SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir aan caadi ahayn oo Isniintii ka dhacay Magaalada Casmara ee Dalka Eritrea. 

       Shir ay isugu yimaadeen xubnaha labada gole ee Isbahaysiga Dib-U-Xoreynta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xaafiiska Isbahaysiga ee Magaalada Casmara.

       Shirkani oo uu shir  gudoominayay ku simaha gudoomiyaha Isbahysiga DR.Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaana looga hadlayay u diyaargarowga shirka la filayo in uu  dhaco 03/07/2008 kana dhaco xarunta Isbahysiga ee Magaalada Casmara. 

       Waxaana ugu horeyn halkaa ka warbixiyay Gudoomiyaha Guddiga qabanqaabada Sh.Xasan Mahdi isagoo ka warbixiyay halka ay marayso diyaarinta shirka iyo dastuurka taas oo uu sheegay in ay soo dhameeyeen howshooda waxa uuna Gudoomiya amaan u  soo jeediyay gudiyadii la shaqaynayay. 

       Sidoo kale waxaan wax ka waydiinay halka ay marayso qabanqaabada loogu diyaar garoobayo qabsoomida shirkaasi Ku simaha Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Mudane Maxamed Xaashi waxuuna sheegay in dhammaan guddiyada qabanqaabada ee shirka ay soo diyaariyeen dhamaan howlahii laga sugayay, isla markaana uu shirku dhici doono 3/7/08 oo ku aadan maalinta khamiista ah.  

       Mudane Maxamed Xaashi waxa uu intaa raaciyay inay ku soo qulqulayaan xarunta Isbahaysiga ee Casmara xubno badan oo ka tirsan xubnaha golaha dhexe ee Isbahaysiga xalayna ay soo gaareen xubno uu ka mid yahay Shiiq Cabdulaahi Cali xaashi. 

       Gunaanadkii shirkaa ayaa waxaa ka hadlay ku  simaha Gudoomiyaha Isbahaysiga mudane Zakariye Maxamuud Xaaji asagoo ku amaanay shaqadii ay  soo qabteen kuna booriyay inay  sii laban laabaan dadaalkooda la xariira qabsoomida shirka. 

Xaafiiska Warfaafinta ee ARS

Casmara June 30, 2008

 Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS