SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Saahid Maxamed Yuusuf ” aduunkuna waa naga ogolaadey in ciidamada Ethobia laga saaro dalka Soomaaliya”

Saahid Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee ARS, islamarkaana ah xubin ka tirsan Jaaliyada dalka Mareykana oo aan wax ka weydiiney ujeedada safarka uu ku yimid Jabuuti ayaa wuxuu ku jawaabey

Waxaan u mid inaan ka qaybgalo kalfadhiga labaad ee Golaha dhexe ee Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliyeed ee ka dhacayey Caasimada dalka Jabuuti, aniga iyo Col/ Macoow, waana markii iigu horeysay oo aan imaado dalka Jabuuti, jaaliyadaha ugu badan dalallka aduunka oo ay Soomaalidu ku badan tahay ayuu ka mid yahay dalka mareykanka, waxayna ugu badan yihiin Washiton DC, waana meesha ay ka bilaabmeen, soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

S.-soomaalida ku nool dalka Mareykanka ma jiraa xiriir ka dhexeeya, marka laga reebo Jaaliyada isku xirkeeda?.

J:-waxaa ka dhexeeya xiriir, wuxuuna sii xoogeystey markii wadanka uu qabsadey cadowga, waxayna sameysteen Jaaliyado isku xiran, waxayna sameeyaan Mudaaharaadyo marka ay dhibaatooyinka ay ku bataan dalka Soomaaliya ay bataan.

S:- imisa xubnood ayaad ku leedihiin ka jaaliyada Maraykan ahaan ARS?.

J:- waxaan ku leenahay 3 xubnood, labo ayaan ku joognaa, ruuxa dhiman waxaa uu ku maqan yahay dalka mareykanka.

S:- siduu kuula muuqdaa khilaafka soo kala dhex galey Is-bahaysiga Dibu-xoreynta?

J:-Runtii waa mid keenaya niyad jab, gaar ahaan Soomaalida oo dhan, khilaafka soo kala dhexgaley Is-bahaysiga, sida muuqata Is-bahaysigu wuxuu u badan yahay, wadanka Jabuuti xiligaan la joogo, shirka waxaa uu ku furmey ilaa iyo 106 xubnood, markii dambe waxaa ku soo kordhey 17 xubnood, waxaana shaqo ku maqnaa 11 xubnood dhamaan marka laysu geeyo waa 134 xubnood,waxayna sixiixeen heshiiskii Jabuuti, waxaana leenahay walaallaheen kale ee ku harey Asmara, sida baaqeena aan ku xusney, inay kusoo biiraan xubnaha jooga Jabuuti, si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan meel walba oo dunida ka mid ah, maadaama Jaatarku uu ku qoran yahay in Ethobia laga xoreeyo dalka si kasta oo lagu heli karo, aduunkuna waa naga ogolaadey in ciidamada Ethobia laga saaro dalka Soomaaliya.

S:- ma jiraa Is-bahaysiga wax u qorsheysan, hadii ciidamada Ethobia ay ka bixiwaayaan dalka?.

J:- runtii heshiiska waxaan la galney DFKMG iyo UN-ka, marka waxa la sugaayo waa labadooda, anagu waan sixiixney heshiiska, DFKMG Golaheeda Baarlamaankuna waa ansixiyey heshiisnka, sida Axmed Walad Cabdalla uu yiri, waxay ahayd in Dowladaha codka diidmada qayaxan ku leh Golaha amaanka ayaa laga sugayaa in ciidamada Ethobia ay ka saaraan dalka Soomaaliya.

S:- dhaqdhaqaaq intee la eg ayaad ku leedihiin ka jaaliyad ahaan, inaad ka dhaadhicisaan mas’uuliyiinta dalka Mareykanka, waxa ka dhacaya Soomaaliya?.

J:- Jaaliyada Soomaaliyeed ee kusugan dalka Mareykanka aad iyo aad bay u dadaaleen, waana kuwa gaarsiiyey in dowlada Mareykanku ay aqbasho, in Ethobianku ka baxaan dalka, waxaan u tagney Korgareeska, Aqalka odayaasha iyo Wasaaradda arimaha Dibadda

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS