Imaamka Masjidka nabiga (NNDH) ee Madina Al-munawara oo Xalay
(July 26, 2008) qudbad ka jeediyey Masjidka Shaafici ee
Johannesburg halkaas oo ku dhawaad labbo kun Soomaali ah kazoo
xaadireen..
Johannesburg: Imaamka Masjidka nabigeena Suuban Maxamed
(NNDH), Sheikh Salaax Bin Muxamed Al-Budair ayaa markii ugu
horeysey Qudbad ka jeediey Masaajidka Shaafici ee Soomaalidu ee
Johannesburg, halkaas oo dadkii ugu tirada badnaa eey kasoo
xaadireen, Sheekha ayaa ka hadlay arrimaha Soomaalida guud
ahaan, iyo gaar ahaan tan Dalkani.
Salaadii Maqribka oo uu Sheekha isagu tujiyey ayaa malaha
aheyd tii ugu jameecada badneyd ebed tan iyo intii masaajidkaasi
la taagay sanad kahor, dadka ayaa darmo iyo katiifado loo
fidiyey illaa banaanka kore ee xeendaabka masjidka, waxaa laggu
qayaasay dadka meesha ku tukaday dad qayaastii ku dhow 2 kun, oo
qof, iyadoo masaajidka mug ahaan uu qaadi karro shan boqol oo
qof oo kaliya..
Amaanka ayaa aad loo adkeeyey galabnimadii hore, wadooyinka
ayaa baabuurta laga qaaday, illaa hal kilo mitir oo masaajidka
ku xeeran ayaa la xaaqay, la bilbiley, waxaa aaga lagu daadiyey
rag dareeska abni sugida xiran , oo indho galayr ku eegayay cid
kasta oo goobta kasoo agdhawaata, masaajidka salaada hal saac ka
hor ayuuba buuxsamay,,kaamarooyinka saxaafada ayaa illeyska
bikaacinayay (biriq-biriq), iyadoo dadka ay cellphona-dooda ku
duubanayeen waxa dhacaya.
Markii la adimay salaadii maqrinka ayuu Sheekha oo hareeraha
ay kaga jiraan raxan illaalo ah oo ay dhagaha oga gufeysanyihiin
mareegaha shanqarta qaada ee lagu wado xariiro, gaararkana
eegaya. Sheekha ayaa salaadii maqribka dadka tujiyey, qiraa’ada
Sheekha oo dabcan aheyd tii ugu horeysay oo nooceeda oo kale ah
oo aan waligeey inta aan ifka ku noolaa qof aqrinaya aan salad
ku xirto, qiraa’ada sheekha waa eey dhereyd, qushuuc dartiis
ayuu sheekha la ooyey, illin ayaa issoo dhaaftay.
Goortii uu sheekha salaada ka baxay ayuu guda galay
qudbadiisii oo uu muddo hal saac ah aqrinayay. Qudbada Sheekha
ayaa aheyd mid guud oo ka hadleysa islaamka iyo Qur’aanka,
laakiin gabogabadii qudbada ayuu soo hadal qaaday arrimaha
Soomaalida dalkani, sheekha waxa uu aad ugu mahadceliyey
Culumada ururka Al-bayaan oo uu yiri “warkiina waan qabaa, waa
la’ii sheegey dadaalka aad u gasheen in aad yeelataan goob
cibaato oo Soomaalida gaar u ah, aad ayaadna ugu
mahadsantihiin”, wuxuu kaloo sheegey in uu ka warhayo in
masaajidkani lagu casuumay culumo waaweyn oo Soomaaliyeed oo uu
yirir “agteena ayay sharaf iyo magac ku leeyihiin” kuwaasoo
dabcan uu ula jeedey Sheekh Maxamed Umal, Sheik Maxamed Idiris,
iyo Sheeikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo dhamaantood
masjidkani lagu casuumay, muxaadaroonyina ka jeediyeey. wuxuu
sidoo kale ka hadlay shirka nabadeynta kooxaha Soomaalida oga
socda jabuuti oo uu u rajeeyey in guul uu ku dhamaan doono.
Sheeikh Salaax ayaa masjidka ka tagay 10 daqiiqo ka hor
salaadii cisho, wuxuuna aaday masjid kale oo markaasi uu isagu
xariga ka jarayay, kaas oo ku yaala agagaarka xaafada Soomalada.
Masjidkani cusub waxaa imam ka ah Sheekh Soomaali ah , laakiin
Muslimiin kale ayaa dhisatey.
Waa Sheekhii labaad oo ka mid ah culumada darajada sare ka
leh goobaha Barakaysan ee diinta Islaamka , gaar ahaan labbada
masaajid ee Xarameynka oo muddo bil gudaheed ah soo booqda
Masaajidka Soomaalida oo aan isagu sanad taagneyn. Tan iyo intii
sanadkii hore bishii sedeedaad la taagay Masjidkan waxa uu soo
jiitey culumo baddan oo mug iyo miisaan iyo magic weyn ku dhex
leh aduunka Islaamka, culumada masaajidkani gacanta ku heysa
ayaa amaan baddan ku helaya howlaha dacwada ee ay hayaan, gaar
ahaan wadanka jamhuuriyada Kiristaanka ah ee aan ku noolnahay,
halkaas oo eey taalo baahida dhabta ah ee diinta iyo fidinteeda.
Sheekha ayaa muddo todobaadyo ah dalka ku maraya booqasho
meelo baddan uu ku kala bixiyey, oo muxaadarooyin ka jeediyey,
jadwalka Sheekha ayaa lasoo xariiqey (lasoo dajiyey) isaga oo
aan Madiino kasoo tagin, goortaas oo Masjidka Soomaalida lagu
daray masaajidada uu qudbadaha ka jeedinayo, taasina waa dadaal
dheeraad ah oo ay sameeyeen culumada usoo istaagtay Caawinta
diinta iyo tayo galinta ummada .
Ilaaladii iyo waftigii Sheekha la socday ayaa waxa ay si weyn
ola yaabeen qabanqaabada loo galay soo dhaweynta Muftiga, waxaa
kale oo eey la yaabeen kala dambeynta iyo ismaqalka yiiley
goobta, waxaa xusid mudneyd in eeysan jirrin wixii ka dhacay
masaajidada dadyoowga musliimiinta ee kale, oo xittaa sheekha
uu waayay meel uu marro, oo kumanaan qof mar kaliya ay
salaamaysay, halka masjidka Soomaalida aanan jirrin hal Qof oo
Sheekha Jidka ka xiray.
Sheekh Qorane oo ah mas'uul sare oo ka tirsan ururka
Al-Bayaan ayaa ii sheegey in eey si weyn oga taxadareen amaanka
iyo nidaamka qaabilida Sheekh Saalax, wuxuu intaasi ku daray in
eey dadaal baddan u galeen in eey sheekha ku casuumaan Masjidka
Soomaalida. oo muslimiinta Soomaalida ah uu cilmigiisa oga
faa'iideeyo, wuxuu intaasi ku daray in eey mustaqbalkana isku
dayi doonaan in eey culumo kale masjidka ku casuumaan.
Sheekha waa astaan weyn oo xagga islaamka ah, darajada uu
leeyahay waa mid illaah siiyey, wuxuuna ku kasbaday meesha uu
joogo oo qof nasiib leh oo kaliya uu illaah geeyo, sitaasi
darteedna waa in dadka Islaamka ahi u muujiyaan qadarinta u
saraysa ee qof Bini’aadam ah ah la qadariyo ama la karaameeyo,
si loo muujiyo Jacaylka diinta iyo goobaha barakaysan ee Rabi
Qu’aankiisa ku sheegey loo weeyneeyo, laakiin taasi kuma jirto
in aay kugu xambaarto in aad u dhaqanto sidii adiga oo ka
barakaysanaya ama wixii ay ku dhaqmi jireen dadkii casri
jaahilaga.
C/naasir Axmed Sh. Bashiir Saxansoxo. Email:
saxansoxo1@hotmail.com