Xog-hayaha Warfaafinta ARS Axmed C/llaahi Sh."mar aan ka xoog badanahay nama
soo marin, waxaana mareynaa, xiligii ay ku habooneyd inaan..." Wareysi xiiso
badan
Xog-hayaha Warfaafinta ARS Axmed C/llaahi Sh. Maxamed oo aan kula kulmey Hoteel
Imperial ee Caasimada dalka jabuuti, waxna ka weydiiney waxa ka soo baxay
kalfahigii Golaha dhexe ee ARS, xiriiradii lagu dhex dhexaadinayey khilaafka
is-bahaysiga halka uu marayo, inta xubnood ee ka joogta xubnaha Is-bahaysiga
Asmara iyo caqabada hortaagan heshiiskii Jabuuti lagu gaarey ee lagu balansanaa
in si rasmi ah qalinka loogu duugo, islamarkaana la tago wadanka sacuudiga?
ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaaya wuxuu yiri
kal fadhigaan wuxuu ahaa kalfadhigii caadiga ahaa ee uu Is-bahaysiga yeesho,
inkastoo xiliga lagu balansanaa la soo gudbey duruufo jira awgeedna ay inoo
suurageliweysey inaan qabano, laakiin wuxuu qabsoomey xiligaan, waxaana looga
doodey qiimeynta wax qabadka Is-bahaysiga mudadii uu dhisnaa, Ansixinta
heshiisyada Is-bahaysigu uu soo galey, xeerarka iyo dejinta Qorsho hawleedka
Mustaqbalka, waxaana laysla gartey in ay lagama maarmaan tahay, midnimada iyo
wada shaqeynta Is-bahaysiga, in la sii ambaqaado geedi socodka nabada, xoojinta
muqaawamada, adkeynta iyo horumarinta xiriirka uu la leeyahay ARS wadamada
caalamka ee aynu saaxiibka nahay
S:- xiriiradii lagu dhex dhexaadinayey khilaafka is-bahaysiga halkay marayaan?.
J:-Khilaafku wuxuu ahaa kala duwanaan xaga aragtid ah, waana wax hore u soo
jirey waligiis, wuuna jiridoonaa, laakiin taasi micnaheedu ma ahan, in lagu kala
tegey ujeedooyinkii Is-bahaysiga uu lahaa ee ahayd in laga saaro ciidamada
Ethobia dalka.
S:-ma jiraa wax xal ah oo kale oo lagu dhex dhexaadinayo khilaafka ARS oo
muuqda, islamarkaana laysugu keenayo kala aragti duwanaashaha soo kala dhex
galey xubnaha?
J:- way jiraan, laakiin waxaa lagu dhex shaqeynayaa Qorsho hawleedka guud ee
lagu ansixiyey kalfadhigaan.
S:- hadafka Is-bahaysigu ma wuxuu ku kooban yahay oo keli ah ka saarida
Ciidamada Ethobia, islamarkaana sow uma muuqdo mid gaaban hadafka Is-bahaysiga
oo ku eg meel dhow ?.
J:-hadafkaasi waa hadaf aas aasi ah oo weyn, wax kasta isaga ayey soo hoos
gelayaan sida in Qaranimadii Soomaaliya dib loo soo celiyo, dadka dembiyada
galey sidii loola xisaabtami lahaa, ha ahaado mid shekh-si iyo mid maamulba,
dadka ku waxyeeloobey dagaaladii dalka ka dhacay ee cadowgu u geystey, sidii wax
loogu qaban lahaa.
S:- Imisa xubnood ayey ku leeyihii xubnaha golaha dhexe ee ARS, Maxkamaduhu?.
J :-Qaab dhismeedka Is-bahaysiga waxaa isugu yimid dadd isku Ujeedo ah, xilkii
la qaybsadey iyo hawshiisiina si wadaag ah, ayey kusoo gebagbowdey, waana wax
cad oo muuqda in maxkamadaha Islaamigu ay ahaayeen xooga ugu balaaran ee
mash-ruucaan majaraha u haya.
S:-Wax ma inooga xusi kartaa tirada rasmiga ah ee ka joogta ARS Eriteria
J:-inaan sheego tirada rasmiga ee joogta Asmara, wax micno ah ma sameyneyso, cid
kasta oo joogtana laga ma maarmo.
S:- Maxay tahay caqabada hortaagan in heshiiskii Jabuuti lagu gaarey ee lagu
balansanaa in si rasmi ah qalinka loogu duugo, islamarkaana la tago wadanka
sacuudiga?
J:- Waxay ku xiran tahay, dhinacyada ay khuseyso heshiiska, sida TFG-da, ARS,
Sucuudiga, UN-ka iyo Urur Goboleedyada, marka intaas ay isku xirmaan ayuu
waqtigu ka dambeeyaa inuu dhaco, Is-bahaysiguna wuxuu codsadey inta hawlihiisa u
gaarka ah soo dhameysanayo, in dib loogu dhigo, oo ayna ka mid ahaayeen waxa ka
soo baxa shirkii Sanca iyo kii Kalfadhiga Golaha dhexe, shacabka soomaaliyeedna
waxaan ka codsanayaa inay taageeraan hawlaha nabada.
ugu dambeyn Axmed C/llaahi heshiiskan muxuu idiinku soo kordhinayaa xiligaan,
iyadoo xili aad ka xoog badan tihiin aad diideen heshiis noocaan oo kale?.
J:- Mar aan ka xoog badanahay nama soo marin, waxaana mareynaa, xiligii ay ku
habooneyd inaan siyaasada kaalinteeda siino, xiligii maxkamadaha iyo xiligaan
ciidan ahaan, siyaasad ahaan iyo waci ahaanba hada ayaan ka xoog badanahay.
kaasi wuxuu aahaa Xog-hayaha Warfaafinta Is-baysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya
Axmed C/llaahi Sh. Maxamed oo iigu waramayey Hoteel Imperial ee Caasimada
Jabuuti.
dhamaad
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2008
|