SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • QALALAASE DHAQAALE OO SOO FOODSAAREY K/AFRIKA, KADIB QUWADA KORONTADA OO GABAABSI NOQOTEY

  • Muucwino guriceel laga qaybiyey

  • Jaaliyada Beesha Digil iyo Mirifle ee Dalka Masar oo ku kulantay Magaalada Qaahira

QALALAASE DHAQAALE OO SOO FOODSAAREY K/AFRIKA, KADIB QUWADA KORONTADA OO GABAABSI NOQOTEY___KOOBKA ADUUNKA 2010 OO SHAKI KU JIRRA IYO XAALAD AMAR DEGDEG AH OO DALKA LOOGA DHWAAQEY.

K/Africa, waa dalka ugu qanisan qaarada, kororka dhaqaalaha ayaa sanooyinkii lasoo dhafey gaarey 5.4% sanadkiiba, hase yeeshee waxaa maanta looga dhawaqey xaalad amar degdeg ah oo xaga quwada korontada ah, tani waxay ka dambeysay markii eey gabaabsi gashay quwadii korontada kadib sare u kaca dhaqaalaha dalka oo kalifay in dalka laga isticmaalo koronto ka baddan inta uu dalka iminka heysto, taasina eey kaliftey todobaadkan in gabi ahaanba markaliya dalka eey saacado xariir ah ka tagto korontadii. waxayna tani horseedey qalalaase xoogan oo ku yimaada kororka dhaqaalaha.

shirkadaha ugu waaweyn aduunka ee macdanta qoda, aya gabi ahaanba maanta joojiyey shaqadiidii macdan qodida, oo eey dhulka hoostiisa kasoo saareen dhamaan shaqaalihii ka shaqaynayay, shirkadahani oo ka midyihiin kuwo aduunka ugu waaweyn waxaa ka mid AngloGold Ashanti, Gold Fields, and Harmony, taasi darteedna qiimihii dahabka ayaa markii ugu horeysay taariikhda gaarey $923.40. halka qiimaha saamiga suuqyada hoos u dhacay illaa 7% iyo 9%. waxaa kaloo ku lumaya kumanaan shaqo, oo waxaa shaqadoodii weynaya dadkii ka howlgalayay shirkadaha irdaha koronto la'aanta loo xirey.

K/afrika dalka aduunka bixiya korontada ugu qaban, shirkada qaranka uu leeyahay ee korontada dhalisa Eskom (ee quwada nuyukleerka ku shaqaysa), ayaa ku guuldareysatey in eey dhisto warshado korontada dhaliya oo dheeraad ah, maadaama la sheegey in eey horey usii ogaadeen in dalabka korontada uu kordhayo sanadka 2007-da, sidaasi darteed Eskom oo sidoo kale koronto siisa dalalka dariska ah sidda Botoswana iyo Zimbabwe ayaa iminka wajaheysa amar degdeg ah xagga dowlada ka yimaado iyo shacabka dalka oo arrintani si weyn oga xun, kumanaan shirkado yaryar oo wax soo saara ayaa ilimada xirtey, ganacsiyada qaar ayaa la kulmay qasaare xoogan markii waxsoo saarkoodii eey u qurmeen koronto la'aan sida shirkadaha ka ganacsada hillibka digaaga, caanaha iyo waxyaalaha quwada korontada lagu keeydiyo.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in tartanka kubbada cagta 2010-ka uu shaki weyn ku jirro qabsoomidiisa, waayo dhamaan mashaariixdii dhismaha ku socdey sida qadka tareenka dheereya ee johansburg laga dhisayo, garooimada ciyaarada, wadooyinka gaadiidka dhulka, kan cirka ayaa dhamaan hakad galay koronto la'aan darteed. sidaasi darteedna suuro gal ma ahan ayaa la leeyahay in waqtiga ku haboon k/afrika eey diyar u noqoto qabashada ciyaarada aduunka.

C/nasir saxansoxo. Email: southafrica@somalitalk.com. johansburg, SA.


Muucwino guriceel laga qaybiyey

Mucaawinooyinkaan oo isugu jirey Masago, Galeey, Boorash iyo saliid ayaa manta loogu qaybiyey 3305 qoys oo ah dadkii soo barakacey kuwaasi oo kusugan degmada guriceel iyo 49 tuulo oo ku hareersan ee gobolka Galgauud.

Deeqdaan mucaawinada ayaa waxaa soo gaarsiiyey degmada guriceel iyo tuulooyinka ku hareersan hay’ada BRADO, waxaa deeqaan usoo mariyey dadka soo barakacay ee ku sugan degmada Guriceel hay’ada Care international.

Qaybinta raashinkaani ayaa waxa ay ku soo beegmaysa xili dhibaato xaga nolsha ahi ay haystaan qoysaskaan iyadoo sidoo kalena deeqdaan ay kusoo begmayso xili abaaro iyo biyo la’aan ay ka jiraan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, hase ahaatee waxaa jira jira qoysas kale oo kasoo barakacey magaalada muqdisho kuna dhaqan degaano ka tisan gobolka Galgaduud oo ay haystaan dhibaatooyin kala duwan ee ah dhinaca nolosha hase ahaatee aanun helin wax gargaar ah.

Qoysaskaan ayaa aad uga mahad celiyey deeqdaan ay hay’ada care soo gaarsiisey iyagoona sheegay in xiligaan ay si weyn ugu baahnaayeen.

Waa markii uug horeysey oo tiro inta la’eg da ah kuna dhaqan gobolka Galgaduud la soo gaarsiiyo Raashin iyo mucaawino noocaani oo kale ah..

Si kastaba ha ahaatee mucaawinadaan ayaa ku soo begmaysa xili maalinba maalinta ka dambeysa ay soo garaayaan gobolada dhexe ee Soomalia, dadka iyaga ka soo qaxaya qaraxyada iyo weerarada ka jira magaalada muqdisho.

Abdulkarim Mohamed Jim’ale (Muxsin)
Somalitalk, Guriceel
muxsin55@hotmail.com


Jaaliyada Beesha Digil iyo Mirifle ee Dalka Masar oo ku kulantay Magaalada Qaahira

Kulan Balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan siyaasiyiinta,dhalinyarada,Haweenka jaaliyada Beesha Digil & Mirifle ee Ku nool Dalka Masar ayaa waxaa lugu Qabtay Holka Shirarka ee Nasr City oo ku yaalo Magaalada Qaahira.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay.
1=sidii loo dar dar gelin lahaa Howlaha jaaliyada loona adkeyn lahaa midnimada iyo xiriirka ka dhaxeeyo Jaaliyada Digil & Mirifle ee ku kala Nool Dalka iyo Dibadaba

2=Horumarinta iyo dhiiri gelinta Barnaamijyada wax Tarka u leh Bulsha weynta Jaaliyadda iyo Degaannadooda oo Dhan.

Mas’uuliyiinta ka Hadshay Shirka Jaaliyada Beesha Digil & Mirifle ee Lugu Qabtay Magaalada Qaahira ayaa waxaa Ka mid ahaa Gudoomiya Jaaliyada Digil & Mirifle ee Dalka Masar
Md.Ibraahim Abeekar iyo Dr.Maxamed Nuur jileey, Sheekh C/risaaq Siidow iyo Mas’uuliyiin Kale oo Ka tirsan Jaaliyada Beesha Digil & Mirifle ee Dalka Masar waxeyna dhamaantood Carabka ku adkeeyeen Muhiimada ay leedahay Midnimada iyo wadajirka Beesha Digil iyo Mirifle iyo dhamaan Beelaha Soomaaliyeed.

Shirka jaaliyadda Beesha Digil & Mirifle ayaa waxaa Baaq loogu jeediyay Kooxaha Ku dagaalaamaayo Dalka Soomaaliya waxaana loogu yeeray in ay joojiyaan dagaalka iyo Fowdada Dalka Soomaaliya Ka jirta 17 sano Waxaa Sidoo kale Loogu yeeray kooxaha Dirirtu ka dhaxeyso in ay khilaafoodka ku xaliyaan Miiska wada Hadalka.

Ismaciil Saxaaf
Saxaaf@hotmail.com
Qaahira-Masar

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com