SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAXAA LA GAAREY WAQTIGII BULSHADA PUNTLAND OO WADAJIR U ABAABULAN AY SAMAYN LAHAYD BANNAANBAXYO NABADEED OO LAGU CASILAYO TALISKA FASHILMAY EE PUNTLAND -QAYBTA KOOWAAD.
Qore: Musharrax Cumar Farjac

Qorshaha nabad gelyo, Dhaqan-Dhaqaale, Hilitaan Maamul Ummadda Hagar La'aan ugu Adeega, iyo Midnimada Puntland, Waxaa Waajib Ka Saaran Yahay Guurtida oo Kaashanaysa Qaybaha Kale ee Bulshada Puntland.

Goormaa la sameeyaa bannaanbax lagaga hortegayo falalka xun ee dawladeed?
Dawladaha xorta ah oo demoqraadiyaddu ka aasaasantahay waxay dadweynahooda u oggolyihiin in ay ku bannaan-baxaan markii ay dawladu wax qalad ah samayso.

Dadweynuhu Markey dareemaan in ay dawladu qalad ku jirto waxay wax ku saxaan iyaga oo abaabula bannaanabaxyo ay ku muujinayaan sida aanay raali uga ahayn falalka dawlada. Bannaan-baxyada taariikhiga ah ee liddiga ku ahaa dawlad waxaa ka mid ah kii Hindiya ee uu abaabulay Mahatma Gandhi oo dawladii aduunka ugu xoog badnayd ku cadaadiyey in ay xorriyad siiso qaarad-hoosaadka Hindiya (Inida, Pakistan and Bangladesh). Sidoo kale dhanka Mareykanka si loo joojiyo midab takoorkii ka oognaa wadanka ayaa kooxo ka quustay in midab faquuqu joogsado ay dawlad gobolledyada uu midab takoorku ka jirey ay ka bilaabeen bannan-baxyo ka soo horjeeda midab takoorka ka oognaa raacidda gaadiidka (basaska dadka madowga ah waxay fariisanjireen dhanka dambe, caddaankuna wuxuu xaq u lahaa meeshu rabo in uu fariisto). Haweeney madow oo la yiraahdo Rosa Parks ayaa diiday in ay baska ka fariisato dhanka dambe ee madowga loogu tala galay. Falkaasi wuxuu curiyey in markii la xiray ay ummadda madowga mareykanka iyo caddaanka taageera xaquuqda bani aadamka ay iska joojiyaan raacidda basaska. Isla markaana dad badan ay ku soo ban baxeen magaalooyinka koonfurta si ay u muujiyaan in aanay raali ka ahayn midab takoorka ka jira raacidda gaadiidka. Bannaan-baxyada lidka ku ah midab takoorka aad bay ugu baaheen dawlad goboleedyada koonfurta, waxaana ugu caansanaa socodkii dheeraa ee Salma.

Banaan baxyadaa waxaa dadweynaha madoobi ku gaarey sinnaanta xaquuqda dadka madoobi la siman yahay dadka caddaanka.

Dawladaha dimoqraadiga ah waxay aaminsanyihiin in dadweynahoodu xaq u leeyahay in ay ku soo bannaan-baxaan dawladda markii shicibku dareemo in ay dawlada falkeedu ahayn mid ku dhisan cadaalad iyo dhawritaanka xaquuqda shicibkeeda.

Ujeedada laga leeyahay maqaalkaan waa in la dareensiiyo dadweynaha Puntland in ay ka gilgishaan, ka giriirixdaan, kana dhiidhiyaan falalka foosha xun ee dawlad-ku-sheegga ka aloosan Puntland.

Taariikhda bannan-baxyadu dhacayaan, waa lagama maarmaan in ay masuuliyiinta ama hogaamiyayaasha bulshadu qorsheystaan maalmaha iyo meelaha ay ka dhacayaan bannaan-baxyadu, isku waqtina ahaadaan.

Waxaanu ku talinaynaa in ay dhacaan maalmaha iyaga suura gal u noqon kara sida jimcayaasha marka Salaadda laga soo baxo. Annagu waxaanu soo jeediney in bannaan-baxyadu bilawdaan bisha August kowdeeda 2008 (August 1st 2008), lana wado intii laga mira dhalinayo..

Hadaba halkaan waxaan ku falan qayneynaa oo ku lafa gureynaa sababaha keenay in aanu kicino wacyiga siyaasadeed ee dadweynaha Puntland iyo siyaabaha aanu u dooneyno in uu u dhaco mudaahiraadku.

Horeybaanu ugu sheegnay dhallinyarada saxaafadda Puntland in qalinku ka xoog badan yahay hubka ugu xoog weyn. Hadaba waxaa manta la gudboon saxaafadda Puntland sidii ay dadkooda iyo dalkooda qalinka ugu hiilin lahaayeen una bad-baadin lahaayeen, ayna u daba qaban lahaayeen Puntland. Waxaan ka rajayneynaa in ay dadka wacyigooda siyaasadeed kor u soo qaadaan ayna dareen siiyaan in ay xaquuqdooda soo ceshan karaan. Hadaba saxaafadu waa in ay mar walba tixgelin siiyaan xasiloonida, wax walbina ku dhacaan si nabd gelyo ah.

Dulucda maqaalkaan dhan wuxuu ka yahay is barbar dhigid aanu isku barbar dhigeyno xaquuqda dadweynaha ku nool dawladaha xaqa ah oo shicibkoodu doortay iyo shicibka ku hoos nool taliska fashilmay ee Puntland oo aan shicib dooran.

Dhanka kalena wuxuu qoraalku bayaaninayaa sida ugu hufan ee bannan-baxu u dhici karo iyadoo la dhawrayo nabadda iyo deganaanta.

Midda hore, dawladda shacabku doorto ee ka jirta wadamada kale waa mid xaq ah, midda ka aloosan Puntland ma aha mid xaq ah oo shicib doortay. Arrintaasi isku qabad ma leh, mana qarsoona.

Su'aasha hore waa: Dadweynaha Puntland xaq ma u leeyihiin in ay bannaan-bax liddi ku ah taliska fashilmay ee Puntland ku samayaan? Jawaabtu waxay annaga nala tahay in ay dadweynaha reer Puntland ay xaq u leeyihiin in ay ku bannan-baxaan dawlad cadaalad darro ku haysa shacabka hadii ummadaha xorta ahi ay xaq u leeyihiin in ay ku banana baxaan dawlad ay iyagu xaq ku doorteen.

Sua'asha labaad waa: "Hadii ay xaq u leeyihiin in dad weynuhu ku bannan-bixi karo dawlad ku sheega ka jirta Puntland, maxay yihiin sababaha ay shicibku ka xun yihinn? Hadaba si looga jawaabo suaashaan, waxaa marka hore is weydiin leh,
· "Maxay dawlad isku sheegga Puntland u qabatay shicibka Puntland?"
· "Maxay ku qabataa dakhliga canshuuraha iyo deeqda ay adduunka caalamku u fidiyeen shicibka Puntland?"
· "Maxay dawladdu ku samaysay lacagta adag ee laga qaado maraakiibta ka kalluumaysata badweynta Hindiya iyo Khooriga Cadmeed?"
· "Maxaa lagu qabtaa lacagta laga qaado maraakiibta ku soo xirata dekedda Bossaso?"
· "Maxaa lagu qabtaa lacagta adag ee laga qaado ganacsata wax soo dhoofisa iyo kuwa wax sii dhoofiya?"
· "Ma jirtaa wax la taaban karo ee dadka loo qabtay?" iyo suallo fara badan oo aanu ku wareernay idinkuna aad ku wareereysaan is weydiinteeda.

Waxaa maskaxdayada ku soo dhacay su'aalo farabadan oo maanka gadaya, qaarkoodna ay dadweynaha ka caraysiinayaan, dadka qaarkiisna gaarsiinaya waali iyo in ay wax halleeyaan.

Hadaba ujeedada maqaalku ma aha in dadka la gaarsiiyo heer ay wax bi'in ku geystaan ee wuxuu ku egyahay in ay dadku dareemaan in ay xaq u leeyihiin in ay muujin karaan in ay ka xun yihiin falalka foosha xun iyo wax qabad la'aanta ka jirta Puntland, iyo sida shicibku uga xun yahay takri falka lagu hayo khayraadka iyo dakhliga dalka.

Hadafka iyo miro dhalka bannan-buxuna noqdo in dadka maamulka foosha xun isku xanjaynaya ay is gartaan oo ay iskaga tagaan maadaama aanay dadka wax dan ah aanay u hayn. Waxaan la yaabanahay waxa maamulka qaarkiis uu sugayo. Miyaaney arag in asaagood ay ka carareen maamulka naf la caariga ah. Miyaanaey arag inta wasiiro, iyo wasiir-ku-xigeeno ka tagtay? Maye madaxdii maamulka wax ka hayn jirtay? Ma sidaaseynu raali ka nahay mise waa isa saxeynaa oo aayatiinkeena baynu ka talinaa?

Sideebaa loo samayn karaa bannan-bax lagaga soo horjeedo falalka qaabka daran ee dawlad isku sheega ka aloosan Puntland? Maxaase ka imaankara?
Taliska Garowe manta ka amar-ku-taaglaynaya waa naf la caari aan is ogayn. Dayga ba'ay waxaa rajo kaga jirtaa in maamulku ku soo noqdo xukunka, diyaarna wuxuu u yahay in uu iibsado xubnaha baarlamaan ka jira Puntland hadey ka yeelaan in kastoo aanaanu rajaynayn.

Ma mooganin in wadanka dhaqaale xumo ka jiro, ma mooganin in dad badan ay gaajaysan yihiin; ma mooganin in xildhibaanadu ay ku jiraan dadka dhaqaala xumadu saamaysay, hase yeeshee, taasi cudur daar uma noqoneyso in ay codkooda iibsadaan. Waayo codka ay iibsanayaan waxaa iska leh dad weynaha ay masalayaan. Ha ilaawina murtidii oraneysey –(NIN AGOON KU XADAY QALIN QAAXO KAMA MAQNAATO).

Ruux walba oo ah xildhibaan wuxuu masalayaa dadweyne farabadan. Dadweynahaasi raali kama aha in codkooda la iibsado.

Dadka badankiis waxay u haystaan in ay yihiin xubnaha baarlamaanka meesha sartu ay ka quruntay. Hase yeeshee dadka qaarkiis waxay u haystaan, goobta boogtu ay ka bogsan la'adahay in ay yihiin Isimada soo xula xubnaha oo darka keena. Iyaga ayaa ka masuul ah dac darrada iyo dhibaatada iyo duumada manta ku habsatay Puntland.

Isimadu waxay awood u leeyihiin in ay dib u soo ceshadaan xubnaha u fadhiya golaha baarlamaanka markii ay ku shaqayn waayaan danta caamka ah, ama ay ka gaabiyaan waajibaadkooda. Hadaba iyaga oo og in xubnohoodu ay noqdeen kuwa biiri qaatayaal ah ayaaney waxba ka oran.

Xubnaha golaha baarlamaanku waa ilaaween xilkii la saaray, waxay badankooduna noqdeen kuwo golahaba u tagay sidii ay luf-luf uga heli lahaayeen. Isimada qaarkood waxaa lagu xantaa in ay wax-wadaag la leeyihiin xubnaha ay baarlamaanka geeyeen, sidaa darted in aaney bedelin kan ay uga barteen wax-la-qaybsiga. Hadaba arrintaan qoraal labaad baan ku falanqayneynaa.

Xubnaha golaha barlamaanku waxay awood u leeyihiin in ay casilaan taliska dawladda isku sheegga markii ay damcaan hadii 2/3 (saddex meelood, hadii laba meelood oo ka mid ah) ay isku raacaan. Xubnaha golaha baarlamaanku ma moogana musuq maasuqa, maamul xumada, kala boobka hantida Puntland, takri falka khayraadka dabiiciga, kala qoqobashada ilaha dhaqaale, dhaca, burcad badeedka, boobka, nabad gelya xumida ay xubnaha dawlad ku sheegu u yihiin hormuudyada, abaabulayaasha, iyo kala dhan-taalidda irisnimadii Puntland

Waxaa su'aali ka jirtaa "Miyaanay xubnaha golaha barlamaanka ka giriirixankarin xumaha lagu hayo Puntland?"

Sow Puntland ma aha hooyo? Sow ma aha meesha dhashiinu u aayeyso, una aayi doonto? Miyeydaan u nixi hayn hooyo Puntland? Ogaada in la idiin jeedo inaad noqoteen dhurwaayo maandeeq qaarka dambe ka cantuugaya, la idin arkayo xumaha aad faraha kula jirtaan, la idinku fiirinayo goortaad is daba qaban doontaan. Ogow adiga xildhibaanka ah ayaan kula hadlaynaa. Dhowaan waa la is cambaarayn, waana la tilmaamin inta xumaha iyo dhabar jebinta ku haysa hasha "Maandeeq", taariikhduna waa dhaxal. Waxaan hubaa hadii aydan idinku cambaarayn taliska Puntland halaagaya in dhowaan tuugada nafsadeedu ay adiga kugu cambaaraynayaan in aad adigu tahay meesha baruuruhu ka qurmeen. Xildhibaan waaga dambe u yeelo ceebta dhabar aad ku qaadato. Adigu is weydii in aad noqoto tukaha cambaaraysan. Ogow shicibku waa marag, waa kacayaa dhowaan, xilligaagiina kuu dhammaa, adiguna ceeb la hoyatay. Jidad badan oo aad wax ku saxdo baa kuu banaan. Mid ka mid ah naga qabo, waana naga talo. Noqo adigu ruuxa isugu keena golaha xildhibaanada shir deg-deg ah. Noqo ruuxa dhaleecada dusha uga tuura talsika xuma falka Puntland oo dalba in taliska dawlad ku sheegu uu is casilo.

Ogowe hadii aanu halkaaga joogno waanu abaabuli lahayn shir deg-deg ah oo qayr caadi ah. Hase yeeshee maahmaahdii may-mayga ahayd waxay tiri "Ma roogin lan aa koo weelaase"—Micneheedu waa "Ma joogin nin bay kaa dhigeysaa". Hah, haddaan joogi lahaa sidaas iyo si ka daran baan yeeli lahaa.

Hadaad aragtaan dad waalan oo baabi'naya wadanka miyeydaan ka qaban hayn?
Annaga waxay nala tahay in aanu ka qaban lahayn.

Qaabka loo doonayo in bannan-baxu u dhaco

Waxaa la doonayaa in bannaan-baxu u dhaco si hufan oo aan fadqalalo lahayn. Hadaba waxaan soo jeedineynaa in bannaaanbaxa ay abaabulaan, hormuudna ay u noqdaan Isimada, culamaa u diinka, nabadoonada, ganacsatada, ururada haweenka, xildhibaanada, aqoon yahannada, dhallinyarada jaamacadaha, dhallinyarada dugsiyada sare/dhexe iyo hoose, abwaanada, askarta, iyo shaqaalaha dawladda. Hormuudyadaasi waa in ay soo kiciyaan dadweynaha iyagoo ku dhawaaqaya in Talsika Puntalnd uu is casilo.

Hadaba waxaa ka horeya bannaan-baxa arrimo nabad gelyada shiciba lagu dhawrayo. Waad ogtihiin in talsika xukunka ku naaxay aanu ogolaanayn in ay ka dhacaan xukunka. Waxay hadaba ku dadaalayaan sidii ay wax u yeeli lahaayeen shicibka bannaan-baxa xaqa ah doonaya. Hadaba waxaanu ka codsaneynaa Isimada iyo nabadoonada in ay wada shiraan oo ay ka shiraan sidii ay ku daafici lahaayeen ayna ku ilaalin lahaayeen in aan shicibka dhibaato loo geysan.
Hadaba:
· Waa in ay abaabulaan maliishiyada qabiilada oo ay si isku duba ridan uguna qaybiyaan dhabooyinka, wadooyinka, iyo jidadka iyo garoomada shicibu ku bannan= baxayo iyo meelaha ay isugu tegayaan oo Isimadu ugu khudbaynayaa.
· Waa in laga ilaaliyo shicibka in ay soo dhex galaan dad qalalaase wada oo shicibka dhexdiisa la soo gala hub.
· In loo abaabulo kala horeyn: Isimada iyo nabadoonada oo u horaya, Culamaa-u-diinka, ganacsata, ururada haweenka, xildhibaanada, aqoon yahannada iyo ardada jaamacadaha, dugsiyada sare/dhexe/hoose dhallinyarada, shicib weynaha oo ku xiga.
Miliishiyada oo jidka ka ilaalisa shicibka. Sababta aanu miliishiyada ugu qaybinay jidadka waa in ay daafacaan shicibka hadii talisku ka soo weeraro dibadda.
· In shicibku aanu wax gardarro ah aanu ku kicin.
· In shicibku muujiyo nadaam iyo hufnaan iyo wax maqal ayna ka dambayaan Isimada.
· Marka shicibku isugu tago goobaha loogu tala galay in ay dhegeystaan isimadooda, nabadoonadooda iyo culamaa-u-diinka, ayna xafidaan talooyinka loo soo jeedinayo.
· In la dhawro nidaamka banana baxa.

Qore
Musharax Farjac

Shacabka Puntland oo soo dhaweeyay Murashax Cumar Cali Farjac - July 18

Faafin: SomaliTalk.com |  July 20, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS