SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirjaraa’id oo ay qabteen madaxda SSUP

Laguna soo afjarey  Shirweynihii Labaad ee Xisbiga 

Waxaa  29 kii June 2008 si rasmi loo soo xirey shirweynihii labaad Xisbiga Midnimada Bulshada Somaaliyeed, shirkaas oo 28kii bishan ka furmay magaalad Esklistuina ee wadanka Sweden. Shirka waxaa lagu falanqeeyay oo lagu ansixiyay dastuurka xisbiga & barnaamijaka xisbiga SSUP. Sidoo kale waxaa la iskula meel dhigay qodobo howleedka xisbiga (Action Plan) kasoo qodobadiisu lagu saleeyay fikradihii & qodabadii ay soo jeediyeen xubnaha ee kasoo qeybgalay shirweynaha labaad ee xisbiga.


Eng. Ahmed Moalin

Gabagabadii waxaa shirjaraa’id wada qabtay Mudane Yasin Mahi oo ah Gudoomiyaha SSUP, Mudane Ikar Amin Ikar oo ah Xoghaya Guud ee SSUP & Eng. Ahmed M Moalin Waharey oo ah Xoghayaha Horumarinta Bulshada ee SSUP oo ka wada tirsan Golaha Dhexe & Gudiga fulinta ee xisbiga SSUP.

Shirkaas jaraad waxaa uu Gudoomiyuhu mahad balaaran uga soo jeediyay dhamaan xubnihii xisbiga ee kasoo qeybgalay shirka & marti sharaftii kale ee lagu casumay, sidoo waxaa salaan & hambalyo hawada uu u mariyay dhamaan xubnihii xisbiga aysan u suroobin inay kasoo qetybgalaan shirweynaha laankiin intooda badan telefoonada kula soo xiriirayay madasha shirku kasocday.

Sidoo kale waxa uu Xoghayaha Horumarinta Bulshada ee SSUP waxa uu ugu baaqay dhamaan bulshada Somaaliyeed ee kasoo barakacday magaalada muqdisho ee ku sugan daafaha magaalada iyo inta ku sugan gudaha magaalada inay soo wada dhaweeyaan hindisaha heshiiska nabada ee jabuuti si loo soo afjaro dagaalada, loona helo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo lagu bedelaya ciidamada Ethiopia loona gudo galo dib u heshiinta dhab ah.

Sidoo kale waxa uu xogahayaha horumarinta bulshada ee SSUP uu ka codsadey  Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inay dardar geliyaan qorshaha Qaramada Midoobay ay ku doonayaan inay soomaaliya ku keenaan ciidamo aan ahayn safka hore mudo 120 cisho gudaheed ah si ciidamada Ethiopia mudadii loogu talagalay uga baxaan dalka Somaaliya.

Sidoo kale waxa uu Xoghayaha Hormarintu Bulshadu baaq u direy dhamaan madaxda Ururka dib-u-xoreynta Bulshada  uguna baaqey inay ka heshiiyaan qilaafka dhexdooda ah madasha nabadana si wada jira uga wada qeybgalaan iyagoo tixgelin siinaya shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaalayusan daafaha & gudaha magaalada muqdisho & gobolada dalka.

Sidoo kale waxa ay sedexda masuul ee SSUP si wada jira baaq ugu direen dawlada Federaalka waxayna ugu baaqeen in lagu soo dabaalo nabad, lana badiyo shirarka nabad ee lala yeelanay qeybaha siyaasada ee kala fikirka ah, dalkana laga hirgeliyo nidaam ogolaanaya in dalku yeesho Axsaab siyaasi ah oo tayo leh oo aan qabiil ku dhisnayn si loo helo doorashooyin xor ah oo si xaq ah uga dhaca geyiga soomaaliya. 

Akhri:

Dastuurka Xisbiga SSUP.pdf

Historical events 2004 2008.pdf

GET INVOLVED.pdf

Eng Ahmed M Moalin Waharey
ahmed.moalin@gmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS