SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARBIXIN KU SAABSAN XAALADA CUNO EE GOBOLKA GALGADUUD
(Kumanaan Qoys Oo Helay Raashin Tayo Leh)


Ka dib abaaro iyo colaado ka dilaacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa qaylo dhaan badan oo ku aadan dhibaatada haysata kumanaan qoyska oo intooda badan xaaladoodu liidato codsiyadoodii dadka qaar ka mid ah laga jawaabay.

Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug oo ku yaal bartamaha Soomaaliya ayaa bishan Julay waxaa la gaarsiiyey raashin mucaawino ah oo ay bixisay hay’adda ICRC, wuxuuna raashinkani ahaa midkii ugu tayada fiicnaa uguna balaarnaa raashin mucaawino ee soo gaara deegaankaan in mudo ah marka la eego dadka cuntadan la siiyey oo badnaa iyo raashinka oo ahaa noocyada dadku ugu isticmaalka badan yihiin isla markaasna ugu fiican.

Gobolka Galgaduud oo ka mid ah Gobolada ugu degmooyinka badan Soomaaliya ayaa raashinkan loogu tala galay in ka badan 37 kun oo qoys, sidoo kalena degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo waxay heleen iyana raashin balaaran oo ay siisay hay’adda ICRC.

Raashinkan oo ka koobnaa Bariis, Saliid iyo Digir ayaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah howl wadeenada ICRC waxaa la rajeynayaa in raashin kale la qeybin doono bilaha soo socda.

Dadweynaha Gobolka Galgaduud ayaa aad ugu farxay cuntada la siiyey, waxayna qaar ka mid ahi sheegeen in maadaama dadka cayrta ahi sii badanayo xoolihiina ka dhamaadeen la sii kordhiyo raashinka.

Arrintan ayaa ku soo aaday xili jawiga nabad gelyada Gobolka Galgaduud wanaagsan yahay marka la eego isbaarooyinkii oo aan jirin, waxayna taasi fududaysay in raashinku gaaro xitaa tuulooyinka yar yar iyo dhulka miyiga ah.


W/D: Cilmi Nuure Weheliye

Faafin: SomaliTalk.com |  July 27, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS