SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Switzerland : Alle bari loo sameeyay Marxuum Sh. Ibraahim Cabdalla

Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland ayaa maanta u sameeysay Allaha u naxariistee Sh Ibraahim Cabdalla, hogaamiyahii hore ee JWXO isu imaatin Alle bari ah. Isu imaatinkan oo lagu qabtay Hoteelka NH ee magaalada Fribourg ayaa ujeedadiisu ahayd xusida baalka dahabka ah oo uu Shiikhu ku leeyahay halganka xaqa ah ee Ogaadeenya iyo qadiyada Soomaaliyeedba, waxqabadkiisii iyo in Eebe marxuumka janadii ka waraabiyo.

Kulankan ayaa ka sokoow xubnaha jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland, waxaa kaloo ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee wadankan Switzerland iyagoo dhamaantood ka marqaati kacay Islaanimo-jaceeylka, Soomaalinimada iyo xaq u dirirnimada Alla u naxariistee Sh. Ibraahim Cabdalla.

Goobta ayaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah buugaagta dhaxalgalka ah oo uu mujaahidku qoray. Sidoo kale inta uu kulankan socday ayaa la xusay dhamaan halyeeyedii Soomaaliyeed ee dhiigooda u huray qadiyada Ogaadeenya iyo mida Soomaaliweeynba oo aay ka mid ahaayeen Imaam Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Garaad Makhtal Daahir iyo Maxamed Siyaad Barre oo suurto galiyay in Ogaadeenya xor ahaato mudo sideed bilood ah ka hor in ta aanay reer galbeedku u qaban Ogaadeenya amxaarada.

Kulankan ayaa mashaa’ikhdii goobta joogtay ku soo gabagabeeyeen duco Alle lagaga baryayo in uu u janadiisa ka waraabiyo dhamaan shuhadada u nafweeysay is ka caabinta dulmiga gumeeysiga itoobiya guud ahaan gaar ahaana Sheekh Ibraahim Cabdalla oo isagu ah aabaha cusub ee halganka gumeeysi-diidka ah ee qarnigan.

Wadadii uu falay Mujaahidku ayaa taala oo aan raaci doonaa ilaa aan ka dhabeeyno hadafkii Sheekh Ibraahim ayeey xubnaha jaaliyada is ku balansadeen.

AM.
Fribourg, Switzerland.

waxaa soo tebiyey
MOHAMED ISMAIL

 Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS