SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gaalkacyo oo lagu soo rogey bandow.

Shir Saxaafadeed ay si wada jir ah ugu qabteen guddoomiyaha Gobolka Mudug Daahir Cabdulqaadir Aflow iyo Duqa Degmada Galkacyo Axmed Cali Salaad ayaa waxaa ay ku sheegeen in laga bilaabo Caawa magaalada Gaalkacyo uu ka dhaqan galayo Bandoo Xilliga habeenkii ah.

Bandooggan ayaa waxaa uu bilaabanayaa 7:00 Fiidnimo illaa iyo Waabiriga Subaxii waxaana ay ku amreen Laamaha ammaanka ee Ciidamada DG Punltand in ay gacanta ku soo dhigaan ciddii ay arkaan iyaga oo magaalada iska dhex maraya waxii ka danbeeya xilligaasi.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in amarkan uu soconayo illaa iyo amar danbe iyada oo ay amar u qabaan laamaha ammaanku in ay fuliyaan tallaabooyinka ay ku gudanayaan waajibaadkooda.

Arrintan ayaa waxaa loo arkaa in ay tahay mid lagu saxayo ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan kan magaalada Gaalkacyo oo ka sii darayey waayadii ugu danbeysey.

Toddobaadyadii ugu danbeysey ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa lagu diley tiro dad ah ku waas oo magic iyo maamuus ku dhex lahaa bulshada.

Horey ayaa Culi maa’uddiinka iyo Waxgaradka magaalada waxaa ay soo jeediyaan qodobbo wax looga qabanayo ammaanka magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay isa soo tareen falal amni darri.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysey oo loo arko in ay qaadaan maamulka gobolka iyo kan degmada kaas oo ay ku hormarinayaa halaha ammaanka guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Galkacyo.

bashiir cumar cali/Gaalkacayo
bashiir137@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS