SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Puntland State University oo Wardere gudoonsiisey "Honoring Degree"

Puntland State Universityoo ku taal magaalada Garowe ayaa si rasmi ah u gudoonsiisey Mudane Maxmuud Nuur Wardheere shahaado la yiraahdo Honorary Degree oo ay bixiyaan jaamacadaha hirgalay ama gaamuray ee caalamka . Madaxweynaha Jaamacadda Puntaland State University (PSU) Maxmuud Sheekh Xaamud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in PSU bixiso honoring degregii ugu horeeyey waxayna sharaf u tahay PSU.

Sababta loo doortay Wardheere ayuu yiri Mr. Xaamud waa asagoo muujiyey adeeg hufan oo uu bulshada Soomaaliyeed u qabto. PSU President waxaa uu sheegay in PSU sanad walba bixin doonto honoring degree sida jaamacadaha waaweyn ee dunida taasoo lagu aqoonsanayo kuwa dadka wax u qabta. Mr. Xaamud ayaa ku dheeraaday in la kala sooco dadka wax u tara bulshada iyo kuwa wax u dhima.

Jaamacadaha ayaa waxay awood u leeyihiin in ay si sharfid ah u siisiiyaan degree la yiraahdo Honoring Degree dadka bulshada wa u qabtay. PSU waxay ku biirtay jaamacadaha caalamiga ee bixiya shahaadadaas muhiimka ah.

Qormadii Xasan Warsame

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS