SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hoga Tusaalayn Ku Socda Issimada Iyo Beelaha Qabiilada aan Xildhibaano ku Lahayn Baarlamaanka- W,Q, Musharax Cumar Farjac

Maadaama ujeedadayadu tahay sidii aanu uga dhigilahayn Puntland dawlad ay Somaliweyn ku soo hirato una noqota goobta nabadgelyada iyo is ixtiraamka bulshada Somaliyeed, waxaanu door bidnay in aanu saxno qaladaad badan ee ka jira Puntland. Qaladkaan qoraalkaan ku saxayno waa ka maqnaanshaha qabiila badani ka maqanyihiin ka qayb qaadashada maamulka, maaraynta iyo tala ka bixinta Puntland.

Qoraalkaan waxaan wax ugu sheegaynaa dadka maamulka Puntland haya iyo qabiilada isku tilmaamay in ay yihiin qabiilqada ugu waaweyn Puntland, maamulak ummadda Puntland u dhexayayna marooqsaday.. Ujeedada aanu ka leenahay waa in aanu wax ku saxno si aynu u helno cadaalad iyo sinaan ku timaada nabad iyo afgarad. Nagama aha in aanu aloosno carqalado ee waa sidii aynu isu xaq dhawri lahayn, annagoo adeegsanayna gorgortan u dhaliya guul dhinacyada wax doonaya iyo kuwa wax laga doonayo.

Hadii wadankeenu ku dhisnaanlahaa "maxaa taqaan?" looma baahdeen maqaalkaan, annaguna wax kama qorneen dhibaatada maanta na haysata.
Lixdameeyadii ayay Somaliya gaartey heer qabiil walba samaysato isbi u gaar ah, waxayna na geyaysiisay boqolaal asxaab oo ku salaysan jilib, jifi iyo beel, midwalbana la soo baxay sumad u gaar ah.

Waatuu kacaanku yimid, waa taynu in muddo ah iska ilownay qabiilka, hadana waa teynu ku nqonay tabteenii hore. Waynu isku raacsannahay in "Qabiilku" yahay waxa Somaliya baabiyey ee gaarsiiyey meesha ay manta joogto. Waxaaba taa ka sii daran axaa lagu salayey dastuurkii Qaranka Somaliyeed iyo Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somaliya, waxaana wax lagu qaybsadaa 4.5 . Hadaba waxaynu u adeegsan karnaa qabiilka sidii aynu ugu gaarilahayn horuumar, nabad, iyo cadaalad.

Way ku yartahay dawladaha adduunka ummad isku qaran ah, isku af ah, isku diin ah, isku dhaqan ah. Wadamada qaarkood waxay aaminsan yihiin hadii ay haysan lahaayeen inta Smalida ka dhexaysa ay gaari lahaaeen midnimo.

Waxaa kaloo jira wadamo aan wadaagin qaran oo ka kala yimid qaramo kala duwan, aan wadaagin af oo ku kala hadla afaf kala duwan, aan wadaagin diin, oo kala caabuda aalaah kala duwan, hadana dawlad wanaagsan samaystay, gaaray horuukac dhaqan-dhaqaale, midnimo iyo cadaalad. Maxaa annaga oo isku oday ka nimid, isku diin ah, isku dhaqan ah inoo diiday in aynu horuumar yeelano? Maxaa innagu kallifay in aan isu isicmaalo qabiil oo iskala faquuqno? Maxaa inoo keenay cadaalad darro iyo xasad?

Puntland cadaalo darro ayaa ka jirta maanta. Qabiilo waa muwaadiniinta kowaad, kuwana waa mawaadiniinta labaad, qaarna buugga kuma jiraan. Casharada midab takootku waxay qorayaan in dadka la midab takooray ay ku xoroobeen halgan ay muujiyeen oy ka dhiidhiyeen midab takoorka lagu hayey.

Maxaa keenay in muwaadiniinta Puntland, qaarkood ay noqdaan dad aan miiska dawlada meel ka soo gelin? Marka hore eeda waxaa iska leh dadka maamulka haya iyo kuwa malafsiga u bartay oon ogolayn in laga dhabqiyo cayaarta ay golaha ku haystaan. Xilku ayaga buu saran yahay in ay gartaan sinaan iyo cadaalad.

Eeda hadaba waa lala wadaagaa. Laxwalba shilalkey is dhigtaa lagu qalaae, dadka aan la hadalka kala xisoonayow maxaa meesha idin dhigay? Kuwa sinaanta diidanowse maxaad ka heshaan qabiil faqooqa? Qabiilada la xqirayow, hadey qabiilada qaarkood is bideen in ay yihiin kuwa samiga libaax qaata, maxay idiinku diideen in aad miiska la soo fariisataan? Miyeydaan wadanka wax ku lahayn? Ma sabirkaa la idinku arkay? Miyeydaan wadanka wax ka dhisin? Miyeydaan wadanka wiilashiinii u dhiman? Miyeydaan canshuurta bixin? Ma ogtihiin erayga laga isticmaalo wadamada caalanka ee odhanaya "taxation with no representation is not right" Micnaheedu waa "Canshuur lagaa qaado oo aan lagu masalayn sax ma aha". Hadaba hadii aad canshuur bixisaan waa in aad leedihiin dad idin masala oo danahiina ilaalinaya. Taasi waa markii ay jirto doorasho qafwalba uu dooranayo qofka masalaya.

Puntland, weli ma laha doorasho qofku dooran karo qofkii danahiisa ka shaqayn layaa. Waxaa kaalinteedii galay xildhibaanada ay Issimadu keeneen golaha. Ma Issimadiina iyo nabadoonadiinaa dadnima yar? Hadaba qabiilada ka amar ku taaglaya Puntland waxay dareemeen in aydaan cod lahayn. Ma sidaa darted baa sababaha la idiinka tegey?

Hadey reer Puntland qabiiladoodu ay cadaalad yaqaaniin, ama ay doonayaan in ay wax ka bedelaan qaladka ay haatan ku socoto, meel fog ha ka doonina xalkeeda ee dadkii idiinka qayb geli lahaa golaha baarlamaanka keena madalka. U malayn mayo in uu jiro qof idinka diidaya. Colka waraf ma lagu dayey?

Hadii qabiil ka mid ah isa soo giriiraxo ama isa soo mutuxo isagoo lid ku ah danihiina, waydiiya su'aalaha kala ah. "Ma idinkaa iska leh madalka/makhaayadda?". "Miyaaney cadaaladi jirin?" "Maxaa naloo qadiyey?" "Mee sedkayagii?" iyo su'aalaha kulul oo aad maskaxda ku haysaan ee annaga afkayagu ka xishoonayo.

Annagu waxaanu aaminsannahay in aanay Puntland horay u soconayn inta cadaalad darro ka jirto wadanka. Puntland houumarkeeda waxaa wiiqaya cadaalad darro. Bulshaweynta reer Puntland waxay u baahan tahay nabad gelyo, wax qabad, cadaalad, wanaag, xasad la'aan iyo maamul hagaagsan.

Hadii qabiilna noqdo lugta jecli, lafta jecli, jaga walbana anaa ku haboon, oo anagaa qaadanayna; qabiilka xishooda oo sabirka badanina uu ku qado dawladda qaybaheeda faraha badan, goormaa qabiilka wax walba boodayaa uu dareemi in uu xaq darro wado? Goormaa cadaaladu imaaneysaa? Ma waxaas baynu gobollada kale ee bahweynta Darood degan tahay ugu horseedeynaa? Ma waxaas baynu Somali weyn tusaale uga dhigaynaa?

War qabiilka sabirka badanow goormaad xaqaaga soo dhacsan? Ma ogtahay hadii aadan xaqaaga doonan oo aadan u dhiidhiyin in kan sed bursiga bartay uu isa siinayo oo mulkiile u noqonayo. Qisadii eyga iyo hashii loo lisi jirey baa meesha soo martay.

Ma ogtahay hadii aadan soo dhacsan xaqaaga in kan haysta dhaca uu cay kuugu darayo oo weliba kugu tilmaamayo dad aan waxba ahayn? Goormaa geesi, cadaladda u hadlaa idiin soo kici, oo xaqiina idiin soo dhicin? Goormaad hurdada ka keceysaan?

Ma ogtahay in Golaha Baarlamaanka in la badin karo markii la garto in dad xaqoodii ka maqan yahay ay soo gawriirsadaan goobta. Ma ogtihiin in dastuurka markasta la bedeli karo hadii la garto in uuyan sax ahayn? Waxaan filaynaa kuwa qaybiyey xubnaha xildhibaanada baarlamaanka ay ula kac u yeeleen ama aqoon darro u geysey.

Hadii aynaan cadaaladda manta samayn, berry bay meel xun nala tegi. Horuumarkkenuna liici. Maanta maalin ay kaga haboon tahay ma jirto. Rer Puntland oo dhan waa wada foojigan yihiin.

Qabiilka golaha ka maqanow hoos isu dhugo oo sedkaaga soo dhacso. Qabiilka xoogga is bidayow, u oglow walaalkaa xaqiisa. Weliba muddo badan baad sed bursi ku soo dhaqantaye, walaalkaa aad qadisay maanta u sed buri. Markaad jagooyinka qaybinaysona, u sed buri, intaas ood sedkaaga u darted.

Hadalkaygu wuxuu u dhacayaa inta aanu aqoonta u leenahay oo golaha ka maqan iyo kuwa aanan oqoonta u lahayn. Ha nala yaabin dadka sidaas uma kala naqaan oo qurba joogto aan PhD qabiilada ku qaadan baan nahay.

Mee Wabeenaye? Maxaa canshuurta la idiinka qaadaa? Yaa idinka lacag badan? Yaa idinka aqoon-yahanno badan? Yaa idiinka badan degaanka? Yaa idiinka badan dibadda? Dhan walba idinka fiirinay, oo meel walba waad ku horaysaan, ee xagee la idnka haystaa? Walaalayaal ducaysta, oo belaayada idinku habsatay iska roga. Meel walba oo Somaliya ah baad degtaan. Gobollada hoose, dhexe iyo bariba waad degtaan. Dibadii oo dhan baad haysataan. Heedhe goormaad baraarugeysaan? Maxaa la idiinka cunaqabatayaa ganacsiga? Mase ogolaateen dulliga hoosta la idiin geliyey? Ma East Africa in aad u guurtaan bay dani idn geyeysiisay? Ogowe hoygaa waa meeshii aan hoy lagaa odhan. Walaalayaal waan idin soo eegeynaa bal inaad kacdaan. Is abaabula, oo u kaca si haboon. Talada aanu idiin soo jeedinayno waa tan qabiilada kale oo dhan aanu u soo jeedinayno. U doonta xaqiina si hufan ee walaaltinimo leh idinkoo aan dad wax yeelin.

Mee Tinle, Magalabe, Kabtaanle? Xagee la idinku ilaaweey? Maxaa kursiyadiinii la idiinku diiday? Waan idinka fajacnaye is muujiya. Ma naga ogolaateen in aanu idinka dhigno waxbayahay? Goormaad mauqifka soo istaagi doontaan?

Meeye Cabdalla Daan Weyne? Sow isma aragtaan tiradiina iyo degaankiina? Sow uma jeedaan dhaqaalaha aad wadanka soo gelisaan? Ma cududiinaa rabi idin tusi waayey?

Maye Amaanle, Ugaslabe, Gumasoor, Wadalmugge? Ma dayaxiinii baa dhacay? Maxaa sharaftii aad lahaydeen hoos u dhigay? Maxaa iftiinkiinii ku dhacay?

Mee Gheesa Guulle? Xageebaa baabuurku idinkaga tegey? Xageebaad ku harteen? Ma dadkalaa sedkiina sheegta?

Maxaa Reer Maxamudka ciidaa ka badan u diiday in ay golaha soo galaan? War ama gobolka shanaad ku jir ama gudaha joogee, miyaadan ogayn in Ilaahay idin fara badiyey? Sow ma ogid in aan dagaal la idiinku soo dhici Karin? Wacdaaraha la idiinka bartay baa la idiinka baqaa. Waxaa idinku filan idinkoo farriin keliya na soo gaarsiiya—sedkiinaan banaanka idiin soo dhigaynaa. Shaydaamba miyirkiisa waa qabaa. Walaalayaal maxaad sedkiina la qaadan weydeen? War indhaha kala fura oo kuwa idinka aan tira idinku soo gaadhin baa gola ceebedka wax ka helay, walowba ay cad quureed qaateen, hase yeeshee maxaad idinka cad quureedka idiin diiday? War miyaydaan ciishoon? Goormaad wax aragtaan oo goormaad wax garataan? Goormaad indhaha kala fureysaan? Walaalkaya ciishaysan markaan dhegeysano dhibtiisa, ama aan aragno sida loo xaqiray, calooshaa na gubaneysa?

Maye Abdiraxiim saleban? Walaalayaal maxaa idinka reebay maxay Saleebaanta kale? Maxaa la idiin faqooqay?
Xabadi keentii dhowaan Xamar ka soo galay, Saleebaanadana la yaabay, waxay la baxeen Jaamac Saleebaan. Iyagaa manta Saleebaanadii kale dhaafe. Maxaad iyaga tirade ugu soo darsan weyseen? Maxaa idinkoo ka maqan golaha wax loo siiyey xabadi keentay?

Maye Ibraahiinadaan garaneyney? Maye Abdalla Ibrahim? Maye Abdiraxiin Ibrahim? Maye kuwii sharafta lagu yaqaaney ee Ismaciil Ibrahim? Ibraahiinadu iyagaa kacsan, hase yeeshee abaabulkoodaan saluugnay. Walaalayaal, is dejiya oo nabad wax ku doona.

Mee Nux Jibraahiil? Mee Gumasoor? Maye Ree Cumarkii cajiibka ahaa? Maxaa ku dhacay Nux Cumar? Xageebay qabteen Halmog Cumar? Maye Wanwaaqsame? Xageebaa lagu ilaaway Hantile? Maxaa ku habsaday Barkataale?

Maye farshaxanadiiTumaalada? Mee Midgaan? Mee Madhibaan? Xagee baad jirtaa Xamar Waaq, Caagdoon (Filku Caag), Caqdaar? Idin mee Abamakaa, Mikaahiil, Subeyr, Haylaciyo, Saleban Talareer, Issaq Talareer, Said Ummad Nebi, Cumar Ummad Nebi, Cabbas Ummad Nebi, Musse Ummad Nebi, Sakariye Ummad Nebi, Ali Ummad Nebi? Ma dibadaad u wada yaacdeen? Walaale kuwa ka maqan golaha oo aanaan ku dxusin maqaalka, aqoon darro baa noo geysey ee nala socodsiiya. Sua'aashu waa "Maxaa la idiinka tegey?".

Isu taga, is abaabula, weydiiya dadka sababta la idiinku diidan yahay xildhibaano idin masala. Ma dad kale baa idin masalaya? Ma idinkaan wax garan? Ma dadnima xuntihiin? Ma wax garad baydaan lahayn? Hadaan gafo iga raali noqda—Cay igama aha, ee waa iga baraarujin. Walaalayaalow xaqiina soo doonta oo soo dhacsada. Maxaa idiin diiday saamigiina? Ma anaa wareersan mise xaq darraan arkaa? Sow dad walaalaa ma nihin? Maxaa la idiin faqooqay oo la idiin takooray? Walaalayaalow xaqiina doonta, oo maantadaan laga bilaabo waydiiya dawlada. Hadeydaan lahayn wax idin masala xaq baan u leedihiin in aad diidaan canshuurta. Hana bixina canshuur ilaa aad ka heshiin cadaalad. Is abaabula oo isu oday wacda.

Ha u qaadanina in aan colaad shidayno ee markaan dhurwaa, dhurwaakale ka gardaran aragno baa halkaas nalagu dhiftaa. Ma waxaad sugeysiin in idinkoo meeshiina fadhiya sedkiina la duudsiiyey la idiin keeno?

Wallee ama meesha ka kacde oo xaqiina u doode, ama ninkaan qaylin hooyadiiba qadisay arrintu noqotay. War bal ismuujiya ha la idin ogaado in cadaalad darro la idinku sameeyey, ama waa sidii la idiin qadiyeye weligiin ha hadlinina. Bal abaabul yeesha oo darka wax lagu qaybsanayo isa soo dhooba idinkoo muujonaya in aad ka xuntihiin xaq darrada la idinku hayo. Walaal codkiina ha la maqlo, oo marka hore nidaam wacan wax ku doona, hadii xaqiina la idiin ogolaan waayo, taariikhda hubiya oo sidii dadka la xaqiray ay wax ku raadsadeen baa idiin furan.

Waxaa idin taagersan in ay idin raacaan ummadda cadaaladda jecel ee ogol sinaanta. Bannanbaxa waa la idinkala qayb geli ee soo abaabula.

Waxaan la yaabanahay qofka idinka hor imaanaya oo idin oran doona xaq ma lihidin. Nin idin quursaday wuxuu mudan yahay idinkaa taqaaniin.

Hadii la yiri degmaa wax lagu bixiyaa, maxaad wadada dheer meel uga qabsan weyseen oo aad ugu habsan weydeen? Ma ogthay in meelaha qabiilada kala duwan isla degaan ay ka hormarsantahay meeshii hal qabiil keliya dego? Maadaama waayadaan wax la siiyo qofkii qaadic dariiq noqda, ma weydeen meel aad isbaaro dhigataan (Barrier gates)?

Bal marka u horaysa canshuurta diida idinkoo diyaar u ah in aad soo istaagtaan maxkamada ugu sareysa ee Puntland. Taariikhahu waxay dhigayaan dad badan oo ku adkaaday maxkamadaha markey muujiyeen in ay tahay cadaalad darro in canshuur laga qaado iyagoon lahayn dad masala (representatives in the government). Mawqifkiina cadaya oo isa soo bandhiga, ama "waa sidey idiin qarsataye qolbada la idin geliyey ku qafilnaada".

Horeynu u soo sheegnay in qabiilo qaarkood yihiin lafta jecli, ludda jecli, iyagaa isla raba jaga kasta ee dadweynaha reer Puntland u sinaayeen. Dadka la xaqirow hadeydaan dhulka wax ku lahayn maad iskaga tagtaan. Miyeydaan mawaadiniin ahayn? Miyaydaan canshuur bixin? Hadaba hadeydaan dad idin masala la idin siin, waa in la idinka daayo canshuurta, ama aad bixisiin ¼ canshuur ah. Maxaa idin aamusiyey? Ma in la idin furto baad ka baqdeen oo jagooyinka la idinka qaado? Ma qisadii saddexda nine ee qaawanaa ee ka baqay in la furto baa meesha soo martay? War maxaa la idinka furanayaa waxba ma haysataane?

Xaqii la daboolo uurkuu ka dilaacaa. Dadka la dulmayow isu soo baxa oo is uruursada, bannaanbaxyo smaya inta cadaalada jecel baa idin taageereysa oo idin soo raaceysa. Taariikhda dadka midab takoorka lagu samayey waxay qoreysaa in iyadoo loo adeegsanayo ey dadka cunta, askar bur la dhacda, biyo lagu rushayo, iyo jeelka oo loo taxaabo in dadkale oo aan la takoorine ay usoo baxeen oy taageereen sinaanta xaquuqda bani aadamka.

Ma mooganin guddiyadii Qaramada midowdey ay soo direen oo dadka waraysatay qolawalba meesha ay degto iyo inta ay yihiin. Warbixintii ay soo saartay qaramada Midoobay waxay ku qafilantahay meelaha la dhigo warbixinada Puntland (Archives of Puntland). Dad dana ka wata ayaa daboolaya waxayna u badan tahay in ay burburiyaan warbixinadaas muhimka ah.

Ma mooganin "Baha Quwaax" ee doorashadii 1969. Ma mooganin Magaca "Kurtumo" meesha uu ka yimid. Hadaba manta ayey talo idinla gudboontahay. Waa manta in aad isa soo bandhigtaan oo aad barlamaanka sannadkaan aad keensataan xildhibaano idin masala. Hadii aydaan manta isa soo taagin darka wax lagu qaybsanayo, waxaad sugetysiin goorta dambe ee ixiya.baarlamaan dad loo soo dirsanayo. Maanta ayey idinku haboon tahay in aad samaysataan hormuudyo siyaasadeed ee xaqiina bannaanka idiin soo dhiga.

Erayga "Kurtun" waa wax gaaban, qarsoon ee lagu turaanturoodo. Waa geed gunuf ah. Waa laan la gooyey, Waa wax dhulka ku aasan oo suulasha ku gooya. Ma waxaad door bideen in dad walaalihiin ah oo ciidaa ka badan aad xaqirtaan? sedkoodii qaadataan? iyaguna idiin sabraan? Dabadeedna aad dhaawacii af-la-gaado ugu dartaan? Waa ilhaamo meesha laga gaarey, ha ilaawin Ilaah baa deeqa bixiyee. Ma waxaa la gaaray in dadka look ala saaro garoor iyo garuun? Erayadaasi ma isla jir bay noo keenayaan? Erayadaasi keeni maayaan in aynu isu tagno iskaba daa in aynu Somali weyn isu geynoe. Islaanimada kuma jirto cadaalad darrada aad wadaan qabiilada maamulka haystahow.

Erayga waxaa loo isticmaalay waa yasid iyo quursi. Bal erayga kan isticmaala oo ku xumaynaya ruux walaalkiis ah, ee is biday in uu ka badan yahayow, miyaadan ogayn, hadii Ilaahay ku badiyey in uu ku gaasiri karo? Miyaadan ogeyn in Ilaahay uu ugu tala galay sidaas, hadeyba run tahay waxaad mala awaashay? Miyaanad ogayn in uu adiga berry kaa dhigi karo kurtun gaabta? Ma ogtahay in qooqa lagu halaagmo? U malayn mayno in aad wax ogtahay—wax dhoohan baad nala tahay.

Dastuurka ku meel gaarka ah ma aha mid saxa, ee yaan la idinku harawsan. Dastuurku ma aha kutub quraan ah oo aan wax laga bedeli Karin. Dastuurada wadamada horuumaray ayaa mar walba lagu soo daraa waxyaabo cusub oo wax lagaga bedelo wixii horay u jirey "Amendments).

La idiinma ogola in aad ka qayb qaadataan maamulka dawladaha hoose jagooyinkooda . Ma shiskaba daa tab saree. Ma shisheeye aan wadanka xaq ku lahayn baad tihiin? Waa maya. Hadaba maxaa la idiin hortaagan yahay? Ma ku sabraysiin hadii aan waxba la idiin ogolayn? Hadaba ballankeenu waa in aad sannadkaan ka soo qayb gashaan baarlamaanka. Marka aad ugu yartihiin waa in aad soo gelisaan todan xubnood oo xildhibaano ah. Ilaahay wuxuu yiri dadaala anna waan idinla jiraaye. Waa in aad gor-gortanka barataan, hadii kale waa in aad ……"Inta maamulka footka la saaro oo kurtumo meel ka fariistaan oo waxa lagu……. ". Sii wad gabayga.

Annagu waxaanu cod u nahay dadka aan codka lahayn. Hase yeeshee waxaan rabnaa in aanu ogaano dadka ay yihiin. Waxaa la yiri Nin aan ciyin looma ciyo , Nin aan is ciilin lama ciilo, Nin aan qaylin hooyadiiba qadisay. Kaca, Kaca, Kaca.

Markaan bal aan u jeensano qabiilada cad quureedka qaatay. "Waxaa jira qabiilo malaayiin ka badan oo masaakiin yar-yara lagu masaalaaye ". Annagu ma oran ee marxuun gabyaagii caanka ahaa ee Somalida baraarujiyey baa yiri. Waa dhowr qabiil oo aan sadkoodii ka qaadan golaha ee ogolaaday wixii loo soo gartay. Talo waxaan ku siin lahayn qabiiladaas in ay iska diidaan cad quureedka ay qaateen. Ma weligiin wax la idiin soo gartay baad qaadaneysiin, mise darka wax lagu qaybsanayo baad fadhiisaneysiin oo waxa aad xaq u leedihiin baad qaadaneysiin?

Waad ka badan tihiin dadka idinka wax idiin soo qaybiya oo idinka wax idiin soo garanaya. Waxaa la idiin qaatay in aad dalbataan saamigiina aad xaqa u leedihiin, ama aad uga baxdaan gola ceebeedka oo aad gobolkiina dawlad ka samaysataan. Markii la idin arko in aad dad wax garad ah tihiin baa la idin qadarinayaa.

Qabiiladiinaas dadkoodu tirada badan yahay ee aan miiska rag leeyahay meel ka soo gelin in iyaga wax loo soo garto mooyaane, waa la idinka arkay inaan dadnimo idinku jirin. Weliba cad quureedka la idin siiyey baad isku dirirtaan sidaad yey ama haad raq joogta tihiin. Waxaa idiin sharaf roon in aad ku biirtiin oo aad wax la wadaagtiin inta la qadiyey, ama ay cadaaladi timaado. Ha moogaanina in aad kurtumada ka mid tihiin-- Xildhibaanadiina ka kaxaysataan gola ceebeedka.

Waa ganacsatadiina waxa bixiya canshuurta ugu badan ee dalka soo gasha, berri iyo badba ha ahaatee. Waa idinka dadka ugu liita marka la eego horuumar la'aanta beelahiina. Ma waxaad oraneysaan waa nala ciilaa annaga? Jawaabtiinu noo beec ma aha. Ma awoowayaashiin baa dufooba idin yiri? Maxaa dadka idinka dad iyo dal yar idin hoos dhigay? Yaa idinkula ballamay in aad cad quureed qaadataan?

Puntland nabad gelyadeeda iyo horuumarkkedu wuxuu ku xirnaan cadaal ka timaada ummdeeda oo la tix geliyo xaquuqda ummada ku nool oo dhan. Markii ay timaado cadaalad iyo sinaan. Cadaaladi waxay imaaneysaa markii qabiilada awooda is biday ay ixtiraamaan oo xaqooda u ogolaadaan walaalohood aan awooda ku lahayn maamulka Puntland. Hase yeeshee inta ay jirto fikradaha ah anaa kaa laandheeraysan, anaa wax walbana isla jecel iyo huuhaa been ah, horuumar ma imaan karo.

Ma waxaynu rabnaa in aynu dhisno bulsho qaarna hodon yihiin iyagoo sidii qadowga ugu dul nool bulshada inteeda kale?

Nabadda wax ka fiican ma leh, hase yeeshee nabad aan cadaalad ku dhisnayn, waa qosol ku jab oo mar bay qarxeysaa. Hadaba dhidibo adag aynu u mudno, oo si xaq dhawr ah aynu dadkeena aynu xaqirnay xaqooda u siino.

Is weydiiya. Yaa mushkiladda xallin kara? Ma kuwa mushjiladda abuuray baa xallin kara? Ma kuwa laga gardaran yahay baa xallin kara? Waa idinka, dadla xallin kara. Ha ka sugin ninkii xaqaaga dhacay in uu cadkaaga kuu ogolaado.

Markaan talo waxaan u jeedinaynaa kuwa lagu tilmaamay kurtumaha reer Puntland, dadka xaqooda ku fadhiya ee cagta saaraya. Xaqii la caburiyo, uurkuu ka dilaacaa. Diinteenu way ka soo horjeedaa cadaalad darrada. Ku noqda kutubada, Ilaahna ka baqa oo ummadda xaqeeda u ogolaada. Hadaad walaalkaa xaqirto, faaiidadaad ka hesho qaaxo baad ka qaadeysaa, ubadkaaguna xaaraan quutayaal bay noqonayaa. Ma adduunka wixii xaaraan ah oo aad ka heshaan baad aakhiradiina ku bedelaneysaan? Waxaan ilaawey in qaarkiin ay ku aqdaantaan diinta si ay ugu fushadaan danahooda.

Waxaynu dooneynaa in Ilaahay na gargaaro oo dhibaatada naga saaro. Hadii aynu dooneyno in aynu ka baxno cadaalad darrada aynu ka cabaneyno, waa in aynu guryeheena ka bilawno cadaalada. Sadaqada gurigaagaa laga bilaabaa. Horaan idiin weydiinay hadaad pgtihiin in Ilaahii idin badiyey in uu idin gaasiri karo? Ma ogtihhin walaalkiin aad u gafteen in Ilaahay idinku eegayo? Ma ogtihiin in Ilaahay idin dhex gelin karo colaad aad ku kala gaasirantaan?

Waa in aynu walaaleheen aynu u gafney marka hore xaqooda siinaa, marka xigana sed bursi siinaa (Affirmative Action). Waa in aynu madaxda wadanka inoo maamusha ka dhiganaa oo aynu uga dhignaa shifa-shifo iyo dhibaan-dhib intii horey loo gaarsiiyey. Marka kalena waa xaq in ay ka helaan oo ka galaan kaalintooda maamulka wadanka. Waxay leeyihiin aqoon yahanno farabadan oo ah kuwa ugu firfircoon goboladeena, kuna haboon meel kasta. Waa la doogine yaan la dacaroon.

W.Q. Musharax Cumar Farjac

www.farjacforpuntland.com /
Farjac@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  July 23, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS