SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada afgooye

Ugu yaraan 4 qofood ayaa ku dhimatey dhowr kalana waa ku dhaawacmeen dagaal manta ka dhacay degmadda afgooye oo ay isaga hor yimaadeen ciidamadda dowladda federaalka oo halkaas joogey iyo kuwo ka yimid dalka Ethiopia kadib markii uu u soo dhamaadat tababar.

Dagaalka ayaa ka billowday kadib markii mid ka mid ah ciidamadan maanta gaaray degmada Afgooye ay toogasho ku dileen mid ka mid ah ciidamada Booliska ee maamulka degmada Afgooye xilli uu ku sugnaa xaafada Xaawo taako ee degmadaasi, waxaa dilka askarigaasi ka dhashay iska horimaad dhexmaray ciidamada maamulka degmada Afgooye iyo kuwa degmadaasi soo galay ee lagu soo tababaray dalka Itoobiya, kaasoo keenay dhimashada labo askari oo ka kala tirsan labada dhinac lamana yaqaano ilaa hadda sababaha keenay dilka askariga ay markii hore la dilay oo qorigiina laga qaatay, hase ahaatee ciidamadan DF ee gaaray degmada Afgooye ayaa sidoo kale qoryihii ka daadsaday ciidamo kale oo ka tirsanaa kuwa DF oo ku sugnaa koontroolka baar Ismaaciil iyo gudaha degmadaasi, kuwaasoo ka dibna ay ku amreen iney goobta ka tagaan

waxaana khal khal aad u xoogan uu ka jiraa degmada Afgooye, iyadoo ciidamada oo raxan raxan u socda ay gaaf wareegayaan xaafadaha degmadaasi ay ka kooban tahay. In kastoo aysan tagin xaafadaha ay ka mida yihiin baalguri, raqayle, iyo waliga xaafadda godeey, waxaase si xowli ah u dhexwareegayaan xaafgadaha ay ka midka yihiin dhagaxtuur, xaawataako, iyo xaafadda dhawaan galka ah ee Imbagati

laba askari oo manta lagu dilay halka loo yaqaan Fero somalo ayaa qal qal ka abuuray halka loo yaqaan sanca

laba ka tirsan ciidanka dowladda ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay halka loo yaqaan Feero Somalo, kadib markii halkaas iaygoo maraya ay weerar ku soo qaadeen dableey ku hubeysnayd baastoolado,
weerarka lagu soo qaaday ayaa mid ka mid ahaa ciidanka ku dhintey, halka kii kalana uu ku dhaawacmay,

dad ka agdhawaaa halka dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in labadii qori oo ay wateen ciidankaas ay horay u sii qaateen raggii ka soo horjeeday ee drirtu ay dhexmartay.

Dagaalkaas kadib ayaa ciidamada milateriga DF oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka waxaa ay goor dhoweyd oo duhurnimadii maanta ah rasaas ooda kaga qaaday goobaha ganacsiga ee ku yaala isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid, iyagoo ka dibna halkaasi ka geystay falal qarbudaad ah oo khal khal xooggan geliyey amaanka iyo xasiloonida ka jirtay deegaankaasi.

Ciidamadan oo u muuqday kuwo si aad ah u careysnaa ayaa sidoo kale xoog ku galay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga iyo guryaha halkaasi ku yaala ee ku soo jeeda wadada laamiga ah, iyagoo halkaasina kala baxay qaar ka mid ahaa dadkii ku jiray oo ay ka mid ahaayeen ganacsato, haween iyo dhalinyaro, waxaana dadkaasi oo tiradooda lagu sheegay illaa 20 ay saarteen baabuurtii dagaalka ee ay ku hubeysnaayeen iyagoo ka dibna ula dhaqaaqay meel aan la garaneynin.

Wiil soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka koonfur afrika


Waxaa isa soo taraya qayladhaanta ka sooyeereysa dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koonfurta Afrika iyadoo dhacdadii ugu Danbeeysay Xalay kooxo burcad madow hubaysani ay kudileen wiil Soomaaliyeed Tuulada Vandarcup oo katirsan Magalada Rusterburg ee Dalka Koonfurta Afrika.

Maxamad Deeq Cumar Ibraahin oo ah marxuumka la dilay ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo soo garay iyadoo burcadii falkaasi kadanbeysay oo kuhubeesneyd biskoolado ay isaga caraeen markii ay geesten falkaasi dilka ah

Goobta uu falka dilka ah ka dhacay waxaa islahabeenimadii xalay soogaaray xili danbe ciidamada booliska oo sheegay in ay sameenayaan baaritaano kusaabsan dilkani iyo ciddi geysatey. Burcada falkaa geesatay ayaa horay u qaadatay waxii lacag ahaa ee Dukaanka yaalay oo gaareysa ilaa 2kun oo dolar sida uu iixaqiijiyay ganacsade halkaasi jooga oo soomaali ah.

Falkani dilka ah ayaa waxaa canbaareyay dhamaan umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkani iyagoona kutilmamay fal argagaxin ah oo aad looga xumaado oo loo geysano Qaxootiga taagta daran ee Soomaaliyeed ee kunool Dalka Koonfur Afrika .
Sanadkan oo kaliya ayaa Malgalada Rusterburg ee gobolka Waqooyi galbeed (north west) ee Dalka Koonfur Afrka waxaa lagu dilay Muwadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 4 halka dhaawacuna intaasi uu kabadanyahay. Dhibaatoyinka lagu hayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Dalka kuunfur Afrika ayaa intooda badan waxa ay kadhacaan Tuulooyinka halista ah ee ay ka xoogsadaan qaxootiga Soomaaliyeed

Ciidamadii ku sugnaa degmada laasqoray oo horey uga soo baxsady maamulka soomali land oo sahay dalbaday

Ciidamadii Dhowaan ka Soo wareegay mamulka la magac baxay somali land isla markaasina ku soo biiray ciidamada maamul goboleedka puntland ayaa waxaa ay iminka ku sugan yihiin degmada laasqoray ee gobolka sanaag halkasi oo ay iminka si toosa uga hawlgalaan.

saraakiisha ciidamadaasi iyagu kusugan degmada laasqoray ayaa waxaa ay sheegeen in ciidaadaani ay yihiin ciidamo dhamaystiran balse u baahan waxyaabo fara badan oo ay ka mid tahay sahay.qalabka ciidanka iyo waxyaabo kale waxaana uu ka dalbaday maamulka puntland in sahaydasi si deg deg ah loola soo gaaro.

Jaaamac Salaad Nuur Oo ka mid ah saraakiisha ciidamadaasi ayaan waxaan wax ka waydiinnay bal inuu nooga warbixiyo ciidamada iminka ku sugan degmada laasqoray ee ka soo wareegay maamulka somali land waxyaabaha u qorshaysan in ay qabtaan oo ay ku soo kordhiyaan degmada ay iminka ku sugan yihiin waxaana aan u sheegay in ciidamada loo ballan qaaday waxyaabo badan oo lagu soo kordhin doono.

jaamac ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamadaani sababta ay ugu wareegeen maamulka puntland ay tahay ka gadaal markii ay maamulka somali land ka waayeen agabkii iyo wax qabadkii ay uga barteen isla markaasina uu mamulka somali land ka meer meeray in uu waxyaabihii ciidanka la siin jiray uu u soo gudbiyo.

Isku soo wada duuboo ciidamadaani iminka kusugan degmada lasqoray ee gobolka sanaag ee ka soo wareegay mamulka la magac baxay somali land ayaa waxaa la filaya ain ay waxyaabo badan ka bedelan degmada laasqoray ee gobolkaasi waxaana joogitaanka ay ciidamadaani joogaan degmada laasqoray ay ku soo aadaysaa xillii deegaanka calmadow ee gobolkaasi sanaag afduub nuddooyin badan loogu haysto dad ajaanib ah oo laga qafaashay xeebaha degmada laasqoray lamana oga waxa tallaabo ahaan u degsan in ay ka qaadaan kooxa haysta dadkaasi ajaanibta ah .


Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya C/aahi Yuusuf Axmed ayaa rajo ka muujiyey fadhiga lagu wado in maalinta beri uu ka yeesho golaha amaanka arrimaha soomaaliya .


madaxweynaha DFKMG  Yuusuf oo u wareysi siiynayey wargeyska Alsharqul Awsat ee ka soo baxa magaalada London ayuu sheegay in uu ku rajo weynyahay in natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto fadhiga maalinta beri ah uu ka yeelanayo golaha amaanka arrimaha soomaaliya.

Baan kiin Muun iyo Axmedu Wuldi C/della ayaa la filayaa in ay uga warbixiyaan golaha amaanka warbixin ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee uu dalka marayo, xaaladda ammaanka, dhaqaalaha, iyo xuquuqda aadanaha.

Warbixintu waxa ay kadhigatay arrinta puntland qodobka afraad taasi oo sabab looga dhigay qaramada midoobey oo ku cabirtay goobaha ay ka deeriso xagga ammaanka laga dhigo tirsiga afaraad, qodobkaas waxaa ka dhalaneysa in shaqaalaha degdegta ah mooyee aysan kuwa kale tagi karin deegaannada Puntland.

Waxaa kaloo warbixinta ku xusan in xafiiska siyaasadda ee QM u qaabilsan Soomaaliya uu wali ka baaraan-dagayo sidii uu ugu guuri lahaa magaalada Muqdisho.

Xafiiskaas oo hadda fadhigiisu yahay Nairobi, ayaa sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee ka hortaagan guurista ay yihiin kuwa xagga ammaanka ah.

Wuxuuse xafiisku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo fulin lahaa qodobbada xagga ammaanka ah ee ku xusnaa heshiiska Djibouti.

Ugu dambeyn warbixintu waxa ay amaan u soo jeedisay ergeyga qaramda midoobey ee axmedu waladu cabdalla ee arrimaha soomaaliya kaasoo sida la sheegay guulo ka soo hooyey siyaasadda dalka Soomaalida gudaha iyo kuwa dibadda-ba uu ku dhaliyey saansaan nabadeed.


Ciidamada Dowladda FKM ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia oo lagu wado saacadaha soo socdo ineey soo gaaraan Muqdisho.

Ciidamada Dowlladda ee dhowaan lagu soo tababarey dalka Itoobiya oo ay la socdaan ciidamo Itoobiyaan ayaa la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho Saacadaha soo socda,waxayna iminka soo marayaan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanllaweyn,iyagoo xaley ku hakadey Yaaqdhuub oo Daafeed 8-km dhinaca Bari ka soo xigta.


Wararka aan ka heleyno wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo Wanlle ayaa sheegaya in dad badan oo ku dhaqan hareeraha wadadaas ka barakaceen,iyagoo ka cabsi qaba in korkooda dagaal ka dhaco dhibaatona ay ka soo gaarto,waxana socda barakac weyn oo ay sameeynayaan ganacsatada Yaryar ee wadaddaas ka shaqeysata iyo xitaa dadkii deganaa tuulooyinka ku teedsan wadada gaar ahaan Beeraleyda iyo Xoolaleyda.


Ciidamadan oo dagaal culus ku galey inta u dhaxeysa Bariweyne iyo Leego ayaa waxay safarkoodu ku socdaa si tartiib ah,iyagoo ka foojigan dabin ay u dhigaan kooxaha Mucaaridka ee ka soo horjeeda ciidamada Dowlladda iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya,waxaana la soo sheegayaa in dagaalkii ay la galeen kooxaha Mucaaridka uu sababey qasaare ballaaran oo u badan labada dhinac inkasta oo dadka deegaanku sheegayaan in dhimashadu u badneyd dhinaca Mucaaridka.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo kuwa safarka ee wadadaas soo marey ayaa sheegaya inay ciidamada ay ka goosteen ku dhowaad 50-qofood oo la baxsadey hubka,kuwaas oo iska horimaad kooban la galey ciidamada dabadeedna baxsadey.

Hay’adda UNHCR oo ku Gacanseyrtey ineey Madaxfurasho Ka Bixiso mid ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu haysto gudaha dalka soomaaliya


Mas'uulka ugu Sareeya hay’adda NHCRU ayaa gaashaanka ku dhuftey dalabaad ka yimid,kooxo afduub ku haysata madaxa hay’addaas ee magaalada Muqdisho Maxamed Xasan Keynaan,mas'uulka hay’addaas u qaabilsan Soomaaliya oo ku sugan magaalada Niarobi ee dalka Kenya ayaa sheegey inay marnaba oggolaaneynin in madaxfurasho ka bixiyaan qof u gargaaraya dadka Soomaaliyeed,mana dhigaayo buu yiri Sharciga Qaramada Midoobey,ayuu hadalka ku darey.

Kooxo aan heybtooda la garaneynin ayaa la xiriirey madaxa hay’adda Qaxootiga caalamka ee Soomaaliya,iyagoo sheegtey inay doonayaan madaxfurasho ay ku siidaayaan Kenynaan,iyagoo diidey inay sheegaan kooxda ay yihiin ama ay ka amarqaataan,sidoo kale kooxdan ayaa madaxfurasho kale ka dalbadey hay’adaha kale ee ay shaqaalahooda afduubka ku haystaan.

Inkasta oo aan si rasmi ah looga warhaynin kooxdan afduubeysa Shaqaalaha Samafaleyaasha ayaa haddana dad badani waxay tuhun ka qabaan,inay ka amar qaataan mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib-u Xoreynta Soomaaliya oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Waxa afduub loo haystaa ku dhowaad 12-qofood oo ka tirsan shaqaalaha Samafaleyaasha Soomaaliya,kuwaas oo laga afduubey deegaanno kala gedisan,oo dhammaantooda ku yaalla gobollada Koonfurta Soomaaliya.Si kastaba ha ahaatee waxa soo ifbaxaya kooxaha ka dambeeya dilalka Shaqaalaha Samafalka iyo afduubkooda,iyadoo shacabka Sooomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ay ku howlan yihiin sidii loo aqoonsan lahaa kooxdan iyo cidda ay ka amar qaataan Siyaasad ahaan iyo Militeri ahaan intaba.


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666
 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 23, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS