Soomalida Gothenburg Sweden oo munaasabadii 1-ii Luulyo
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Gothenburg ee
dalkan Sweden ayaa u dabaaldatay sanad guuradii 84-aad ee ka soo
wareegtay markii gobolada koonfureed ee dalka ka xoreebeen
gumeytihii talyaaniga islamarkaasina aheyd isku dartii labadii
gobol ee waqooyi iyo koonfur.Xafladan oo si heer sare ah loo soo
abaabulay ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Aadan Oor ka tirsan
ururka saaxiibtinimada soomaalida iyo Sweden islamarkaasina
hoostaga urrurka isbaheysiga ummadda soomaaliyeed ee dalkanka ka
dhisan. Ugu Mudane Ismacil Firimbi ayaa barnaamijkii habeenkaasi
ku furay aayado Quraan ah kadibna halkaasi ka jeediyey taariikh
dheer oo kaga hadlayey sida magaca soomaalida ku yimid asal
ahaan isagoo sheegay in soomaalida mararka qaarkeed la yiraahdo
waxaa iska dhalay Oramo iyo Carab, halka qaar kalena aty
yiraahdaan buu yiri waxey ahaayeen dad carab ah oo webigii Niil
soo saaray.
Ismaacil waxaa isagoo ku dheeraday taarikhda guud
ahaaneed ee soomalida ka sheekeyey sida uu ku yimid halgankii
xornimo doonta ee gumeystaha lugula dirirayey tan iyo markii
laga soo bilaabo sabankii Axmed Gurey.Markaasoo dagaal ku
dhexmaray xoogagii Bortaqiiska hogaamiminayey dagaalkii ay ku
yimaadeen dhulka hooyo iyo dagaalkii baaxada lahaa ee ku jibeyey
halyeygaasi boqortooyadii Xabishda ee iyada damaca waalida ah ku
dooneysay iney xalaaleysato dhulka soomaaliyeed. Ismaaciil waxaa
uu sheegay in cadowtanimada amxaaradu ay ka timid jabkii Axmed
Gurey u geystay maantana ay ayaan darro tahay iney fadhiso
xaabaha dalkeena.
Nuur Aadan oo kamid ah hey'adaha NGO-yada loo yaqaano ee ka
howlgala gudaha Soomaaliya ayaa dhiniciisa ka shekeeyey in dadki
wadaniyadu ay dhuntay markii ay badweynta qabyaalada dhex
dabaasheen. Bartamihii 90-yadiina ay bilowdeen in markii dadku
ka yaraatay caadifadii qabyaalada ay iyaguna bilaabeen markaasi
iney xasuustaan u dabaal daga maalmahaasi aadka qaaliga u ah.
Suldaan Caweer oo isagana kamid ah odeyaasha soomaalida ee dagan
Gothenburg ayaa tiriyey gabay qiimo leh oo ugu magac daray
"Hadduu maanku xumaado" taasoo uu kaga hadlayey in qabyaalada
soomaalida saameysay iyo nolosha adag ee maanta ku jiraan ay
mararka haboon tahay geeridu. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi lugu
qaaday heestii soomaaliyey tooso oo dadweynahu wejiyadoodu ka
muuqatay qiiro wadaniyaded ay qaaadayen. Jawiguna wuxuu ahaa mid
ku dhamaaday si xamaaasadeysan.
Ikraam Cali