SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CASMARA

Faah faahin ku saabsan kalfadhiyada golaha dhexe iyo sida ay ku ansaxmayaan

Iyadoo labadii todobaad ee ugu dambeysay ay magaalooyinka Jabuuti iyo Asmara ay ka kala dhaceen kulamadii golaha dhexe ee isbaheysiga dib u xoreynta dalka Soomaaliya, khilaaf soo kala dhex galay madaxda isbaheysiga owgiisna ay kulamadaasi iska soo horjeedeen balse lagu kala sheegay in mid walba uu yahay mid sharci ah ayaa waxaa faah faahin ka bixinaya qaabka uu ku ansaxmayo kalfadhi uu yeesho golaha dhexe ee isbaheysiga iyo weliba shuruudaha looga baahan yahay madaxda ku baaqeyso qabsoomida shirka golaha dhexe, guddoomiyaha gudiga warfaafinta iyo wacyi gelinta golaha dhexe ee isbaheysiga Saleebaan Colaad Rooble.

"Sida ku cad qodobka 11-naad ee Axdiga u degsan isbaheysiga dib u xoreynta, xarafkiisa 2-aad, waxa uu dhigayaa golaha dhexe waa hay'adda labaad ee isbaheysiga,.. waa marka laga hadlayo qaab dhismeedka isbaheysiga.

"Qodobka 13-aad ee isbaheysiga xarafkiisa koowaad wuxuu leeyahay golaha dhexe waa awooda ugu sareysa ee leh qaadashada go'aamada masiiriga ah iyadoo la marayo qaabka loogu tala galay go'aan qaadashada".

"Isla qodobkaas xarafkiisa 2-aad wuxuu leeyahay, golaha dhexe ee isbaheysiga wuxuu ka kooban yahay 191 xubnood, oo uu ansixiyay shirweynaha".

QODOBKA 17-AAD FADHIYADA GOLAHA DHEXE EE ISBAHEYSIGA IYO GO'AAN QAADASHADA

Xarafka koowaad Golaha dhexe wuxuu kulmayaa sanadkiiba labo jeer, haddii aysan jirin sababo keenaya in wax ka badan la qabto.

Xarafka labaad kalfadhiga aan caadiga aheyn waxaa isugu yeeri kara:-

A, guddoomiyaha golaha dhexe ee isbaheysiga

B, guddooomiyaha golaha isbaheysiga, ahna guddoomiyaha gudiga fulinta oo weydiisanaya inuu u kulmiyo golaha dhexe shir aan caadi aheyn guddoomiyaha golaha dhexe.

C: saddex meelood meel xubnaha golaha dhexe ee isbaheysiga inay weydiistaan guddoomiyaha golaha dhexe.


3:- kalfadhiga golaha dhexe waxa uu ku guntami karaa

A, marka ay soo xaadiraan saddex meelood labo meel 2/3

Iyadoo tilmaamahaas cad cad uu dhigayo axdiga isbaheysiga, sideebuu ku qabsoomi karaa shirka golaha dhexe ee la sheegay inuu ka dhacayo Asmara, mase Zakariye Xaaji ayaa isugu yeeri kara golaha dhexe isagoo aan xubin ka aheyn isbaheysiga.?.

Sida aanu la socono qodobka 10-naad ee waayida xubinimada isbaheysiga xarafkiisa 5-naad waxaa ku cad in xubin ka tirsan isbaheysiga aaney ka mid noqon Karin isbaheysiga ama Xisbi kale oo siyaasadeed.

Sidaas darteed Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaan cadeyneynaa in uusan ka mid aheyn xubnaha isbaheysiga kadib markii uu ku biiray Xisbi siyaasadeed ka dhisan dalka Ingiriiska isla markaana u tartamay xubin golaha deegaanka ee magaalada London, waxaana iska cad in haddii uu Zakariye ku guuleysan lahaa xubintaas golaha deegaanka ee uu waayay maanta aanu dib ugu soo laabteen Asmara iyo isbaheysigaba.

Ugu dambeyntii waxaan cadeyneynaa in uusan wax sharciyad ah heysanin kulankaas la sheegay in xubnaha labaatanka gaaraya ee golaha dhexe uga furmay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, kol haddii qodobaas aan soo xusnay uusan meelna ka waafaq saneyn.

Ilo wargal ah

Faafin: SomaliTalk.com |  July 6, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS