SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRIKA

Hilib dameer mise mid digaag, midkee lagu quudiyaa qaxootiga ku jira xerooyinka K/Afrika?.

Raashiin qurmey, hilib dameeraad, oo waliba harigii ku dahaaran ayaa la sheegey in lagu quudiyey boqolaal Soomaali ah oo xero qaxooti ku jirta.

Saraakiisha caafimaadka ee Cape Town ayaa sheeybaar caafimaad u direy cunto bisil oo loo qeybiyey boqolaal qaxooti ah oo eey Soomaali ka midtahay, kuna jira xerada Suetwater ee Cape Town, kadib markii laga cowdey in hilibka loo keeney uu ahaa mid Qurmey, isla markaasina u muuqda hilib dameer. Soomaalida: Cambuulo ma cuno!

Sida maanta lagu faafiyey webka ay leeyihiin jaaliyada Soomaalida dalkani (Somaliassociation.org) Haweeney dhanka dowlada hoose ah oo laga soo doorto aagaasi, gabadha lagu magacaabo Felicity Purchase ayaa sheegtey in raashiinka qaxootiga loo qeybiyey loo direy sheeybaar caafimaad si loosoo baaro qatarta caafimaad ee uu leeyahay, tani ayay ku sheegtey kadib markii dadkaasi loo qeeybiyey raashiin bisil oo shiiraya, isla markaasina qurmuunkiisa aadan sanka u duwi karin, waxay tiri “raashiinka dadkaasi la siiyey xittaa eeygeyga uma quuro, iskaba dhaaf qof bini’aadam ah, waxaa hubanti ah in raashiinkaasi uu yahay mid qatar caafimaad leh”. Ayay tiri gabadhani oo la hadashay saxaafada, kadib markii eey indhaheeda saartay nooca raashiinka la qeeybiyey, oo eey tiri “waan ku hunqaaci gaaray, sanka kaliya oo aan saaray”.

Waxaa kale oo ey sheegtey in labbo maalmood ka hor ay dadkani ka cawdeen in cuntadii loo keeney ey ku jirtey tin, isla markaasina hilbaha uu haragii xoolaha ku yiiley, maantana cuntadani ay tahay mid quruntey,qaxootiga ayaa sheegey in hilbaha la siiyo ay u maleeyeen hilib dameer.

Xeradani oo lagu magacaabo Suetwater, kuna taala marajal baxreynka (halka labbada bad isaga daraan), ayaa iminka waxa ku jira 850 qaxooti ah, oo eey boqolaal Soomaali ah ka midyihiin, waxaa dadkani raashiin bisil maalintiiba labbo jeer siiya hey’ad lagu magacaabo Mustafiin Foundation, afayeen u hadlay hey’adani ayaa sheegey in eey cabashooyin ka heleen qaxootiga laakiin wuxuu diidey in raashiinka uu ahaa mid qurmey. Wuxuu intaasi ku daray in Soomaalida ay ka cawdeen in raashiinka digirta iyo galayda cambuulada ah aysan cunin dhaqan ahaan “qofkasta ma qancin karno, laakiin waan dadaalaynaa, raashiinka la leeyahay waa uu qurmey, kormeerayaasheena midkood ayaa dhadhamiyey, wuxuuna sheegey in eeysan waxbo ka qaldanayn”.

Waxaa jirey muuqaalo TV-yada laga soo baahiyey oo muujinaya dad Soomaali ah oo cunto bisil ku qubaya qashin qubyada.

Waxaa jirey cabashooyin cuntada quruntey ku saabsan oo ka jira xerooyinka kale, tusaale ahaan xerada Young Field ee milatariga oo eey ku jiraan 616 qof , kana midyihiin 40 ilmo dhalaan ah, kana midyahay ilmo maalmo jir ah, ayaa la sheegey in todobaadkii hore la siiyey darsano caano qurmey ah. bishii hore ayay aheyd markii qaxootiga ay ku dhaqaaqay cunto ka soomid, kuna hanjabay in ey badaha isku guri doonaan, markaasi waxay ka cabanayeen xaaladooda nololeyd oo maalin kasta kasii daraysa, bil kadib wali waxaa jira xaalado adag, siiba xiligani oo qabow kii ugu darnaa uu dhacayo, oo waliba baraf sitta, oo waliba ay kusii darsantay maamul xumo iyo waxqabad la’aan xagga hey’adaha iyo dawlada ah. taasoo xaaladaha oga sii daraysa.


Cabdinaasir Axmed (Saxansoxo), Emailk: SouthAfrica@somalitalk.com, saxansoxo1@hotmail.com , Johannesburg South Africa.

Faafin: SomaliTalk.com |  July 13, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS