Shirkii golaha dhexe ee isbahaysiga dib u xoraynta oo
Khamiista si rasmi ah u furmaya.
Waxaa maalinimada Khamiista (July 3) ah si rasmi ah uga furmaya xarunta ku
meel gaarka ah ee Isbahaysiga ee magaalada Asmara shirkii xubnaha
golaha dhexe ee Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.
Shirkani oo ay ka soo qaybgeli doonaan inta badan xubnaha golaha
dhexe ee Isbahaysiga sida uu inoo xaqiijiyay madaxa gudiga warfaafinta
ee Isbahaysiga mudane Maxamed Xaashi ( carabey ),waxuuna intaa ku
daray in shirkani uu ka duwan yahay shirarkii hore waayo ayuu yiri
waxaa shirkan looga baahan yahay inuu lagu xaliyo arimo badan oo
siyaasadeed oo wax wayn ka bedeli doona arimaha ka taagan gudaha
dalka Soomaaliya isla markaan dan u ah guud ahaan ummadda
Soomaaliyeed.
Madaxa gudiga warfaafinta ayaa mar wax laga waydiiyay tirada
xubnaha golah dhexe ee ku sugan magaalada Asmara ayuu xaqiijiyay in ay
weli socoto imaanshihii xubnaha golaha dhexe oo qaarkood uu dib u dhac
dhinaca duulimaadka uu ku yimid balse saacadaha soo socda ay ku soo
fool leeyihiin xarunta Isbahaysiga ee Magaalada Asmara.
Madaxa xafiiska warfaafinta mudane Maxamed Xaashi ayaa rajo
wanaagsan ka muujiyay qabsoomida shirkaas iyo go,aanda ka soo baxaya
intaba, balse waxuu ka gaabsaday inta ay le,egtahay mudada uu soconayo
shirkaas.
Si kastaba arintu ha ahaatee shirka la filayo in uu beri ka furmo
xarunta Isbahaysiga ee Asmara ayaa shacabka Soomaaliyeed il gaar ah ku
eegayaan qaabka uu ku furmo iyo go,aanada ka soo bixi doona intaba.
Xafiiska warfaafinta ee Isbahaysiga
Asmara july2.2008.
Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2008