SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

ِThe  Alliance for The Re-liberation of Somalia

___________________________________________________________________ 
 

Warsaxafadeed 
 

Isbahaysiga dib U Xoreynta Soomaaliya wuxuu si kulul u cambaareynayaa dilkii loo geystay madaxa Hay’adda UNDP Somalia, marxuum Cusmaan Cali Axmed,   falkaasoo ahaa mid naxdin iyo argagax leh , kana fog Islaannimada , iyo dhaqanka soomaalida ayaa waxaa wax lala yaaba ah in ruux muslim ah oo ka soo baxay misaajid uu ku cibaadeysanaayey  lala beegsado fal noocaas ah, taasoo si cad uga soo horjeeda shareecada Islaamka iyo dhammaan xeerarka kale ee adduunka looga dhaqmo, waxaana cad in falalka noocaas ah laga leeyahay ujeeddo gurracan oo ka fog Islaannimada, halganka shacabka soomaaliyeedna wiiqeysa. 

Isbahaysigu wuxuu kaloo cambaareynayaa dhammaan falalka dilka iyo afduubka oo loo geysanaayo shaqaalaha hay’adaha samafalka ee ku hawlan u adeegidda maatada iyo  dadka tabaaleysan. 
 

Waxaan  kaloo ku baaqeynaa joojinta falalka aan kor ku soo sheegnay iyo  in la sii daayo dhammaan shaqaalaha ajnabiga iyo kuwa soomaalida ah oo muddo afduubka loogu haysto  soomaaliya gudaheeda. 

Ugu dambeyntii Isbahaysigu wuxuu tacsi u dirayaa ehelladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Cusmaan Cali Axmed, una rajeynayaa hay’adda UNDP inay hawlaha ay dalka ka wado ka niyad jabin balse ay sii labalaabto sidii ay ugu gurman lahayd shacabka soomaaliyeed ee xilligaan ku sugan xaalad banii’aadamnimo oo adag.  
 

Djibouti, 07/07/2008

Xafiiska Warfaafinta ee ARS 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 8, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS