SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xasan Cali Barre: waxaan jirin hashii maandeeq waxaana cunay gumesiga dalka qabsaday waana ka tacisiyadeynayaa....

Xuska Munaasibadihii maalmaha qaranka oo ku sii yaraanaya Muqdisho iyo gobo kale ayaa waxaa soo baxaya warar kale oo sheegayo in aan loo baahneyn xuska maalmaha qaranka xiligaan la joogo oo lagu macneeyey xili wadanku ku jiro gumeysi

Xasan Cali Barre “waxaan la yaabaa marka idacaduhu ay shidaan heesaha ay kamidka yihiin aan maalno hasheena maandeeq “ waxaan jirin hashii maandeeq waxaana cunay gumesiga dalka qabsaday waana ka tacisiyadeynayaa,

26kii bishaan oo aheyd maalintii la taagay calan somaliyeed ayaa la xusin warkeeda la isku soo qaadin waxaana sidoo kale ku lamanasaneyd maalintii ay Djabuuti xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii faransiiska ayaa la arag wax tilmaan ah oo arimahaas lagu garan karo.

Ayada oo arimahaasi ay jiraan ayaa Isniintii waxaa shir jaraid looga hadlay arimo badan oo ay ka mid tahay arinta u dabaaldegida maalmaha qaranka oo ay doodi ka timid in la xuso sida ay ka dhawaajiyeen qaar ka mid ah Xisbiga midnimada jamhiiriga somaliyeed oo  warsaxaafadeed ka soo saray xarunta xisbiga ee Magaalada muqdisho ayaa umadda somaliyeed kaga tacsiyedeeyey xornimadii ka gashay gacanta Etiopia.

Wakiilka abaabulka iyo xiriirka gobolada ee xisbiga midnimada jamhuuriga somaliyeed Mudane Xasan Cali Barre oo ku hadlayey magaca gudoomiyaha xisbiga Mudane Cabdinuur Axmed daraman ,golaha dhexe ,gudiga fulinta.


Xasan Cali Barre

dhamaan umada somaliyeed waxaan halkaan uga tacsiyadeynayaa munaasibadii kowda lulyo oo la waayey , maadaama xuriyadii aan lixdankii qadanay ay maanta god gashay oo maanta cadow ku soo duulay uu gacanta ku dhigay sidaa daraadeed ma dhihi karno waa u dabaaldagaynaa kowda luulyo ee taa bedelkeeda waxaan leenahay shacabka somaliyeed ee geedaha hoostooda daadadku ku qaadayaan halka qaarna ay ku dhamadeen halista madaafiicda iyo xabadaha iyada oo ay dheertay tan bahalada iyo badaha kuwa ku dhamaanaya

Shacabka u cararay wadamada aan dariska nahay iyo kuwa adunka oo dhan kuwa joogo ayuu xisbigu tacsi tiiraanyo leh hawada u marinayaa ayaa lagu yiri shirka jaraid ee uu qabtay xisbiga midnimada jamhuuriga somaliyeed ee uu madaxda ka yahay Mudane Cabdi Nuur Darman oo horey u sheegtay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee uu leeyahay dalka somaliya oo aan waayadaan hadalheyntii madaxweynenimadiisu ay sii yaraatay

Waxaa kale oo laga so saaray baaq loo soo jeediyey umada somaliyeed ee sida uu sheegay cadowgu ku fadhiistay baaqa ayaa lagu yiri umada somalyeed ha u dadiso dhiigeeda sidoo kale wuxuu cambaareeyey xisbigu dagalka ka socdo gobolada galgudud iyo kii xalay ka dhacay guri ceel

Umada somaliyeed ee calankeedii , ciideedii , sharafteedii iyo karaamadi ay laheyd ku weysay cadowga dalkeedii qabsaday ayaa looga tacisyadeeyey arimahaas xasaasiga ah waxaana dadka somaliyeed ee ka dhiidhiyey loogu bogaadiyey sida sharafta leh ee ay ula dhaqmeen markii la soo weeraray dalkoda waxaana sido kale loogu baaqay in ay sii wadaan iska caabintooda

Dhanka kale waxaa lagu yiri shirkaan jaraid dadka ay ku dahcayaan madaafiicda laga rido tangiyada iyo kuwa ka dhacay madaficda kala duwan in ay ku sabraan oo ay tahay arintani mid ka timid xaga eebe lagana bixi doono lagana doonayo in ay u dulqaataanaa

Sanadkii tagay xiligaan oo kale magaalda muqdisho waxaa saarneyd bandow waxaana jirtay in habeenkaas calanka laga taagay xarunta madaxtooyada oo uu goob jooge ka haa madaxweynaha Dowlada fadaraalka KMG somaliyeed halka aan caawa la soo hadal qaadin basle mar aan weydiiyey afhayeenka DF wuxuu ii sheegay in uu jiro xuska maandeeq hase yeeshee ma jiraan wax diyar garow ah oo aan ku aragnay gudaha Magaalada sidoo kale lama haayo wax calaamado ah oo muujinayo in ay tahay maalin qarameed la xusayo ,

dadka shacabka ah ayaa ku mashquulsan gudaha xeryaha dadka ka barakacay guryahoodii kuwaas oo aan heysan hoy ,go, iyo meel ay ka galaan robabka xiligoodii lagu guda jiro mana tabayaan kowda luulyo iyo malin qaran midna sida ay sheegeen qaar ka mid ah madaxda xisbiga midnimada jamhuuriga somaliyeed

MUUSEMAXAMUUD
musejisow@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS