SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Aamino Siciid Cali “waxaan u dagaalameyno shekhis ma ahan…” Wareysi Somalitalk Jabuuti


Aamino Siciid Cali ah oo ka mid ah xubnaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden, kana tirsan Golaha dhexe IDS, oo an kula kulmey Jabuuti, islamarkaan aan wax ka weydiiyey Ujeedada safarkeeda, mirihii shirkii dibu-heshiisiinta IDS iyo TFG-da ay ku gaareen Jabuuti iyo arimo kale ayaa waxay ku jawaabtey

J:- aniga waxaan u imid kalfadhiga labaad ee Is-bahaysiga Dibu-xoreyntsa Soomaaliya, waxaana ka imid ahay xubnaha ka yimid Jaaliyada dalka Sweden, waxaana ku leenahay,dalka Sweden Jaaliyad, waana jaaliyadii ugu horeysey ee soo aas aastey Urur u dooda xuquuada dadka Soomaaliyeed, islamarkaana geysey wadanka Ingiiska, halkaasna ay ku kulmeen Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo Baarlamaanka xorta ah, kadibna loo rarey dalka Eriteria, halkaasna looga dhawaaqey Is-bahaysiga, jaaliyada Sweden waa mid u kacdey markii ay qabsadeen Ciidamada Ethobia dalka Soomaaliya, geysateyna dhibaatooyin kala duwan oo xuquuqda aadanaha ah ayaa sidii wadanka looga saari lahaa waxay aas aaseen Ururka horumarinta iyo Nabada, si aan dadka ugu wacyigelino dibu xoreynta dalka Hooyo, gacana uga geysano dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

S:- tirada dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden imisa ayaa lagu qiyaasaa?.
J:-Soomaalida ku nool dalka Sweden tiradooda waxaa lagu sheegaa ilaa iyo 30, oo ruux, waxayna intooda badan ku nool yihiin Caasimada 1-aad ee dalka Sweden iyo Caasimada labaad, waxayna ku hawlan yihiin sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga samatabixin lahaa dhibaatada haysta, taasoo ay qaadan waayeen in 50 sano kadib dalku uu gacanta u galo cadow, waxayna ku hawlahan yihiin mar walba oo dhibaato ka dhacdo dalka in mudaaharaadyo ay ka sameeyaan iyo qoraalo ay u gudbiyaan dowlada Sweden iyo shirar looga hortagayo, Sweden iyo Soomaalida wax xiriir sidaa u weyn ma lahayn xiliyadii hore, sababtoo ah wadamada Yurub ayey uga xageeyaan, sida Talyaaniga oo kale ma ahan oo Soomaalidu ay ku badan tahay, Sweden Soomaaliya waxay tagtey 1991-dii, waxayna ku leeyihiin xiligaan mehrado kala duwan iyo shaqooyin yar yar, si weyn Soomaalidu way u dhex geleen shacabka Sweden, taasina waxay inoo sahashey inaan ka gadno siyaasadeena, maadaama Sweden ay ka mid tahay wadamada loo xilsaarey, soomaaliya iney wax ka qabtaan, una sheegno Ethobia inay tahay, horor dhul balaarsi wata, dhaqaalaha ay ugu deeqaana Sweden, dalka Ethobia inta badan lagu bixiyo gumaadka iyo barakicinta shacabka Soomaaliyeed.

S:- ma jiraa caqabado dhinaca dhaqanka ah oo dadka soomaaliyeed, kala soo gudboonaadey?.

J:- ma jiro wax dhinaca dhaqanka caqabad aan kala kulaney,sababtoo ah Sweden waxay leedahay Ummad kasta oo ku nool dalkaasi ee aan u dhalan in la baro Luqadooda, waxaana jira in Sweden ay ku bixiso barashada Af-soomaaliga caruurta yar yar ee soomaaliyeed lacag, waxaana jira Iskuulo gaar ah, marka laga soo tago tan Iskuulada, waa wadan aaminsan Dimoqoraadiyada, Jaaliyada Sweden IDS waxay kub leedahay 7 xubnood:

S:- Rajo intee la eg ayaad ku qabtaa fulinta heshiiskii TFG-da iyo IDS ee ay ku gaareen Jabuuti?.

J:-Aniga waxaan qabaa inaan sugno wixii ka soo baxa heshiiskaas,mana rabo inaan faah faahin dheer ka bixiyo, laakiin hadii uusan wax ka soo bixin wax iskama bedelin halgankii, xaqna waan u leenahay, waxaana rajeynayaa inuusan khilaaf inoo geysan, waxaana codsanayaa inuusan saameyn Geesiyaasha u kacay xoreynta dalkeena, khilaafka Is-bahaysiga, waxaan u dagaalameyno shekhis ma ahan ee waxaan u dagaalameynaa dalkeena, dadkeena iyo Diinteena

S:- Goorma ayaa kuugu dambeysay Soomaaliya?.
J:- inta badan aniga waxaa ku loo laa dalka Sweden, inkastoo degenaashuhu waxba uusan muhiim ahayn, waxaase ka muhiimsan halka aad u dhaltey, waligey maskaxdeyda kama bixin soomaaliya, maqnaanshahayguna waxba igama bedelin, Soomaaliya waxaa iigu dambeysay 25 sano ka hor, inkastoo mar iyo laba aan ku noqdey dlka.

Taasi waxay ahayd Aamina Siciid Cali oo ugu warameysey Somalitak Hoteel Imperial ee Caasimada dalka Jabuuti

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 28, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS