SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

In ka badan 45 indhoolayaal ah iyo dad kale oo isugu jira waayeel , cuuryaamiin iyo dhawacyo oo ay qaar ka mid ah jaaliyadaha ku nool dalka Norway gaar ahaan Magaalada SYKKYLVEN deeq lacageed dhan $ 1000 soo gaarisiiyey....

Sawirada Halkan ka dawo...

Kaalmadaan lacageed oo gaaraysa $1000 ayey iska soo uruuriyeen muxsiniin ku nool dalka norwey gaar ahaan Magaalada SYKKYLVEN kuwaas oo soo wakiilshay Cabdiraxman adan yuusuf oo isne soo gaarsiiyey Muuse Maxamuud Jiisow si uu ugu qeybiyo dhibanayaasha guryahoodii isaga hayaamay oo ay dantu biday in ay geedaha hoostooda qodxaha ka jaftaan si ay ugu nabadgalaan gantaalaha iyo madaafiicda ka socoto guryahooda sidoo kale waxaa jirtay gabar markii labaad indhoolayasha u so diratay deeq lacageed oo iyana manta soo gaarsiisay $ 100 dolar oo la yiraahdo Khadro Adan Xasan dagan holand soo marsiisay Maxamed cabdi Muuse casir ( soo jeede ) oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka indhoolayaasha somaliyeed ee fadhiisu yahay Magaalda Muqdisho oo indhoole ah ,

Ilaa 45 indhoolayaal ah ayaa isugu soo baxay barxadii lagu qeybinayey kaalmada ay soo direen diracyada dalka norwey kuwaas oo ka helay duco aan la soo koobi Karin waxayna ka farxiyeen wajiyo ay ka muuqatay diifta colaadeed iyo tan indho la.aaneed waxaana jiray kuwo ku cuuryaamay dhaawacyada ay garsiiyeen hubkii ay ridayeen cidamnada Dalka Ethiopia waxaana ka mid ahayd gabar lagu magacaabo Shamso Cabdulle Jimcaale Weydow ,iyo laba wiil oo kale waxayna ku bodayen ulo ,

Shamso Cabdulle Jimcaale weydow ( shamso cabdulle wire ) hada iyadu waxay ku socota gariga cuuryaamiinta ka dib markii ay ka naafowday qaarka hoose madfac ku dhacay iyada o gurigeeda jogto dagaalkii loogu magic daray foriyaha . waxayna ii sheegtay in ay dhaqaajin karto oo keliye gacmaha iyo qaarka sare iyada oo hadalkeeda ku dartay in aysan ceshan Karin saxarada iyo kaadida oo aysan war u heyn wixii ka yimaada ,

Shamso ayaa sheegtay la geeyey ispitaalo fara badan si wax loogu qabto hase yeeshee waxaa loo sheegay in aan dalka gudihiisa wax looga qaban Karin waxayna hada sugeysaa cid wax u qabata si caafimadkeedii uu soo labto oo ay adimadeeda dib u isticmaasho

Shamso Cabdulle Jimcaale weydow ( shamso cabdulle wire )” waxaan ka codsanayaa dadka somaliyeed hay.addaha caalamiga ah in ay isku dayaan sidii aan ku heli lahaa ispitaal wax ka qaban kara arintayda “


Kaalmadaan manta ayaa waxaa intii badnayd nasiib u yeeshay in ay qaataan xubno ka socday ururka indhoolayasha somaliyeed ( saab ) waxayna ka kala yimaadeen 16 ka dagmo ee magaalada Muqdisho iyo 1500 qoys oo ka barakacay guryahoodii kuwaas oo ku sugan banaanka magaalada Muqdisho

Indholayaashaan ayaa ahaa rag , dumar ,caruur ,waayeel Gudoomiye ku xigeenka ururka Maxamed Cabdi Muuse Casir oo saxaafada la hadlayey ayaa ka mahdceliyey kaalmadaan lacageed ee la gudonsiyey manta wuxuuna sheegay in aysan ku filneyn oo halkaas uga baxday baahidii ay qabeen wuxuuna sheegay in y jaaliyadu joogteenyaan kaalmada aan ka sugeyno indhoolayaasha oo isku duuban



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  July 7, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS