihiin in la kordhiyo xaga nafaqada sidii loo qebqadanlahaa ,

Hay’ada Q/ M u qaabilsan xaga caruurta UNECEF waxa ay tilmamday in inta udhaxeysa Afgoye iyo Magaalada Muqdisho, caruur gaareysa 54000 oo kun ka yar dada jiraan 5 ay ku quudiyeen xerooyin ay ku jiraan,
Sidoo kale Hay’adu waxa ay tilmaamtay in 75000 oo kun caruur ah oo dadu si dookale kayaryihiin 5 sana oo xarooyin ku yaala magaaloyinka Boosaaso iyo gaalkacyo nafaqadaro ay ku hayso aydoo Hay’adu gacankageysaneyso si dadkas loo caawinlahaa

Qalalaasaha kataagan dalka soomaaliya ayaa waxa latilmaamay in gooba badan oo dalka soomaliya kamid ah caruur ku nool uu nafaqadaro u keenay waxana Hay’adu Q/M
ay ku qayasee in ku dhawaad 31000 oo dad ah oo ku barakacay deegaanabadan oo dhibaatooyin ay ka jiraan ay keentay in caruurtu ay nafaqadaro hal kas ay u gu dhintaan Hay’ada Q/M u qaabilsan caruurta UNECEF waxa ay sheektay in dilalka loo geysanayo shaqaalaha Q/M ay keeneen in ay hoos u dhacaan sidii gargaar loogu fidinlahaa caruurta soomaliyeed oo ay dhibaatoyinka ay haystaan,

Haweeneey ka mid aheeyd garsoorayasha maxkamada sare ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa xilkeedii iska Casishay.

Haweeneeydani oo lagu magacaabo Luul Max’ed ayaa waxa ay u sheektay in ay guud ahaan ka tanaasushay xilkii ay ka heysay maxkamada Sare ee Dalka oo ay shegtay in ay garsoore ka aheed.

Haweenydani oo ka warameysay wax ku kalifay in ay xilka isaga tagto iyo wax ay ku tala jirto in ay qabato maadama ay sheegtay in ay iska casishay xilkii ay heysay ayaa waxaa ay sheegtay in ay tahay ganacsato isla markaan xiligan wixii ka danbeeya aysan ku tala jirin in wax xil ah ay u qabato dowlada KMG Soomaaliya.

Luul Max’ed Saabit ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay in badan ka soo shaqeeysay maxkamada Sare ee dalka qeeybeheeda kala duwan waxaana ay tilmaamtay in go'aankani ay ku kaliftay kadib markii bishii Jun 21keedii ay dhaawac ugu geeyteen xaafada Xaawo Taako ee degmada Afgooye ee gobolka shabeelada hoose kooxo hubeeysa oo ku waasi oo ay laba xabadood ku dhufteen taasi oo illaa iyo iminka ay la jiifto.

Haweeneeydani ayaa noqoneeysa haweeneey garsoore ah oo sheegtay in ay isaga tagtay xilkii ay heeysay waxaana ay talaabadasi ay qaaday Luul Max'ed Saabit ay ku soo beegmeeysaa xili guud ahaan garsoorayaashii ka tirsanaa maxkamada Degmada Afgooye ay isaga tanaasuleen xilalkii ay ka hayeen maxkamadasi.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gaadiidka Blka ah aysan wax canshuur ah ka qaadi karin wax aan ka aheeyn iskaashatada gaadiidka.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Col C/llaahi Xasan Bariise ayaa waxa uu sheegay in ay sharci daro tahay in gaadiidleeyda laga qaado lacago canshuuro ah marka laga reebo lacagaha ay ka qaadaan iskaashatada gaadiidka ee gobolka Banaadir,

waxaana uu darawalada gaadidka Blka ah ugu baaqay in aysan siinin wax lacago ah askari jidka taagan hadii lagu qasbana ay ku so war galiyaan saraakiisha ciidamada dowlada.

Goobo Fara badan oo ka mid ah gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu arkaa kooxo ku libisan dareeyska Ciidamada kuwaasi oo gaadiidka Blka ah ka qaada Lacago Sharci daro ah taasi oo ay u sii dheertahay rakaabka gaadiidkaasi saaran oo laga dhaco wax ay wataan.

Goobaha lacagaha ay gaadiidka Blka ah uga qaadaan kooxaha ku libisan dareeyska ciidmada dowlada waxaa ka mid ah isgooyska siinaay,Dabka,Jardiinka,Fagax,Juba,Buundada Ansaloti,Ceelgaab, Isgooyska KM4,kuliyada Jaale Siyaad iyo Qeeybo badan oo ka mid ah gobolka Banaadir halkaasi oo aysan jirin cid wax ka qabata marka laga reebo hadalada ay afka ka sheegaan saraakiisha ciidamada dowlada.

Qoxooti ka soo jeeda dalka Ethiopia oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa hay'adaha Samafalka ka dalbaday in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah.

Qaxootigan oo ka soo jeeda dhalasho ahaa dalka Ethiopia isla markaana degna kaam lagu magacaabo shiikh Ciise oo ku yaala degmada Shingani ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la soo dersay xaalad Adga oo dhanka nolosha ah maadama aysan wax kaalmo ah ka helin hay'adaha samafalka sida ay sheegeen.

Qooyskaani oo sanadii sagaashameeyadii ka soo barakacay dalka Ethiopia ayaa sheegay in aysan jirin cid isku taagtay in ay ka daryeesho dhibaatooyinka la soo gudboonaday ee dhanka nolosha sida caafimaadka,waxbarashada iyo cunada waxaana ay dadkani yihiin kuwo isugu jira curyaamiin,waayeelo iyo caruur kuwaasi oo aan heeysan nolol maalmeedkooda caadiga ah.

Dadkani ayaa waxaa si weyn u saameeyay dhibaatooyinka ka dhashay sicir bararka iyo dagaalada ka wada taagan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Qaxootigani oo asalkooda ka soo jeeda qowmiyada Oromada ayaa waxaa ay Hay'adaha Samafalka iyo dadka Soomaaliyeed ka dalbadeen in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah oo lagu samatabixiyo nolosha qooysaskaasi oo qarka u saaran in ay u nafwaayaan dhibaatada heysata.

Waxaana ay qeeylo dhaanta qaxootigani ku soo beegmeeysaa xili qooysas badan oo Soomaali ah ay ku dhibaateeysan yihiin daafaha magaalada Muqdisho.


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 30, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS