SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dalada qaxootiga iyo dadka barakacayaasha gobolka banadir oo shir jaraid ku qabatay xaruntooda Magaalada Muqdisho ,

Consortium for refugee and IDPS IN Banadir region ,

Codad: Halkan ka dhegeyso codad kala duwan (mp3)

Sawiro: Halkan ka daawo Sawiradda....

July 28: Daladaan ayaa waxaa ku midaysanyihiin in ka badan 16 urur oo ay ku bahoobeen qaar ka mid ah kaamamka ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah iyo qaxotiga dalalkooda ka soo hayaamay ee 16ka dagmo gobolaka Banadir waxaana la aasaasay ka dib markii ay soo ifbaxday in loo baahan yahay isku duubni dhex marata xeryaha IDPs ,

xarunta ururkaan ayaa waxaa laga furay xaafada shibis guri ay lahaan jirtay wasaaradii waxbarashada qeyteedii farsamada taas oo ku dhagan coleega noovo somalo halkii lagu magacaabi jiray ee ka so horjeedka bar fiat Magaalada Muqdisho ,

Sh Maxamed Macalin Maxamuud oo ah gudoomiye ku xigeenka dalada qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah ayaa ka hadlay xaalada dagaalada iyo colada ee ka jirta gobolka Banadir ayaa hay.addaha caalamiga ah wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in aysan dowladu ka hadal dadka guryahoodii ka barakcay

Dalada ayaa hada waxaa ay ka la yihiin gudiga iyo xubnaha ku jira sidaan

gudoomiyaha dalada qaxootiga iyo dadka guryahoodii ka barakacay Sh cabdikariin Sh yuusuf (caadlkeey)
Sh Maxamuud Macali Maxamed gudomiye ku xigeen
sh cumar macamlin gaas
adan cabdi yarow
Maxamed adan Xuseen
macalin Axmed CAbdulaahi
Amino Maxamed Cali
Binti Xusen Sh
Maxamed Axmed Cali
Maxamed Cabdi yuusuf
Duwane adan Cali
Ardo Bedel Xuseen
iyo Xalimo Xuseen

Shirka manta ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubkanaha delada oo ay ku jiraan barakacayaal iyo qaxooti iyada oo aad looga dooday sidii lagu heli lahaa dhaqaale lagu fuliyo howlahada baaxada le hee dalada maadaama ay shaqo kasta oo la qabanayo ay u baahan tahay qarash lagu socodsiiyo howlaha inta laga gaarayo heer ay isbixi karto ,

Hadaba gudiga daladaan markii uu dhankasta ka eegay arinta ayaa waxaa la go.aamiyey in xubnaha gudiga ay ay bixiyaan lacag dhan boqol kun sh, Somali ah si ay haba yaraatee wax uun logu qabto waana la meel mriyey arintaa

Dadka Daladaan ku miodoobey ayaa Waxey leeyihiin gudoomiye , kudoomiye ku xigeeno iyo hubno kale oo matala Dalada qaxootiga iyo dadka barakacayaasha gobolka banadir ,

Shirkii manta ayaa waxaa shirguoominayey sh:cabdi sh: cabdikariin sh yuusuf ( caadleey ) wuxuuna ku eedeeyey ha,adaha qaarkood wax is dabamarsiin iyo in ay la leeexdaan cunooyinka loogu deeqay dadka qaxootiga ah iyo kuwa gudaha dalka ku barakacay oo geedaha hoostooda oonka iyo jaagada la jiifay wuxuuna intaa ku daray ,

Gudoomiyaha dadka qaxootiga iyo kuwa barakacayaasha ee gobolka Banadir sh cabdikarinn sh yuusuf oo shirkaa intii uu socday saxaafada la hadlay ayaa intaa ku daray in dadka uu gudoomiyaha u yahay ay qabaan dhibatooyin badan sida macluusha , raashinka , amaanka , waxbarashada , gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax tabarucaad ah oo soo gaaray dadka ku jira xeryaha isla markaana dib loogu celiyo suuqyada Magaalada Muqdisho sidaana ay yeelaan hay.addaha deeqaha loo dhiibo

Sido kale wuxuu ku eedeeyey in ay hey.addahaasi raashinka ka iibsadaan ganacsatada saga oo ku tilmaamay xaalada dadka haatan in ay la mid tahay tii 1992dii ka jirtay Magaalada Muqdisho

Hadalka gudomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili ay dad badan oo barakacayaal ah ay ku nool yihiin dibada magaalada kuwaas oo aqaladodii uga cararay duqeyn iyo gantaalo caadi ka noqday in ay waxyeeleeyaan kuwaas oo ay la degtay xaalada amaan daro cuduro iyo jaago mana heystaan caruurta gartay da.da waxbarashada goob ay wax ku wartaan iyo cid wax barto
Waxaana jira kooxo burcad ah oo ka dhex qaraabta xiliyada habeenkii dadka barakacayaasha ah oo dhib ku haaya

Arintaa ayaan jirin cid isku howshay sidii ay wax uga qaban laheyd sidoo kale ma jiraan cid xiliyada habeenkii ah qaadaysa mas.uuliyada goobaha la dagan yahay magaalada oo dhan

Dadkaan ayaa aad uga cowday xaaladaha arimaha bulshada sida caafimaadka amniga iyo waxbarashada

Dadkii halkaa ka hadlay ayaa waxaa kale oo ka amid aha aMaxamed Adan kiraa oo isagu ku hadlayey luqada oromada kuna dheeraaday warbixintiisa iasaga oo aad uga hadlay dhibatooyinka heysta dadka xeryaha ku jira oo aan heysan cid daryeesha
Iayada oo dhaliil ay u soo jeediyeen mas.uuliyiinta daladaan dhamaan hay.addaha deeqaha bixiya oo ay ku tilmaameen kuwo hoteelo qurux badan ka dagan dalka Kenya lacagaha deeqaha ahna halkaa kaga tagri fala sida ay hadalka u dhigeen



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  July 29, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS