SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shariif Maxamed Siciid “Hogaamiye kooxeedyada Iyagaa u seexdey hoteelo aysan lahayn


Shariif Maxamed Siciid

Shariif Maxamed Siciid oo ka tirsan Baarlamaanka xorta ah, islamarkaana ah xubin Golaha dhexe ee IDS, kana soo jeeda Beelaha Banaadiriga, kuna sugnaa wixii kadambeeyey Laatiin Ameerika, markii Baarlamaanka DFKMG uu u kala jabay, laba sano ka hor oo aan kula kulmey Hoteel Imperial ee Caasimada dalka jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiyey oo aan wax ka weydiiyey ujeedada safarka uu ku yimid jabuuti ayaa wuxuu yiri

“waxaan u imid inaan ka qaybgalo kalfadhiga labaad ee Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, ee ka dhacey jabuuti, si aan fikirkeyga iyo taageero ugu geysto arimaha dibu-heshiinta, maadaama ka beel ahaan aan anagu aaminsaneyn Qori in wax lagu xaliyo xiliyadii hore iyo xiligaan la joogaba, iyadoo aan waliba aan ka shaqeyno nabada, waxa hada dhacaya, guud ahaan Soomaalida ayaa u sabab ah, gaar ahaan Hogaamiye kooxeedayii Soomaaliya, sababtoo ah iyagaa u seexdey Hoteelo aysan lahayn, sida Hoteel, GHION oo ku yaaley Adis Aba’ba, Garaan Rijans oo ku yiiley Nayroobi, Sabca sabca oo ku yiiley Sanca, Mariidiyaan oo ku yiiley Qaahira iyo Tiriboli, dhamaan hoteeladaas ay seexanayeen ka ka soo aruursanayeen Hub iyo dhaqaalo, xiligaasna lama ogeyn cida lagu xureynayo, mar aan mid mid u weydiiyeyna nimankaas cida ay ku ureynayaan, wey ii jawaabi waayeen dhamaantood” ayuu yiri Shariif Maxamed.

Mar uu ka hadlaayey heshiiska jabuuti faa’iidada ku jita ayaa wuxuu yiri “heshiiskan waxaa ku jira qodobo muhiim ah oo door weyn ka ciyaari kara arimaha dibu-heshiisiinta Soomaaliya, sida, dibu-heshiisiinta in laga soo bilaabo Tuulo ilaa iyo Gobol in la gaarsiiyo, kadibna sidii dowlad loo dhisi lahaa loogu gudbo, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa la barakiciyey”.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey khilaafka soo kala dhexgaley Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya sida uu u arko ayaa wuxuu ku sheegey “khilaafku sidaa uma weyna, mabdi’iyan, anagu waxaan leenahay ka bixitaanka Ethobia wadahadal ha lagu bedelo, iyaguna waxay leeyihiin xoog ha looga saaro, midaas ayaana keentey kala qaybsanaanta, waxaana socda rajo weyn oo wadahadal ah”.

Mar aan weydiiyey maxaa idiin qabsoomey xiligii aad kala qaybsanteen Baarlamaanka DFKMG iyo xiligaan la joogo ayaa wuxuu yiri “wax badan ayaa inoo qabsoomey,waxaan la midowney Maxkamadihii Islaamka, Qurbo joogta Soomaaliyeed, Ururadda Bulsha iyo anaga oo Baarlamaanka xorta ah, markii aan ku jirney Baarlamaanka DFKMG,hawlaha nabada oo xiligaas ay naga xayirnaayeen ayaan furney, islamarkaana aan taabaney qiimaha nabada, intii ay jireen Maxkamadaha Islaamiga, mar aan u tegey dadkeyga Muqdisho ku noolaa, islamarkaan ay ii sheegeen, iney heleen nabad lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale mar aan weydiiyey rajo intee la eg ayaad ka qabtaa in la soo celiyo nabadii 6 bilood oo kale ayaa wuxuu ku jawaabey “taasi wey tagtey oo waa la bur buriyey, hadana waxaan wadnaa midi lahu heshiiyey ee ah, in Tuulooyinka laga soo bilaabo, Degmo iyo Gobol, islamarkaana shacabka meeshaas degan Xukunka lagu wareejiyo, ilaa dowlada dhexe oo nidaam Federaal ah laga gaaro.

Maxaad kaga duwan tihiin DFKMG,mar hadii aad sheegtey nidaam federal, waayo iyaduna waxay sheegtaa inay tahay federal?.

Waxaa uu ku jawaabey “DFKMG waxaa lagu soo dhisey nayroobi, waxaana soo dhistey, Dowlado dano gaar ah leh, Federaalkuna wuxuu ahaa mid Afka ku eg,marka hoos loo eego ma ahayn DFKMG, balse waxay ahayd Dowlad Diktatoor oo ay dhisteen Hogaamiye kooxeedyo, ma jiro wax Dastuurka ku qornaa oo ay fulisey, Is-bahaysigu wuxuu ku dadaalayaa inuu u smeeyo Tuulo kasta Maamul.

Mar uu ka hadlaayey heshiiska TFG-da iyo ARS-tu ay wada gaareen ma yahay,mid lagu kalsoonaan karo fulintiisa, waxaa ku jawaabey “heshiiska aan wada gaarney anaga iyo TFG-da iyo ARS-tu, anagu dhinaceena waanu fulineynaa, sababtoo ah Dowladu ma ahan mid caalamku uu wada aqoonsan yahay, laakiin waxa keli ah ee la aqoonsan yahay waa Calanka Soomaaliya, iyaguna waxay isu maleeyaan Dowlad la aqoonsan yahay, waxaana UN-ka ka codsanayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo nabad ilaalin loogu soo diro, ayna ku talo galaan inay waqti dheer joogidoonaan, sababtoo ah 1993-dii shirkii lagu qabtey Adis Ababa, xiligaas waxaa ka Hadley Dr. Raajis oo ma talayey Ururkii SNU, waxaa uuna yiri UN-ka waxaan weydiisaneynaa in ciidamo jooga mudo 8-sano ay noo soo diraan, Raajis xiligaas waa lagu fooriyey, waxaa taagan manta ayaa waxay tahay, mala fulindoonaa hadalkaas mise waa laga tegidoonaa, hadii Taariikhda dib loo eego 1960-kii ilaa iyo xiligaan dalku dhaqaalo ma leh, waxaana soo marey dowlado kala duwan, ilaa iyo xiligaasna waxaan ku jirnaa Tuugsi,inagoo madax banana.

Ugu dambeyn UN-ku sow lama dhihi karo, max miyad ayuu galayaa wadanka, ayaa wuxuu ku jawaabey “maya, sababtoo ah dalka waxay keenayaan dhaqaalo fara badan, waxayna na barayaan sida nabada looga shaqeeyo, wadankuna wuu dhismayaa, waxay keloo na barayaan farsamooyin kala duwan” Ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Shariif Maxamed Siciid

Maxmed macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Jabuuti

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS