SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
05 July 2008.


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga
Dad ay ciidammada gumaysigu laayeen
Xidhay iyo dhibaatooyin kale oo ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha
Sharciga cusub ee miidhiyaha ee Itoobiya oo la dhalliilay
Madaxwayne Mugabe oo wadaxaajood oggolaaday
Barnaamijkii Aragtida halgamaaga(Maxaa saldhig u ah guulaha ONLF?).


======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumayisga

Dagaallo dhawr ah oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya maalmihii u denbeeyay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 33 askari, 29 kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale dagaalladaas lagaga gubay labo baabuur, sidaas waxaa noo stabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dhaceen sidatan;

03/07/08 CWXO ayaa gacanta ku dhigay degmada Laga-Hidda, oo Fiiq ka tirsan, ka dib markii ay weerar qorshaysan halkaas ku qaadeen isla markaana ka itaal-roonaadeen ciidammadii gumaysiga ee halkaas joogay. Ciidammada gumaysiga ayaa markii ay dareemeen inayna u babac-dhigi karin CWXO waxay miciinsadeen cagahooda, waxayna u kala firxadeen meelo kala duwan. CWXO ayaa weerarkan labo baabuur kaga gubay ciidammada gumaysiga, isla markaana kaga furtay hub iyo saanad kale oo badan.

02/07/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Sagag, waxayna weerarkaas kaga dileen inta la ogyahay 9 askari, 6 kalana way kaga dhaawaceen.

Isla 02/07/08 dagaal ka dhacay duleedka Wiji-Waaji, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/06/08 weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Haar-Galool, waxaa lagaga dilay 18 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/06/08 dagal ka dhacay meesha lagu magacaabo Carabi-Ciid, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 3 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dad ay ciidammada gumaysigu laayeen

Ciidammada gumaysiga ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin. Dadkaasi waxay kala yihiin;

26/06/08 magaalada Qabridaharre waxay ciidammada gumaysigu ku dileen labo arday, waxaanan magaciisa helnay Maxamed Deeq oo kaliya.

Isla 26/06/08 Dudumo-Cadka waxay ciidammada gumaysigu ku laayeen lix qof oo shacab ah, waxaanan magaciisa helnay nin ka mid ah oo lagu magacaab Xasan C/llaahi.

21/06/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Fiiq ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Aaden Mukhtaar.

27/06/08 waxay ciidammada gumaysigu dab qabadsiiyeen tuulada Har-Galool, oo Fiiq ka tirsan, waxayna jidhdil ba'an ugu gaysteen dadka kala ah;
1- Ardi C/nuur iyo
2- Sh Maxamuud Raabi

Xidhay iyo dhibaatooyin kale oo ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha

Ciidammada gumaysigu waxay dhibaatooyin kala duwan oo xidhay iyo dhac isugu jira u gaysteen dad rayad ah oo kala ah;

26/06/08 degmada dannood waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Faarax Cali-Good
2- Naasir Macalin Ciraaq iyo
3- Xaliimo Sulub

05/06/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo tiradoodu labaatan kor u dhaafayso. Qaar dadkaas ka mid ah ayay sheegeen inay xabsi ku xukumeen, kuwa kalana xabsiga ayay iskaga haystaan. Dadkaasina waxay kala yihiin;
1- Cabdi Ceejiye oo ay sheegeen inay 3 sano oo xadhig ah ku xukumeen
2- C/llahi Xaashi
3- Axmed Yuusuf
4- Ibraahim Cabdi
5- Nuur Qawdhan
6- Muxumed Xasan
7- Daahir Cumar
8- Bashiir Cabdi Xayi
9- Rabiic oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
10- Axmed Yaasiin
11- Shaafi Cabdi Hiirad
12- Xasan Waayeel
13- Xamdi Dayib Xuseen
14- Jawhara Bashiir
15- Kaahin Maxamed Dhogor
16- Cali-Food Xuseen
17- C/llaahi Gurey
18- Axmed Nuur-Gaab
19- Ibraahim Hurre
20- Khadar Aaqil iyo
21- Axmed Guudle Khaliif

Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu Gurracan, oo Awaare ka tirsan, ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Aabi Cartan Rooble
2- Deeq Gaandi iyo
3- Takhal Cabdi Cismaan

Sharciga cusub ee miidhiyaha ee Itoobiya oo la dhalliilay

Sharicga cusub ee xukuumadda gumaysiga Itoobiya u dajisay Miidhiyaha ayaa si wayn loo dhalliilay, isla markaana lagu tilmaamay inaanuu ahayn mid damaanad qaadaya xorriyada saxaafada.

Xukuumadda gumaysiga ah ee Meles Zenawi ayaa lgu tilmaamaa inay ka mid tahay xukuumadaha adduunka ugu cadowsan saxaafada ee sida wayn u cabudhiya saxaafada iyo suxufiyiinta.

Sharicagan cusub ee Miidhiyaha, oo aan waxba ka duwanaan doonin sharciyada kale ee sida quruxda badan loo dhigay, balse aan lagu dhaqmin, wuxuu jidaynayaa in faaf-reeb lagu samayn karo waxyaabaha ay saxaafadu qorayso ama ay baahinayso.

Wuxuu sidoo kale jidaynayaa in mar kastaba la mamnuuci karo faafinta wargaysyada ama warbaahinta elagtarooniga ah iyadoo loo cuskanayo nabadgelyada qaranka.

Xukuumadda Meles Zenawi waxay xabsiyada dhigtay boqollaal suxufiyiin iyo hal-abuurayaal isugu jira, qaar kale oo badana way laysay dhawrkii sano ee u denbeeyay, waxay sidoo kale mamnuucday in saxaafada caalaimaga ahi ay gasho meelaha ay ka taliso.

Madaxwayne Mugabe oo wadaxaajood oggolaaday

Madaxwaynaha waddanka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa jimcihii daboolka ka qaaday inuu garowsan yahay lagama maarmaanimada wadaxaajood uu la galo xoogagga mucaaradka ah, hase yeeshee wuxuu isaguna dhinciisa mucaaradka ka dalbay inay ka waantoobaan sheegashada ay sheeganayaan inay doorashada ku guulaysteen, isla amrkaana ay aqbalaan inuu isaguna yahay madaxwaynaha waddanka Zimbabwe.

Madaxwayne Mugabe ayaa hadalkan ku dhawaaqay, ka dib markii uu ka soo laabtay shir madaxeedkii Midowga Afrika ee lagu qabtay dalka Masar, kaasoo maalintii talaadada ahayd ugu baaqay inuu wadaxaajood la furo mucaaradkiisa uu hoggaaminayo nink alagu magacaabo Morgan Tsvangirai.

Madaxwayne Mugabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in mucaaradku ay waqica u hoggaansamaan oo ka hadhaan awood ku guulaysiga ay ku andacoonayaan, isagoo tilmaamay inuu diyaar u yahay wadaxaajood uu mucaaradka la galo.
05 July 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com |  July 6, 2008

BAARID | SEARCH


yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS