SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaalada bukanada ku jira Cusbiyaalka Keeysaneey oo liidata iyo kaalmo la gaarsiiyay.....

Sawirada Halkan ka daawo.....

Cusbitaalka Keysaney ee ku yaalla duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa maanta (Jimcadii) la Gaarsiiyay Deeq lacageed oo ay u soo direen Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan waqooyiga London ee dalka ingiriiska.

Deeqdaan ayaa waxaa qeybinteeda ka qeyb qaatay ururka daryeelka danyarta da.yar ah ee xirfad la.aanta ah
109- Bukaan ah oo ku jira cusbitaalkaasi ayaa waxaa loo qeybiyay lacag dhan 1050.Us. Doolar oo ay u soo wakiisheen Agaasimaha Ururka Daryeelka dhalinyaradda Xirfad la'aanta Md Nuur Xusen Cali , waxaana bukaan kasta gacanta loo geliyay lacag dhan Min laba boqol kun oo shilin Soomaali ah , iyadoo Bukaanka ku jira cusbitaalkaana ay gaaraayaan 109 bukaan oo qabay dhaawacyo kala duwan oo isugu jira kuwo ay xabdi soo haleeshay, kuwo qaba dhaawacyo cul culus oo ay ka soo gaareen Isbaarooyin iyo cuduro kale oo rabaani ah.

Gabdho Soomaaliyeed oo ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga London oo uu kaalmeynayay Ganacsade Cali Maxmed Jimcaale (Cali Ooyaaye) ayaa waxay si weyn isaga xil saareen sidii ay walaalahoodda Soomaaliyeed ee dhibaateysan ugu gargaari lahaayeen, waxayna guntida dhiisha iskaga dhigeen iyagoo iska soo uuruurshay qaaraan gaaraya 1050. US Doolar, si ay ula qeyb sadaan walalahoodda ku dhibaateysan gudaha magaaladda muqdisho gaar ahaana kuwoodda ku jira cusbitaaladda ku yaalla magaaladda Muqdisho.

Dr Cabdulaahi Xuseen Cabdi oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka hawlgalla Cusbitaalka Cusbitaalkaasi isla markaasna ka mid ah dhaqaatiirta Qaliinka ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee bukaanadda ku jira cusbitaalka iyo sida ay haatan Xaaladoodu tahay isagoo sheegay in cusbitaalka uu yahay kan labaad ee fuliya hawlaha qalinka iyo jabjabka, wuxuuna xusay in xiligaan aanu cusbitaalka xamili Karin in uu fuliyo hawlaha adeeg maadaama ayuu yiri ay laba laabmeen ka gadaal markii ay soo xirmeen inta badan cusbitaaladdii kale eemagaladda Muqdisho

oo uu sheegay in ay qeybsan jireen xiliyadda ay jiraan hawlaha adag, haatana cusbitalku uu yahay mid uu ka jiro culeys badan oo labalaabmay xiligaan

Aniso Muuse Maxamuud waa 14 sano jir ay miino kula kacday Magaalada B/weyne iyada iyo gabad kale oo u geeriyootay qaraxaas aniso xaaladeeda ayey ka deyrinayaan dhaqaatiirta caafimadka ee ispitaalka keysaney waxaana burbur ka soo gaaray wejiga sida sanka indhaha ,madaxa iyo gacanta

Udgoon Cabdulaahi Cali waxay ka mid tahay bukaanada jiifa ispitaalka keysaney mudo 3 bilood laga jogo ayaa waxaa ku qarxatay faynuus ay shiday waqti habeen ah waxaana dhawac dabka so garay wejiga iyo xabadka oo ay ka gubatay xaaldeedana waa iska rontahay ,

Cabdi xakiim Xaaji Xasan waxaa ka goy.day lugta midig halka uu ka jabay lugta bidix waxaana uu sababsaday qarax ka dhacay KM4 oo uu la kulmay xili uu halkaa uga dagayey gari BL ah oo ka racay suuqa bakaaraha ,

Cali Dalmar xabad ayaa gashay isha hoosteeda oo fadhida feeraha dhanka bidix wuxuuna ka neefsadaa dhuunta oo tubo laga galiyey Cali adan dalmar labadisii waalid waa ay geriyoodeen waxaa la joogto hada walaashiis oo aan waxba heysan ,

cabdi kariin maxamed siidow waa 27 jir waxaa hada lag ahaayaa dhinaca oo nabar uga so baxay markii horana lagu sheegay tuf ka dibna ay qaaday infection

Dr Cabdulaahi waxaa kale oo uu sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa maadaama ay garteen in ay kaalmeeyaan walalahoodda dhibaateysan ayuu kula taliyay in ay mideeyaan fikradahoodda islamarkaasna ay kaalmadoodda qeyb ay u weeciyaan in ay dayactir ku sameeyaan cusbitaladda kale ee uu soo gaaray bur burka ka dhacay dalka si ay u yaraato buu yiri culeeyska haatan haysta cusbitaalka Kaysaney

Dr Cabdulaahi Xuseen waxaa kale oo uu u mahad celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee wqooyiga ingiriiska dadaalkoodda ku wajahan kaalmeynta walalahoodda Soomaliyeed waxaana uu ku booriyay in ay ku daydaan jaaliyadaha kale ee dalalka caalamka

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay madaxa caafimadka ee cusbitalka Kaysaney Xaji Muuse Xasan iyo agaasimaha Ururka Daryeelka Dhalinyaradda Xirfad la'aanta ah Md Nuur Xusen Cali, kuwaas oo sheegay in ay deeqdani tahay mid loo baahnaa wxayna xuseen in dadkii soo sadaqeystay in uu ilaah ka siiyo ajir iyo xasanaad

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay gabdho Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Ingiriiska ay sii gaarsiiyaan deeqdaan mid la mid ah waxayna horay u so gaarsiiyeen tan mid la mid ah oo loo soo marsiiyay ururkaan.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  July 12, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS