SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LaasCaanood

Wariye C/casiis Saleebaan Axmed Oo Ku Jira Xabsiga Magaalada Laascaanood.

Waxaa maanta [Jan 4, 2007] maalintii 7aad ku jira xabsiga magaalada Laascaanood wariye C/casiis Saleebaan Axmed oo isagu ah wariye Madaxbanaan oo ka hawlgala gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Wariye C/casiis Saleebaan Axmed ayaa waxa xidhay sida ay sheegeen wararka laga soo tabinayo magaalada Laascaanood xubno iyagu sheegay in ay yihiin gudiga nabad galyada ee maamulka Hargeysa ilaa iyo xilligana aan sheegin sababta ay u xidheen wariye C/casiis Saleebaan Axmed.

Xaaladda wariyaha ayaa laga soo dayrinayaa iyada oo uu ku xidhan yahay xabsi adag oo noloshiisi aad u liidato.

Wariye c/casiis Saleebaan Axmed oo isagu ah wariye Madax banaan ayaa waxa uu hore uga hawlgali jiray saxaafadda aad wax uga qorta gobolada Sool,Sanaag Iyo Cayn, iyada oo uu wararka ka soo tabin jiray magaalada Laascaanood.

Tan iyo intii Maamulka Hargeysa ay gacanta u gashay magaalada Laascaanood waxa ay la kulmayeen suxufiyiinta ka hawlgalaa magaaladaasi xadhig iyo jidh dil kala duwan oo ay u gaysnayaan xubnaha ka soo jeeda maamulka Hargyesa, hore ayaa sadex wariye loogu xidhau magaalada Laascaanood ka dib markii lagu soo eedeeyey in ay qoreen warar aanu jeclaysan maamulka hargyesa.

Asad Caddaani Ibraahim
Dimishiq Suuriya
asadlaska@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com