SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Shirkii Madaxda Afrika uga soconayay Magaalada Sharma Sheekh oo la soo gabagabeeyay iyo qodobo mahim ah oo ka soo baxay shirkaasi

ilaa iyo labatan qodob ayaa aad lagu falanqayay kulamadii labada malmood ka socday Sharma sheekh ku waasoo horay ay u soo diyariyeen Golha Wasiirada hasa yeeshee shir gudoonka waxuu soo saray qaraaro.

ugu horeentii Dhanka Soomaalida Golaha Midowga Afrika maamulka iyo ka hortigida Dagaalada waxuu qaraar ku qaatay sida ku cad bayaanka uu soo saray shirka in mudo Lix Bilood oo kale loo kordhiyo Ciidamada Afrikaanka ah ee nabad ilaalinta ku jooga Soomaaliya.

Bayaanku waxuu beesha Caalamka ugu baaqay in Ciidamo u diraan Soomaaliya si loogu badalo Ciidamada Itoopiyanka ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo in dalalka Afrikaanka ah ay ka qeyb qataan howlaha nabad ilaalinta oo Cidamada loogu dirayo Soomaaliya .

Sido kale bayaanka Golohu uu qiray in lagu dhiiri galiyo dhinacyada Soomaalida gaar ahaan Xukuumada iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya in ay ilaaliyaan heshiishkii sagaalkii bishii June ay ku gaaray magaalada Jabuuti.

Dhinaca Jabuut markanu fiirino bayaanki ka soo baxay shirkii Midowga Afrika ay ku yeesheen Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar,waxuu cabarayn dusha ay uga tuureen wararadii Erataryanka ay kula kaceen xaduudadka wadanka jabuuti ,waxuuna bayaanka uga baqayaa Erataryanka sida ugu dhaqsiyada badan ay Ciidamadooda ugula baxaan halkaasi .

Si adag bayaanku waxuu u sheegay in ay wajib tahay in la ixtiraamo Dalalka xubnaha ka Midowka Afrika Madax banaanidooda iyo kuwa kalaba sdo kale Golaha waxuu wal wal ka muujiyay is hor istaagida ay kula kaceen xukuumada Eratarya booqashadii wafdigii ka socday Midowga Yurub ee donayay in dhawaan ay boqdaan halkaasi si xaqiiqada u baraan .

Wasiirka wasaarada arimaha dibada ee Dowlada Eratarya Cismaan Maxamed Salax ayaa beniyay wararka la sheegay in Eratarya weerar ay ku qaaday Jabuuti cidamadoodana ay joogayn xaduuda oo ay ahayeen ku dafac ku jiray oo kaliyah, wasiirka inata lagu guda jiray kulamadii Sharma sheekha waxa u sheegay dalkiisa wax dano ah in uuna ka laheyn Jabuuti sido kalana ay jirin wax Mushkilad ah oo ka dhaxayso aysan jirin ayaga iyo Jabuuti .

Raage Cali Dheere

raagenews@hotmail.com.com

Masar-Qahira

 Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS